"Korna mas ayaa iga jira hoosna biyo 10 dhudhun ah" sheekada nin mas geed la saarnaa si uu uga badbaado daad xoog leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Shahzad Malik
- Role, Weriye BBC Urdu
"Mas Kobra ah ayaa geed dushiisa saarnaa, hoosna biyo 10-12 dhudhun ah oo daad ah ayaa socda. Haddan isku dayo in aan maska eryo qaniinyadiisa ayaa I dilaysa. Haddaan geedka ka degana oo aan biyaha ku boodana waan qarraqamayaa".
Hadalladaas waxaa laga hayaa Asad Majeed oo ah nin ku nool gobolka Wazirabad, kaasoo 24 saac halis ugu jiray daadad ka dhashay webiga Chenab habeennimadii 28 Agoosto.
Baaba'a ay sababeen daadadka Pakistan ku soo rogmaday ayaa aad u weyn, waxaana wakhti qaadanaysa in laga soo kabsado, naf iyo maalba, laakin xaaladaas oo kale dad baa la tacaalaya in ay geeri ka badbaadaan.
Isagoo la hadlayey qaybta afka Urduuga ee BBC ayuu Asad Majeed ka sheekeeyey wixi qabsaday. Isaga iyo walaalkii oo beeraley ah ayaa xero u dhisay xoolaha ay haqdaan meel lagu magacaabo Bela oo wabiga u dhow.
Wuxuu sheegay in wabiga Chenab uu fatahay 28 Agoosto, ka dibna uu daadku degdeg u soo galay Bela. "Sagaal qof ayaa wakhtigaas xerada joogay oo aan anigana ku jiray. Waxaan haysannay doon aan ugu tala galnay in aan xaalad kasta u adeegsanno" ayuu yiri.
Asad Majeed wuxuu intaa ku daray "Xaaladda marka la eego waxaan u sheegay dadki kalein ay doonta fuulaan oo la dhaqaaqo. Anigana aan la'da oodda ka qaado oo aan iyaga raaco si tuulada aan u gaarno".
Wuxuu sheegay inuu lahaa 33 neef oo ah lo'da loo yaqaanno Buffalo. "Markii aan u tegey xoolihii oo aan isku dayey in xarkaha qoorta ugu xiran ka furo ayey biyuhu kaceen 8 ilaa 10 dhudhun muddo daqiiqado ah gudahood, lo'dii oo dhanna daadka ayaa la tegey".
Si uu noloshiisa u badbaadiyo wuxuu sheegay inuu fuulay tubal loogu tala galay in ay lo'du cunto. "In yar ka dib biyihii xooggooda ayaa tubaashii qaaday, anna way ila tageen".
Bacdamaa uu ahaa nin dabaasha yaqaanna, biyihii ayuu is raaciyey ilaa uu ka helay geed uu fuulay.
Wuxuu yiri "walaalahaygii kale iyo dadkii xerada ka shaqaynayey meel sheedda ah ayey taagnaayeen, wayna ii jeedeen markii aan geedka fuulayey. Way farxeen".
Waxa uu yiri "Waxa aan joogay muddo saacad iyo bar ah, wakhtigaas waxa soo galay daad xooggan, geedkiina waa la rujiyay oo biyihii ayuu ku dhacay, markaasaa walaalkay iyo dad kale oo banaanka taagnaa ay qaylo ku bilaabeen, isla markii aan arkayna waa iga lumay indhahooda, taas oo keentay in qoyskiisu rumaystaan in isaga (Asad Majiid) ay aad ugu adkayd in uu baxsado.
Sida uu sheegay Asad Majeed ka dib markii uu geedku soo dhacay ayuu haddana bilaabay inuu dabaasho. "Saddex boqol oo mitir ayaa meel u jirta, waxaa soo baxay geed kale oo laamihiisu taabteen biyaha".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu yiri "waxaan damcay in aan geedka fuulo aniga oo laamaha qabsanaya, laakiin laanta sare ee geedka oo aan biyaha ku dhex jirin ayaa waxa dul fadhiyey mas koobra ah oo ah todobo ilaa siddeed dhudhun, markii uu i arkayna waxa uu bilaabay in uu caroodo, waxa aan dareemay in uu masku uu doonayo inuu i soo weerarayo.
Waxa uu yiri, "Waqti yar ayaa waxa aan dareemay in aan hubo in aan u dhiman doono qaniinyada maska,laakin haddii aan ku boodo biyaha, waxaa laga yaabaa in aan noloshayda badbaadin karo." Balse markii uu hareeraha eegay ayuu meel fog ka arki waayay geed uu naftiisa ku badbaadiyo. Sidaa darteed, xitaa haddii uusan u dhiman qaniinyada abeesada, waxaa hubaal ah inuu u dhiman doono qarqoomida.
Sida laga soo xigtay Waaxda Duurjoogta iyo Beeraha ee Punjab, Maska Madow ee Kobra ayaa laga helaa dhulka baadiyaha ah ee gobolka, gaar ahaan beeraha, keymaha, iyo dhulalka kale ee beeraha.
Sida uu sheegay Asad Majeed, wuu is dejiyey, taas isagoo maanka ku hayana wuxuu qabsaday laantii uu masku saarnaa. Wuxu intaa ku daray in qaybta dambe ee jirkiisa ay biyaha ku jirtay.
Wuxuu kaloo sheegay in laanta u haystay ay tahay tii uu Masku saarnaa, , halka laan kale oo isla geedka ku taallana ay saarnaayeen 8 ilaa 10 jiir oo biyuhu ka keeneen meelo aan la aqoon.
Wuxuu kaloo sheegay in marka ay gacan daashaba uu tan kale ku qabsanayey geedka. "Marba gacan ayaan nasiinayey, maskuna wuxuu moodayey in aan soo weerarayo, markaasuu xoog u neefsanayey, ayadoo jiirarkuna ay qaylinayeen".
"Masku wuu is uruurinayey, markaas ayuu soo boodayey isagoo mariid soo tufayey, laakinse waan ka badbaaday. Dadku waxay ii sheegeen in marka Koobraha uu khatar dareemo uu sun ku sayro indhaha".
Wuxuu intaa ku daray in cabsidiisu ahayd in mas kale oo biyuhu sidaan uu lugaha ka qaniino oo uu sidaa ku dhinto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Asad waxa uu sheegay in markii uu mid ka mid ah gacmihiisii ka soo saaray jirridda geedka si uu u nasto, uu masku xoog u neefsanayey, taasina ay muujinayso in masku weli halkiisii joogo iyo in uu meel kale aaday.
Waxa uu yiri, "Dhawaaqa daadka waxay ahaayeen kuwo argagax leh sharqan la'aanta habeenka, waxayna u muuqatay mid aad u adag inuu xakameeyo cabsidiisa xaaladahan oo kale."
Asad Majeed waxa uu yiri "Markii mugdigii habeenku gaadhay heerkii ugu sarreeyey, sharqanta qulqulka biyuhuna ay kor u sii kacayso ayaan bilaabay in aan la hadlo maskii si aan arrimahan iskaga mashquuliyo.
Sida uu sheegay Asad Majeed, waxa uu la hadlay Maskan oo uu yiri "Kii ku abuuray ayaa anna I abuuray, markaa aynu ku ballanno in aadan waxba i yeelin, anna aanan waxba waxna ku yeeli doonin".
Waxa uu sheegay in uu maskii la sii hadlayay ilaa falaadhaha hore ee cadceedda subaxnimo ay ku soo dhaceen biyaha iyo dhirta.
"Markuu waagu baryey waxaan arkay masas iyo dooliyaal isku laamo saaran" ayuu yiri Asad Majeed.
Asad Majeed oo 25 jir ah oo la waydiiyay inuu ka fekerayey waalidkii ama xaaskiisa iyo caruurtiisa muddadan, waxa uu yiri "Sideed iyo toban saacadood ayaan meesha joogay, anigoo xayndaab ka samaystay jirriddii geedka, muddadaasna waxa indhahayga hor taagnaa laba sawir oo keliya, mid waa hooyaday, ka kalena waa inantaydii.
"Waxa kaliya ee maskaxdayda ku soo dhacay waa in haddii aan dhinto ay gabadheydu agoon noqon doonto, marka labaadna hooyaday oo da' ah ayaa laga yaabaa in ay u adkaysan waydo naxdinta dhimashada wiilkeeda," ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Asad Majeed waxa uu sheegay in siddeed iyo toban saacadood ka dib markii ay biyihii yara degeen uu buuq billowday. Wuxuu sheegay in ay jirtay xero kale oo waxyar u jirta, taasoo ku taal meel tag ah. Dadkii halkaas ku sugnaa ayaa shanqartii maqlay oo doon ka soo raacay jihadii ay qaylada ka imanaysay ayagoo soo badbaadiyey.
Waxa uu sheegay in markii uu ka soo degay geedka oo uu ku fadhiistay doonta uu sidoo kale kooxdii gurmadka tusay jiirarkii saarnaa laamaha geedka.
Waxa uu sheegay in biyaha bacdamaa uu ku jiray biyaha muddo dheer in qeybta hoose ee jirkiisa ay hambalaaluqday, balse hadda uu aad uga roon yahay daweyn ka dib.
Asad Majeed waxa uu yiri "Xitaa hadda, markaan dib u xusuusto wakhtigaas I dhaafay, naftaydu way gariirtaa".













