Maxay xoolo dhaqatada qaarkood muusik ugu tumaan lo'dooda

Hadii aad maqli jirtay muusig loo tuma dadka oo kaliay hadda UK lo’dii ayaa muusig loo garaacayaa

Xigashada Sawirka, John Bray

Qoraalka sawirka, Julian Smith oo muusig ku garaacaya dhinaca Waddada Fosse ee Warwickshire

Haddii aad maqli jirtay muusig loo tumo dadka oo kaliya, hadda UK lo'dii ayaa muusig loo garaacayaa.

Waa dhawaaq cusub oo laga maqlayo inuu ka imaanayo doogga cagaaran ee wanaagsan ee lo'da lagu dhaqo ee Britain.

Mar haddii lagu xardho hees shimbireed iyo guuxa matoorka cagafyada, qaybo ka mid ah dhul-beereedka dalka ayaa hadda yeeshay heeso ay ku ciyaaraan.

Tiro ka mid ah beeralayda caanaha ayaa bilaabay inay muusig u tumaan lo'dooda si ay u wanaajiyaan daryeelkeeda iyo, laga yaabee, tayada wax soo saarkooda.

Arintan ayaa ku faaftay barta TikTok iyadoo leh muuqaallo - laga sameeyay adduunka oo dhan – taas oo soo jiidaneysa malaayiin daawadayaal ah. Charles Goadby, oo ah beeralay caanaha soo saaro oo fadhigiisu yahay Nuneaton, Warwickshire, ayaa qaatay isbeddelka cusub, wuxuuna noo sheegay sababta muusiga loogu garaaco lo'da in ay faa'iido u lahaan karto guud ahaan dadweynaha.

Goorma ayuu muusiku bilaabmay?

Guushii u dambeysay ee TikTok waxay keentay in ay si weyn u faafto arintani. Laakiin, Mr Goadby wuxuu sheegay in markii ugu horreysay uu bilaabay inuu raadiyaha u daaro lo'diisa ku dhawaad toban sano ka hor.

"Waxa aan rakibnay nidaam dhanka caanaha ah, waxaana jiray codad badan oo qallafsan iyo sawaxan, markaa waxaan rabnay inaan sameyno, oo aan siinno dhawaaq joogto ah.

"Tani waxay ahayd qiyaastii 10 sano ka hor, qof ayaana soo jeediyay, lo'da inay jeceshahay muusiga qadiimiga ah - taasi waxay ahayd isbeddel waagaas - markaa waxaan u daarnay idaacad ah si ay lo'du u dhagaysato, waxayna taasi ka caawisay inay waxoogaa lo'du nasato."

In kasta oo muusigga turumbadu uu yahay midka hadda u yeelaya dhadhanka faafinta muuqaalka, Mr Goadby wuxuu sheegay inuu isku dayay dhowr nooc iyo idaacado kala duwan sannadihii la soo dhaafay.

Beeralay caanaha soo saara, Charles Goadby ayaa sheegay in ku ciyaarista muusiga lo'da ay ka caawiso inay nastaan
Qoraalka sawirka, Beeralay caanaha soo saara, Charles Goadby ayaa sheegay in ku ciyaarista muusiga lo'da ay ka caawiso inay nastaan

Muusigu Waxa ku nasta lo'ada iyo shaqaalaha – taasina guud ahaan waa guul" ayuu yiri

Iyadoo Mr Goadby uu markii hore bilaabay inuu garaaco muusiga lo'da si uu u dejiyo ama u nasiyo, waxaa loo maleynayaa in muusigu uu sidoo kale caawin karo soo saarista caanaha.

"Waxaan had iyo jeer ka daarnaa muusig qolka caanaha... [mana aha] oo

keliya in shaqaaluhu dhegaystaan," ayuu yiri Mr Goadby.

Muusig noocee ah ayay lo'du door bidaan?

Mr Goadby ayaa sheegay , garaacista muusiggu inuu markii ugu horreysay ku bilaabmay beeralayda oo u garaacaya saaxiibbadood muusig qadiimi ah.

Laakiin isbeddelkii ugu dambeeyay ayaa lagu arkay muusiga jazz beeraha UK oo dhan.

Mr Goadby wuxuu sheegay in lo'du ay u badan tahay inay ka jawaabi doonaan nooc kasta oo muusig ah.

"Waxaan u malaynayaa haddii aad tagto oo aad istaagto cirifka beerta oo aad aragto TikTok oo aad muusiko ka daarto , lo'du way kuu imaan doontaa " ayuu yiri.

Waa maxay sababta uu arinkani sida aadka ah ugu faafay TikTok?

Dhammaanteen waxaynu ognahay in fiidiyowyada xayawaanku ay muhiim u yihiin goobaha warbaahinta bulshada ee Ingiriiska, laakiin mid ka mid ah beeralayda muusiga u garaacaya lo'dooda ayaa si gaar ah xiiso u yeeshay.

Mr Goadby wuxuu sheegay in laga yaabo inuusan arrinku ahayn mid dhameystiran, sababtuna ay tahay garaacistan qariibka ah.

"Waxay ila tahay in dadku ay jecel yihiin lo'da - waa xayawaan aad u wanaagsan sidaas darteed wax kasta oo lo'da xiriir la leh ayaa xiiso u yeelan doona," ayuu yiri.

Beeralayda xoolaha caanaha ayaa sheegay in ay aad u fiican tahay in suuqu uu helayo soo jiidasho weyn.