Liverpool oo lacagtii ugu badnayd ee taariikhda kubadda cagta ee Ingiriiska ku soo iibsanaysa weeraryahan, imisa ayey ka bixinaysaa

Xigashada Sawirka, BBC Sport
Liverpool ayaa ogolaatay lacagtii ugu badnayd suuqa kala iibsiga cayaartoyda ee Ingiriiska oo dhan 125 milyan oo ginni si ay ula soo wareegto weeraryahan Alexander Isak oo ka tirsan Newcastle United.
Ilo wareedyo ku dhow heshiiska ayaa BBC u sheegay in heshiis uu xiddiga Sweden ugu wareegayo Anfield uu haatan jiro.
Ilo wareedyo Newcastle ku dhow ayaa iyaguna sheegaya in heshiiska uu ku kici karo 130 milyan oo ginni oo lagu daray lacago kale oo dheeri ah.
Isak ayaa baaritaanka caafimaadka maraya ka hor inta uusan saxiixin qandaraas lix sano ah.
Liverpool ayaa laga soo diiday dalabkii asalka ahaa ee 110 milyan ginni bishii Agoosto, laakiin haatan waxa ay qarka u saaran yihiin in ay helaan hamigooda kowaad ee xagaagan.
Sheekada daba dheeraatay ee ku lugta leh 25 jirkaan ayaa u muuqata mid soo afjarmi doonta maalinta ugu dambeysa ee suuqa kala iibsiga, waxayna daba socotaa Newcastle oo heshiis la soo saxiixatay weeraryahan Nick Woltemade ee Stuttgart usbuucii hore.
Liverpool ayaa horay u jabisay rikoorkeeda suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay heshiis la soo saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany ee Florian Wirtz, kaasoo qiimihiisu ahaa 100 milyan ginni, iyadoo 16 milyan oo dheeri ah lagu daray.
Imaatinka Isak ayaa ka sarreeya kharashkaas. Ka dib markii ay sidoo kale keeneen Hugo Ekitike, Milos Kerkez, Jeremie Frimpong, Giorgi Mamardashvili, Armin Pecsi iyo Giovanni Leoni, heshiiska wuxuu ka dhigayaa kharashka kooxda ilaa £ 416.2m iyada oo aan waxyaabo dheeraad ah lagu kordhin - wadarta guud ee taariikhda horyaalka Premier League.
Waa markii labaad oo koox Ingiriis ah ay qarash gareyso in ka badan 400 milyan ginni hal xagaa, Marka laga yimaado kooxda Chelsea oo bixisay £401.2m sanadkii 2023.
Liverpool ayaa wali wax badan oo lacag ah bixin karta iyada oo kooxdaasi ka shaqaynaysa sidii ay daafaca reer England ee Marc Guehi ugala soo wareegi lahayd Crystal Palace.
Dhanka kale, bixitaanka Luis Diaz, Darwin Nunez, Jarell Quansah, Caoimhin Kelleher, Trent Alexander-Arnold, Tyler Morton iyo Ben Doak ayaa dib u soo ceshaday lacag ilaa 190 milyan oo gini ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee buu ku yimid tegitaanka Isak
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isak oo Newcastle ugu soo biiray 60 milyan ginni oo uu kaga yimid kooxda La Liga ee Real Sociedad 2022, ayaa dhaliyay 27 gool 42 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.
Wuxuu ka caawiyay kooxdaas oo ku magac dheer Magpies inay ku guuleysato koobka Carabao bishii March - isagoo dhaliyay cayaartii kama dambaysta ahayd gool u dhaliyey Newcastle.
Horaantii xagaagan, Isak ayaa laga saaray kooxda Magpies ee safarkooda xilli ciyaareedka ka horeeya ay ku aadeen Asia iyadoo ay kooxdu ku tilmaantay "dhaawac yar oo bowdada ah", hase yeeshee waxaa la fahamsanaa inuu doonayo inuu sahamiyo inuu baxo.
Kadib waxa uu kaligiis tababar ku qaatay garoonka kooxdiisii hore ee Sociedad ka hor inta ayna Liverpool dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay Newcastle.
Iyadoo weli la isla dhexmarayo mustaqbalkiisa ayuu Isak soo saaray bayaan uu ku sheegay in ballanqaadyadii "ay jabiyeen" Newcastle iyo in "xiriirkoodu aanu sii socon karin".
Qaybta cayaaraha ee BBC ayaa fahamsan in Isak uu aaminsan yahay in loo ogolaan doono inuu baxo haddii koox weyn ay u timaado oo ay bixiso qiimo sax ah.
Newcastle ayaa tiri "ma jiro wax ballanqaad ah oo uu sameeyay sarkaal kooxda ka tirsan in Alex uu ka tagi karo Newcastle United xagaagan".
Si kastaba ha ahaatee, arrinta ayaa hadda la isku afgartay ka dib markii Isak uu seegay saddexdii kulan ee furitaanka horyaalka oo ay ku jirtay guuldarro 3-2 ah oo ay Liverpool kala kulantay St James' Park.

Xigashada Sawirka, Getty Images
U wareegidda Liverpool ee Isak ayaa noqon doonta mid ka mid ah heshiisyada ugu weyn kubadda cagta hadii la dhamaystiro.
Marka la eego rikoorka suuqa kala iibsiga ee Ingiriiska waxa ay dhaafi doontaa 107 milyan ginni oo ay Chelsea kaga soo iibsatay Benfica ciyaaryahanka khadka dhexe ee Argentina Enzo Fernandez 2023.
Wirtz, Moises Caicedo, Declan Rice iyo Jack Grealish dhamaantood waxa ay ku soo wareegeen lacag dhan £100 milyan.
Marka lagu daro lacagaha dheeraadka ah, heshiiska Wirtz wuxuu noqon karaa kan ugu weyn, halka Caicedo uu kaga soo wareegay Brighton kuna biiray Chelsea 2023 laga yaabo inuu ku kici doono 115 milyan ginni, Rice oo ka soo wareegta West Ham kuna biirtay Arsenal isla sanadkaas wuxuu gaari karaa 105 milyan ginni.
Marka la eego heerka caalamiga ah, u wareegista Isak ee Reds ayaa soom gali kara kaalinta 3aad marka lagu saleeyo lacagaha billowga ah.
Labada iibsi ee ugu qaalisan kubadda cagta waa saxiixyadii Paris St-Germain ee Neymar iyo Kylian Mbappe. Kooxda Faransiiska ayaa ku qarash gareysay 200 milyan ginni inay Neymar kaga soo iibiso Barcelona 2017. Mbappe ayaa ku biiray isla sanadkaas, isagoo markii hore amah ku yimid, wuxuuna noqday inuu heshiis joogto ah oo dhan 165.7 milyan ginni kooxda la galo.
Wareejinta Isak ayaa laga yaabaa inay ka hooseeyo kuwa ka sareeya ee lagu soom iibsaday Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele.
Coutinho ayaa Barcelona kaga soo biiray Liverpool bishii January 2018 ayadoo laga soo bixiyey adduun dhan 142 milyan oo gini, taas oo u dhiganta 105 milyan oo gini, halka kooxda reer Spain ay Borussia Dortmund ka siisay 96.8 milyan oo gini Dembele xilligii kala ioibsiga cayaartoyda ee kal hore, iyada oo ay suurtogal tahay in qiimaha uu intaa ka badan yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marxaladihii uu soo maray wareegitaanka Isak
25 Maajo – Alexander Isak ayaa dhameystay xilli ciyaareedkii 2024-25 isagoo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Newcastle, wuxuuna dhaliyay 27 gool, 42 kulan oo uu saftay.
19 Luulyo – Tababaraha Newcastle Eddie Howe ayaa sheegay in Isak "gabi ahaanba" uu ku jiri doono safarka kooxda ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Bariga Fog ka dib markii cayaartoygaas Sweden u dhaashay uu seegay guuldaradii 4-0 ee ay kala kulmeen cayaartii saaxiibtinimo ee Celtic, dhaawac soo gaaray dartiis.
23 Luulyo – Liverpool ayaa la soo wareegtay weeraryahan Hugo Ekitike, kaasoo lala xiriirinayay Newcastle – heshiis 69 milyan gini ah oo ay kaga soo qaateen Eintracht Frankfurt.
24 Luulyo – Isak ayaa laga saaray kooxda Newcastle safarkooda xilli ciyaareedka ka horeeya isagoo "dhaawac yar ka qabay bowdada".
24 Luulyo – Isak ayaa muujiyay rabitaan uu ku sahaminayo ka guurista Newcastle.
28 Luulyo – Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC in Liverpool ay weli xiiseyneyso saxiixa Isak, inkastoo uu yimid Ekitike.
31 Luulyo – Isak ayaa kaligiis tababar ku qaatay garoonka kooxdiisii hore ee Real Sociedad.
1 Agoosto – Newcastle ayaa diiday dalabkii furitaanka ee Liverpool, 110 milyan oo ginni oo ay ku doonaysay xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden, waxaana la soo jeediyay in kooxda Reds ay dhici karto in danaynteda aysan sii wadi karin.
4 Agoosto – Isak waxa uu ku soo laabtay garoonka tababarka Newcastle laakiin waxa loo sheegay in uusan tababar la qaadan kooxda kowaad.
8 Agoosto – Howe waxa uu sheegay in ay "caddaan tahay" in uusan "ku lug yeelan karin" Isak Newcastle sida ay wax u socdaan.
16 Agoosto – Isak kama mid ahayn kooxdii maalintaas ciyaaraysay, iyadoo Newcastle ay ku barbarro ku qabatay Aston Villa furitaanka horyaalka.
19 Agoosto – Isak waxa uu sheegay in ballan-qaadyadii ay "jabiyeen" Newcastle iyo "xiriirkuna uusan sii socon karin", laakiin naadigu wuxuu yiri "wax ballan ah weligeed lalama samayn" Isak.
30 Ogosto – Newcastle ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay weeraryahan Nick Woltemade oo ay kagala soo wareegtay Stuttgart £65m.
1 Sitembar – Liverpool ayaa heshiis 125 milyan ginni ah la gaartay Newcastle oo ay ku soo qaadatay Isak.













