Halkee ka timid lacagta lagu dhisay biyo-xireenka Itoobiya

Biyo-xireenka

Xigashada Sawirka, Grand Ethiopian Renaissance Dam

Xafiiska maamula biyo-xireenka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in lacagta lagu dhisay biyo-xireenka ay tahay boqolkiiba boqol mid ka timid gudaha dalka oo aan lagu dhisin gargaar shisheeye ka yimid ama deyn meelo kale ka timid.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in dadweynaha Itoobiya ay xirfad, aqoon iyo dhaqaaleba kaga qeybqaateen dhismaha biyo-xireenka.

Itoobiya waxay sheegtay Ilaa iyo markii uu bilowday dhismaha biyo-xireenka, in lacagta loo baahday ay si toos ah uga timid dowladda iyo dadweynaha, mana jirin wax taageero ah oo ka timid qeyb saddexaad.

Dowlada Itoobiya si toos ah waxba ugama sheegin hadallada dhowrka jeer uu ku celceliyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah in lacagta Mareykanka lagu dhisay biyo-xireenka.

Hadalka ka soo baxay xafiiska isku-dubbarida howlaha biyo-xireenka ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay caddeysay in dhaqaalaha dhismaha biyo-xireenkan wabiga Nile ay ka timid gudaha dalka.

Xafiiska wuxuu kaloo sheegay in lacag gaareysa 1.2 bilyan oo birr-ta Itoobiya ah ay ka timid gudaha. Lacagta ayey dowladda ku soo ururisay labo qaab oo ah qaar ay dadka ku deeqeen iyo mid dadka laga iibiyay waraaqaha loo yaqaan "bond" ee deynta ah. 95 milyan oo birr-ta itoobiya ahna waxay ka timid sida xafiisku sheegay Itoobiyaanka ku nool dibadda.

Ilaa iyo markii ay Itoobiya bilowday in ay dhisto biyo-xireenka waxay ururisay lacag ka badan 20 bilyan oo Birr sida ay dowladda sheegtay.

Xafiiska isku-dubbarida howlaha wuxuu sheegay in dhismaha biyo-xireenka la dhameystiray, waxa harayna ay tahay wax aad u yar.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka jawaabayay su'aalo ay weydiiyeen xubno ka tirsan baarlamaanka dalka dhammaadkii bishii June ee sanadkan ayaa sheegay in biyo-xirenka si rasmi ah loo furi doono bilowga sanadka cusub ee soo socda.

Mareykanka miyaa bixiyay lacagta?

Biyo-xireenka Ethiopia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowr jeer ku celceliyay in Mareykanka uu taageeray dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya. Sabtigii la soo dhaafay wuxuu sidoo kale sheegay in biyo-xireenka lagu dhisay inta badan lacagta Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa hadal uu u jeedinayay sanatarro ka tirsan Jamhuuriga Aqalka Cad kaga sheegay in dalkiisa uu bixiyay taageerada dhaqaale ee ugu badan ee ku baxday dhismaha biyo-xireenka Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu la kulmayay xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte isagoo yiri, "Waxay ila tahay in Mareykanka uu bixiyay dhaqaalaha biyo-xireenka".

Kulankaasi wuxuu sidoo kale Trump ka sheegay in biyo-xireenka uu "joojinayo biyaha ku qulqula wabiga Nile".

Trump ayaa u muuqday in uu la safan yahay Masar marka uu ka hadlayay khilaafka la xiriira biyo-xireenka ay ku baxday shanta bilyian ee doolar ee laga dhisay wabiga Nile.

Wuxuu sheegay in dhismaha biyo-xireenka uu sababayo in "ay ka joogsasdaan Masar biyaha" taas uu ku tilmaamay in biyahaas ay Masar u yihiin "il dhaqaale iyo mid nololeed" wuxuu kaloo sheegay "haddii taas laga qaado Masar ay tahay wax adag, waxaan dooneynaa in aan dhaqso u xallino" ayuu yiri Trump.

Sanadkii 2020-kii Trump wuxuu soo jeediyay in Masar ay burburiso biyo-xireenka, isagoo sheegay in ay sidaas ku dambeyneyso hadii aan heshiis la gaarin.

Madaxweyne Trump wuxuu kaloo sheegay in Mareykanka uu doonayo in uu xalliyo khilaafka ku saabsan biyo-xireenka, isagoo xoojiyay in biyaha Nile ay muhiim u yihiin Masar.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay in hadalka Trump uu caddeynayo sida Mareykanka ay uga go'an tahay in xal laga gaaro khilaafka.

Itoobiya waxay dalbaneysay in la gaaro heshiis cadaalad ah oo la xiriira isticmaalka biyaha wabiga iyo saamigeeda, waxayna sheegtay in dhismaha biyo-xireenka uusan khatar ku aheyn biyaha ay Masar heleyso.

Waxaa xusid mudan wadaxaajoodyada saddex geesoodka ah ee biyo-xireenka in ay burbureen maadama hal dhinac lagu eedeynayo guuldarada wadahadalada.

Masar waxay Itoobiya uga digeysay in aysan dhisin biyo-xireenka iyadoo taaas markale hadda ku celisay.

Inkastoo sannado ay socdeen wadaxaajoodyo oo ay ku dhexjireen Midwoga Afrika haddana saddexda dal weli ma gaarin heshiis sharci ah oo lagu maareynayo mustaqablka fog ee biyaha wabiga.

Trump wuxuu ku adkeystay in dadaalada dalkiisa uu wax kaga qabanayo nabadda adduunka ay tahay mid uu sii wadayo isagoo yiri, "waxaad la socotaa in Masar iyo Itoobiya ay isku khilaafsan yihiin biyo-xireenka weyn ee Nile".