Maxay tahay cabsida soo food-saartay qaxootiga Ingiriiska jooga ee Soomaalidu ku jirto

Qaxooti

Iyadoo xiisadaha ka dhanka ah dadka muhaajirinta ah ay sare u kaceen guud ahaan Britian ayaa qaxootiga gobolka Wiltshire ee galbeedka Ingiriisku waxay sheegeen inay aad uga baqayaan inay ka baxaan guryahooda.

Maxamed waxa uu dalka UK yimid 2021-kii, isaga oo ka soo qaxay dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Suudaan. Hadda waxa uu haystaa aqoonsi qaxootinimo waxana uu u shaqeeyaa sidii maamule – laakiin waxa uu sheegay in isaga iyo qaxoontiga kale aanay ka tagin guryahoodii Swindon marka ay shaqada ka soo laabtaan sababta oo ah waxa ay "ka baqayaan" in "la beegsado" ama "lagu garaaco".

Dashi, oo UK timid gabar caruusad oo caruur ah , oo 13 jir ah, kana timid Soomaaliya, ayaa ku baaqday waxbarasho dheeri ah in la siiyo dadweynaha si ay "si bulshooyinka layasagu soo dhaweeyo".

Hogaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo in laga doodo socdaalka balse uu dadka ka niyad jabiyay in ay mudaaharaad ka dhigaan meel ka baxsan huteel magangalyo oo magaalada ah.

Mudaaharaadyada ka dhanka ah muhaajiriinta ee bannaanka hoteellada laga dhigayo ay deggan yihiin ayaa ku fiday dalka oo dhan tan iyo markii ay mowjado mudaaharaad ah ka dhaceen Hotel The Bell ee Epping, Essex.

Dad badan ayaa ku biiray mudaaharaadyada.

Daawashada qalalaasaha bulsheed ee dalka oo dhan ka dilaacay ayaa Maxamed werwer ku abuuray

"Markaan arko dad u mudaharaadaya oo cid uga soo horjeeda dhalasho ama fikrad siyaasadeed oo aaminsan yahiin , waxaan dareemayaa in aanan ammaan ahayn," ayuu yidhi.

"Waxay i xasuusinaysaa wixii ku dhacay waddankeyga."

Dagaal sokeeye ayaa ka jiray Suudaan muddo tobanaan sano ah iyada oo colaaddii ugu dambeysay ay bilaabatay 2023.

Maxamed waxa uu ahaa 10 jir markii isaga iyo qoyskiisu ay ka qaxeen tuuladooda oo ku taal Darfur ee gobolka galbeedka Suudaan, halkaas oo uu ka dhacay weerar sababay dhimashada 21 qof.

"Waxaan dhex cararnay kaynta si aan nafteena u badbaadino," ayuu yidhi. Maxamed waxa uu 18 sano ku qaatay xero barakac ka hor inta aanu ka bixin dalka.

Dad ka mudaaharadaaya soo galootiga

Xigashada Sawirka, PA Media

Qoraalka sawirka, Dad ka mudaaharadaaya soo galootiga

'Cabsi ku noolaanshaha'

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxamed waxa uu sheegay in ku noolaanshaha xeradii qaxoantigu ay ahayd " masiibo" sababtoo ah ragga ayaa awoodi waayay inay dibada uga baxaan cabsi laga qabo in la dilo.

Waxa uu sheegay in aanu hadda ka dib u adkeysan karin "cabsi ku noolaanshaha". Isagoo ka soo horjeeda rabitaanka qoyskiisa, ayuu kasoo tagay si uu u helo "meel nabdoon oo ammaan ah".

Waxa uu u safray Liibiya, Talyaaniga ka dibna Faransiiska ka hor inta aysan isaga iyo siddeed qof oo kale aysan safarka khatarta ah u badheedhin ee ay Britian ku yimaadeen ee Faransiiska kaga soo tahriibeen Calais ilaa Dover.

Maxamed waxa uu sheegay in ay khatar tahay,waxana uu u baqay naftiisa,balse waxa uu sheegay in aanu nabad ah ku dareemin dalalkii uu soo maray ee u socday UK , isagoo an tageero fiicana ka heli meelaha uusoo maray

Markii uu yimid 2021, Maxamed wuxuu yiri: "Waxaan dareemay ammaan oo waxaan yeeshay saaxiibo badan, dadku waxay ahaayeen saaxiibo."

Laakiin wakhtiyada qaar ayaa u noqday mugdi. Isagoo ka baqaya in "la beegsado" ama "lagu garaaco", wuxuu yiri: "Maalmahan waxaan isku dayaa inaan is ilaaliyo, waxaan iska jooga guriga, markaan shaqada dhameeyo dibadda uama baxo ."

'Dhisidda nolol'

Dashi aabaheed waxa lagu dilay farmashiyaha qoyska oo ku yaalla Soomaaliya.

Waxay noqotay dhibane gudniinka fircooniga ah, waxayna timid UK iyadoo caruusad yar, ah oo 13 jir ah si ay ula joogto ninkeeda markaas loo soo guuriyey .

Waxay sheegtay inay "dhibaato badan kala kulantay ninkeeda" nolosheeda halkan.

"Lama hadli karin mas'uuliyiinta, ma aqoonin luqadda waagaas, maan garanayn sharciga iyo sida uu u shaqeeyo," ayay tiri. "Aad baan u go'doonsanaa - waxay ahayd aniga iyo isaga."

Dashi ayaa ugu dambeyntii ka baxsatay ninkii qabay, waxayna u mahad celineysaa UK, oo ay tiri "waxay i siisay fursad mustaqbal, iyo dareen ah dhisitaanka noloshayda".

Waxay tidhi: "Hadda waxaan haystaa gabadh, mana doonayo in nolosheenna ay dhib danbe ku dhacdo."

Dashi waxay sheegtay, haddii ay weli ku nooshahay Soomaaliya, inay dareemi lahayd "nooc ka mida sida dadku dareemayo " haddii ay jiri lahayeen "ajnabi" badan oo soo galaya "laakin waxbarashada iyo wacyiga ayaa fure u ah. Is fahanka bulshooyinka

"Aan isu keeno bulshooyinka, dadka Britishka ah iyo qaxootiga," ayay tiri.

Waxay rajaynaysaa in dadku isfahmi doonaan oo ay baran doonaan "sida loo wada shaqeeyo".

Dadka aan cuqdadda ka qabin qaxootiga

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Dadka aan cuqdadda ka qabin qaxootiga

Swindon waxa ay hore u lahayd saddex hotel oo ay degenaayeen magangalyo-doon laakiin hadda waxa jira hal kaliya, kaas oo ay ku nool yihiin in ka yar 100 qof.

Hogaamiyaha Golaha Deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa soo saaray bayaan uu kaga codsanayo dadka degan Swindon in aysan ku mudaaharaadin banaanka hoteelada dadka magan galyadoonka la dajiyey.

Waxa uu yiri: "Tani ma ah inaan rabno inaan joojino ka hadalka arinta muhaajiriinta , laakiin inta badan magangalyo-doonka magaalada waa qoysas mana rabno inaan aragno caruur horey uga soo qaxay xaalado cabsi iyo khatar ah oo dibadda ah si ay u dareemaan cabsi gudaha guryahooda Swindon sidoo kale."

Mr Robbins ayaa sheegay in xildhibaanadu "ay fahmeen xoogga dareenka arrintan leedahay".

Laakiin waxa uu kula taliyay dibad baxayaasha in ay "bartilmaameedsadaan dadka wax samayn kara".

Waxa uu yidhi: "Waxa jirta dood adag oo ah in aanay arrintani ahayn mid dawladda hoose uun khusaysa, laakiin waxa aanu ka door bidi lahayn in dadku ku mudaharaado bannaanka dhismayaasha dawladda hoose ee jidka Euclid halkii ay ka baxsan lahaayeen hudheel ay carruurtu ku nool yihiin."