Dowlad Deegaanka: Soomaali khatar ugu jirta xayawaankii cawska cuni jiray oo dadka kusoo jeestay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Abaarta ku dhufatay deegaannada Soomaalida oo saamayn xooggan ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa sidoo kale waxaa kasoo kordhay khatar aan horay loo arki jirin.
Deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayay ka taagan tahay dhibaato aad u weyn, taasoo ka timid qaar ka mid ah xayawaanka.
Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in abaarta ay sababtay in xayawaankii cawska iyo dhirta kale cuni jiray ay hadda isu baddaleen bahallo cunaya hilibka dadka, weerarrana kusoo qaada meelaha la daggan yahay.
Bulshada ku dhaqan degmada Cadaadle ee ka tirsan gobolka Shabeelle ee Dowlad Deegaanka ayaa sheegay in ay halis ugu jiraan xayawaanno uu ka mid yahay daanyeerka oo si koogto ah u weerara, ujeeddadooduna ay tahay in ay dadka iyo xoolaha cunaan.
Khatarta ugu wayn waxaa ku jira carruurta yar yar oo cabsida ugu weyn loo qabo.
Khasaaraha ay sababeen xayawaannadan ayaa durba saameyn ku yeeshay xoolo dhaqatada, waxaana taagan cabasho xoog leh, sida uu kusoo warramay wariyaha BBC-da ee aaggaas ku sugan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhibaatada ugu daran waxay haysataa xoolo dhaqato wali ku harsan tuulada Balaf oo ku dhow Cadaadle oo uu ku yaallo Ceel ay hadda biyaha kasii gurayaan.
Xasan Maxamed Caateeye, oo ka mid ah dadka ku nool halkaas, ayaa BBC-da u sheegay in carruurta iyo maqasha ay uga caal waayeen xayawaan ku bahaloobay abaarta dhacday.
"Xayawaanka la dhaho Daanyeerka ayaa aad noo dhibay. Xoolihii nag buu ka dhigay, ciyaalkii buu soo weerarayaa. Waxaan deris la nahay meel ceel ah oo loo yimid in biyaha laga helo.
"Markii hore wuxuu Daanyeerku naga qaadan jiray raashinka cayriinka ah iyo midka bisilba, laakiin hadda wixii oo dhan intuu kasoo gudbay buu hilib cun noqday. Dadkii ayaa halis ugu jira, xoolihiina ilaa hadda 10 neef oo maqal ah ayuu naga cunay," ayuu yidhi Xasan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhibaatadan ayaa soo jirtay ilaa dhowr bilood oo ay abaartu xoog u taagnayd, waxaana lagu soo warramay in dhulka miyiga ah ay ay xayawaan badan ugu dhammaadeen oon iyo gaajo awgeed.
'Diyaar garow iyo difaac baa la galaa'
Dadka uu hadda faraha ba'an ku hayo Daanyeerka ayaa sheegay in ay si gaar ah dadaal ugu bixiyaan in ay ka hor tagaan halistiisa.
"Subixii marka uu waagu baryo, xaafad kasta labo ruux ayaa loo yeerayaa, labadaas ruux ayaa sameynaya diyaar garow iyo difaac. Ciyaalka iyo haweenka markii uu arko wuu soo weerarayaa, ragga oo kaliya ayaa celin kara xawayaankan bahalka isu baddalay," ayuu yidhi Xasan Maxamed Caateeye.
Ka hor inta aysan dhicin abaarta saameynta ba'an ku yeelatay dadka iyo xayawaanka, daanyeerrada ayaa ka u dhawaa meelaha la daggan yahay, wax dhibaato ahna laguma qabin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hooyooyinka ku sugan deegaankan mashaqadu ka taagan tahay ayaa sheegay in ay carruurtooda u baqayaan, xilli kastana uu ka qaadan karo bahalka.
'Waan iska ooyay'
Ayaan Cabdi, oo ah hooyo dhashay saddex carruur ah ayaa BBC-da u shegetay in ubadkeeda ay marar badan khatar galeen.
"Daanyeerka dhib wayn buu nagu hayaa, wuxuu isku dayayaa inuu ciyaalka dhabteenna kala baxo. Maalin dhawayd waan iska ooyay. Guriga raashinka aad dhigato intuu xaga dambe kasoo galo ayuu la baxayaa, waan eryayaa islamarkiina wuu soo laabanayaa.
"Markii hore kaligay baan guriga ku ahaa, inuu ciyaalka iga qaato ayuu u taagan yahay. Midda kale, ceelka wuu ku saxaroonayaa, ciyaalka markii biyaha ay cabeen waxay ka qaadeen calool xanuun," ayay tidhi Ayaan Cabdi.
Abaartii sanadkan dhacday ayaa lagu tilmaamay tii ugu xumayd ee soo martay dadka xoolo dhaqatada ah iyo xayawaanka deriska kula ahaa miyiga.
Maamulka Dowlad Deegaanka ayaa dhawaan sheegay in la billaabayo mashruuc daruuraha lagu carinayo si ay roob u keenaan, taasoo looga hortagayo abaarta daran.













