Dhageyso: Xabaal-wadareed laga helay gobolka Jarar iyo dadka qaar oo la aqoonsaday

.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, .

Degmada Dhagax Madow oo 70- kiiloo mitir u jirta magaalaada Dhagax buur kana tirsan gobolka Jarar ee ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa laga helay xabaal wadareed ay ku jireen afar qof oo hakaasi ku aasnaa.

Xabaasha ayaa la helay kadib markii ni deegaanka ka tirsan oo isku dayeyey in uu Musqul uu ka qoto halkaas uu arkay lafaha dadka halkaasi lagu aasay.

Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in qiyaasta marka dadkaan la' laayay ay tahay sanadihii 2015-kii ilaa 2016-kii.

Wiil da'diisa lagu sheegay 17 sano jir oo markii dad ugu war dambeysay hooyadii ay xoolo u dirtay ayaa laga gartay meydadka la helay.

Deegaannadaas ayaa horey xilliyo kala duwan looga helay xabaal-wadareed lagu aasay dad badan oo qaarkood muddo la waysanaa.

Guddoomiyaha gobolka Jarar Axmed Xuseed Axmed ( Axmed Bidhic) ayaa BBC-da uga warramay sida xabaalahasi loo helay iyo waxa ay dadka deegaanku ilaa iyo hadda ka yiraahdeen.

Qoraalka Codka, Xabaal-wadareed laga helay dowlad deegaanka Soomaalida