Sidee bay hooyadan ku aqoonsatay meydka wiilkeedii ay ku weyday 17 sano ka hor Dawlad Deegaanka

Xabaal wadareed

Xigashada Sawirka, Facebook

    • Author, Abdirahman Buuh
    • Role, Weriye

Wararka ka imaanaya dawlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in degmada Dhagax Madow oo qiyaastii 70 kiiloo mitir u jirta magaalaada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar ee deegaanka Soomaalida laga helay xabaal wadareed ay ku jireen afar qof oo hakaasi ku aasnaa, degmada waxay ka mid tahay meelihii ay ka dhaceen tacadiyadii dhacay Xilligii xukumadii Cabdi Maxamud Cumar, waxaana socday dagaalkii u dhaxeeyay ONLF iyo dowladda Itoobiya.

Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in qiyaasta marka dadkaan la laayay ay ku aaddan tahay sanadihii 2015-kii ilaa 2016-kii.

Komishinka tacadiyada iyo xaal marinta dadkii la dhibaateeyay oo deegaanka Soomaalida laga aas aasay ayaa dhawaan soo bandhigay warbixin ay ka soo ururiyeen 11 gobol ee deegaanka waxay shegeen in ay diwaan galiyeen 165 xabaal waddareed oo tirada dadka ku aasan ay yihiin 1,247, qof waxaana ay xuseen in xabaal waddareeda ugu badan ay ku jiraan 84 qof.

Xaaladdaha noocan oo kale ah ayaa waxaa aad u adag in la aqoonsado haybta dadka helo meydadkooda.

Haddaba, Xaliimo Dahir Ismaacil ayaa dadka laga helay xabaal wadareedka ka dhex aqoonsatay wiilkeedii ay xoolaha raacisay oo ay hore u wayday nolol iyo geeri muddo ka badan 15 sano. Waxay ka dhex aqoonsatay 4 qof oo laga dhex helay meel laga qodayay musqul ay qodaneen qoys deggan degmada dhagax madow.

Waxay sheegtay inuu ahaa 17 jir adhiga u raaci jiray, ka dibna isaga oo adhiga la jooga laga soo dhex kaxeeyay, ayna meel banaan ah ku aragtay waysadii biyuhu ugu jireen oo taala meel banaan ah.

"Inan yar oo agoon ah oo Ariga ii raaca ayuu ahaa. Wuxuu ahaa 17 jir. Isagoo Ariga ii raacay ayaa iigu dambaysay. Wiilkaagii waa lala tegey uun baa la i yiri oo arigii oo la wado ayaa la ii keenay. Qolada la tagtay waxaa la ii sheegay inay ahaayeen askartii Liyu booliska. Caagaddii biyuhu ugu jireen ayaa halkii lagaga tegey. Isaga iyo wadaad adeerkii ah iyo laba wiil oo ayagana ay meelaha ka qabsadeen. Halkan Dhagax madow ayaa la keenay, markii aan ka daba imidna cidi ma aanay arki karin, waayo dadka waa loo diidayey in maxaabiista la soo xiray la arko" ayey tiri Xaliimo Daahir.

Waxay intaa ku daratay in akhbaartii xigtay ee ay heshay ay tahay in dadkii la so qabtay la laayey.

"Aragtidiisa waxaa iigu dambaysay aroortii uu ariga ii raacay. Markii dambana shalay ayaan aqooday macawistiisii, waayo waa carruur aan agoonnimo ku koriyey oo aan dharka u gadayey. Dharkii aan u so gaday ayaan gartay" ayey sii raacisay.

Dhagax Madow

Xigashada Sawirka, Facebook

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maamulka dawlad deegaanka ayaa BBC u xaqiijiyey in xabaal wadareed laga helay degmada Dhagax madow.

"Muddadii ay TPLF ka talinaysay dalka waxaa deegaankaas ka dhacay taccadiyo, dad fara badan ayaana lagu laayey, Gaar ahaan dhagax madow waxay ahayd meelihii inta dadka la soo uruuriyo ama iyada dhexdeeda laga qabto lagu layn jiray ayey ka mid ahayd. Dhagax madow waxay meelaha kale kaga duwan tahay waa meel dhagax ah oo qodiddeedu aad u adag tahay, dadkii xilligaa ogaa markii dadka laynayeyna waxay noo sheegeen in ay ku aadanayd 2015, 2016 ilaa 2017" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Jarar Axmed Xuseen Axmed (Bidhic) oom BBC ay arrintan wax ka weydiisay.

Wuxuu xaqiijiyey in wiilka ay Xaliimo Daahir sheegtay inay dhashay kaliya laga aqoonsaday dadkii ku xabaalnaa godka afarta qof ay ku wada aasnaayeen.

"Ilmahaagii oo xero Liyuu boolis lagu haysto oo cishaba maryo dhiig leh laga soo dhaadhicin intee in le'eg bay qarracan kugu noqon lahayd baad u malayn" ayey tiri Xaliimo oo ka hadlaysay welwelkii muddadaas dheer haystay.

"Markii aan maryihiisii iyo raqdiisii arkay aad bay ii dhibaatay, laakin qof waa hore laga dhintay oo iska samray ayaan ahay" ayey tiri markii wax laga weydiiyey sida uu dareenkeedu yahay hadda.

Dhawaan ayaa guddi qaabilsan baarista tacaddiyadii ka dhacay dawlad degaanka tobanaankii sano ee la soo dhaafay waxay sheegeen inay jiraan boqolaal qof oo tacaddiyo isugu jira dil iyo jirdil loo gaystay. Waxay kaloo intaa ku dareen inay heleen xabaal wadareedyo ay qaarkood ku jireen meydadka tobanaan qof oo isku goob lagu dilay.