Dhageyso: Maxaa keenay in masaajidkan laba immaam hal mar ay salaad tujiyaan?

Xigashada Sawirka, Google
Magaalada Gaarissa ee gobolka Waqooyi-bari kenya ayaa waxaa maalmahana ka taagnaa muran la xiriira Masaaid halkaa ku yaalla oo la sheegay in laba dhinac ay isku haystaan , iyadoo muranku uu salka ku hayo dhulka masaajidka sida ay BBC-da u sheegeen mas'uuliyiinta amniga magaaladaas.
Arrintaan ayaa la sheegay in ay ku soo baxeen culimada iyo odayaasha magaalada oo isku dayaya in ay arrintana xal ka garaaan.
Muranka ayaa gaaraya in masaajidka laga oogo laba jamaaco oo mid walba iskiis uu qayb dad ah u tujinayo.
Muuqaalka arrintaan oo baraha bulshada ku faafay ayaa dadka qaar walaac ka muujiyeen, iyagoo u arkay muuqaal xun ka bixinaysa magaca goobaha diinta.
Haddaba BBC-da ayaa arrintaan ka waraysatay Xasan Cismaan guddoomiyaha guddiga Nabad galyada.







