Yom Kippur: Maxaad ka taqaan 'Dagaalkii Ramadaanka' ee dhex maray Israa'iil iyo dalalkan Carbeed?

Yom Kippur

Xigashada Sawirka, AP

Waa dagaal magacyo badan, waxaana ka mid ah magacyada loogu yeero, Dagaalkii Ramadaanka, Dagaalkii Yom Kippur ama dagaalkii Oktoobar. Hase yeeshee waxa cad ee muuqda ayaa ah in dagaalkan dhacay kontan sano ka hor uu dunida badalay.

Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil iyo dawladaha Carabta, iyo sidoo kale dunida inteeda kale, ayaa weli la nool wixii uu ka tagay dagaalkaasi.

Dagaalkan oo sidoo kale loo yaqaan dagaalkii afraad ee Carabta iyo Israa’iil ayaa dhacay bishii Oktoobar ee sannadkii 1973-ki taas oo ah sababta loogu bixiyay Dagaalkii Octoobar, waxayna sidoo kale ku beegnayd bisha Islaamka ee Ramadaan oo sidoo kale loogu magac daray. Dagaalkani wuxuu socday wax ka yar saddex toddobaad.

Wuxuu dagaalkani u dhexeeyay Israa’iil iyo laba dal oo carbeed oo kala ah Masar iyo Suuriya, balse wuxuu si dadban isaga hor keenay Maraykanka iyo midowgii Soofiyeed ee Ruushka. Midowga Soofiyeed wuxuu difaacayey ama garab sinayey dalalkan Carabta halka Maraykanku sida haddaba uu garab taagnaa Israa’iil.

Wuxuu daba socday dagaalka la baxay ‘Dagaalkii Lixda Maalmood’ oo isagu dhacay 1967, kaas oo Israa’iil ay ku qabsatay dhul carbeed oo ay ka mid yihiin, buuralayda Suuriya ee Golan iyo Sinaio o dhanka Masar ah.

Anwar Sadaat oo madaxweyne ka noqday Masar wax yar uun ka dib dagaal si gaar ah u dhex maray Masr iyo Israa’iil sanadkii 1969 ilaa 1970 ayaa ogolaaday inuu la heshiiyo Israa’iil hadii, heshiiskaas lagu salaynayo axdiga Qaramada Midoobey ee 242, oo ay Israa’iil dib u celiso dhulka ay dagaalka ku qabsatay.

Hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday soo jeedintaas, waxayna taasi horseedday in mar kale 1973-kii dagaalku dib u qarxo.

Yom Kippur

Xigashada Sawirka, AP

Sidee buu dagaalku u dhacay?

Galabnimadii 6-dii Oktoobar Masar iyo Suuriya waxay isku mar weerar kaga qaadeen Israa'iil laba jiho. Iyaga oo ka faa’iideystay la hor marka gacanta, ciidamada Masar waxay si fudud uga gudbeen kanaalka Suweys si ka sahlan sidii la filayay, iyagoo la kulmay qayb yar oo ka mid ah khasaarihii la filayey, halka ciidamada Suuriya ay u suurtagashay in ay bilaabaan weerarkooda ka dhanka ah fariisimaha Israa'iil oo ay ka gudbeen buuraha Golan Heights.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xoogagga weerarrada Masar iyo Suuriya, si ka duwan xaaladdii dagaalkii 1967, waxay si degdeg ah u bilaabeen bartilmaameedsadaan kaydka Israel ee hubka. Ra'iisul wasaarahii Israa'iil ee xilligaas Golda Meir ayaa u jeestay Mareykanka si uu gargaar u helo, halka shaqaalaha guud ee Israa'iil ay si degdeg ah u hagaajiyeen istiraatiijiyad dagaal, balse Maraykanku waa uu diiday.

Hase yeeshee, diidmadii Maraykanku waxay si degdeg ah isu beddeshay markii Midowga Soofiyeeti uu bilaabay dadaalkiisa hubaynta Masar iyo Suuriya. Madaxweynaha Mareykanka Richard Nixon ayaa ka hortagay isagoo sameeyay khadka sahayda degdega ah ee Israel, inkastoo wadamada Carabtu ay ku soo rogeen cunaqabatayn shidaal oo qaali ah, xulafada kala duwan ee Mareykankuna ay diideen inay fududeeyaan shixnadaha hubka.

Dibisu abaabul iyo taageeradii Maraykanka oo soo gaadhay awgeed, Israa’iil ayaa dagaalka u dhanka kale u ragtay. Waxay si deg deg ah u burburiyeen qayb weyn oo ka mid ah awooddi dhanka cirka ee Masar, taas o u suurta galaisay Israa’iil inay ka gudubto kanaal Suweys halkaasna ay ku hareereyeen ciidankii saddexaad ee Masar.

Yom Kippur

Xigashada Sawirka, AP

Dhanka Suuriyana, ciidamada Israa’iil waxay dib u riixeen ciidamadii Suuriya, oo ay gaarsiiyeen ilaa wadada aadda Dimishiq ee marta dooxada Golan.

Oktoobar 22-keedii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 338, kaasoo ku baaqayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka; inkastoo ay taasi jirto, hadana colaadaha ayaa sii socday dhowr maalmood ka dib, taasoo keentay in Qaramada Midoobay ay ku celiso baaqa xabbad-joojinta ee tirsigiisu ahaa 339 iyo 340.

Iyadoo cadaadiska caalamiga ah uu sii kordhayo, dagaalku wuxuu ugu dambeyntii joogsaday Oktoobar 26keedii. Israa'iil waxay saxiixday xabbad-joojin rasmi ah oo heshiiskii Masar kula saxiixatay November 11keedii, iyo Suuriya oo ay la gashay 31kii Maajo ee 1974.

Sidaasna waxaa kusoo afmeermay dagaalka la baxay maalintii Kibuur (Yom Kippur) oo ah maalin ciid u ah Yuhuudda balse ay carabtu kusoo beegeen dagaalkooda. Sidoo kale xilliga uu dagaalkani dhacayey waxay ahayd bil Ramadaan, waana sababta sidoo kale loogu yeero dagaalkii Ramadaan.

Waxaa xusid mudan in markoodii ugu horeysay ay dalalka carabto si wada jir ah usoo rogeen cuna qabatayn dhanka shidaalka ah oo ay la beegsadeen qaar ka mid ah dalalka reer galbeedka.