Waa kee dalka Afrikaanka ah ee iska fogeeyey inuu Maraykanka kula heshiiyey qaadashada muhaajiriinta la soo tarxiilayo

Muhaajiriin la tarxiilayo

Xigashada Sawirka, Reuters

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in heshiis masaafurinta muhaajiriinta ah ay la gaartay dowladaha Uganda iyo Honduras, arrintaasoo qeyb ka ah dadaalka uu ku doonayo inuu uu wax kaga qabto dadka muhaajiriinta ah ee Maraykanka galaya.

Dukumiintiyo ay heshay CBS News ayaa muujinaya in tallaabadan ay qeyb ka tahay ballaarinta maamulka madaxweyne Trump ee uu ku baadigoobayo dalal shisheeye oo doonaya inay qaabilaan dadka soo galootiga ah ee aan u dhalan dalalkooda.

Tallaabo weyn oo lagu masaafurinayo dadka soo galootiga ah oo aan horay loogu arag dalkaasi, ayaa maamulka madaxweyne Donald Trump waxa uu doonayaa inuu heshiisyo la galo dalal kale oo ku yaalla qaarado kala duwan – si ay dalalku u qaabilaan soo galootiga uu Maraykanku musaafurinayo.

Ilaa iyo hadda, ilaa laba iyo toban (12) waddan ayaa ku ogolaaday inay qaabilaan dadka soo galootiga ah ee ka imaanaya waddamo kale, kuwaas oo Maraykanku uu ka saarayo dalkiisa.

Qaar ka mid ah dalalkan oo heshiis martigelinaya dadkaas la gaaray Mareykanka, ayaa loo arkaa inay taariikh ku leeyihiin ama caan ku yihiin xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Uganda oo ku taal Bariga Afrika ayaa sida ku xusan dukumentiga ay CBS News aragtay waxay ogolaatay inay qaabisho boqolaal muhaajiriin Afrikaan iyo Aasiyaan ah oo magangalyo weydiistay markii ay soo gaareen xadka Mareykanka iyo Mexico.

Uganda dhankeeda waxay beenisay in heshiiskaas uu jiro, waxayna sheegtay in aysan haysan imkaaniyaadkii u sahli lahaa hawshaas.

"Inta aan anigu ogahay, heshiis noocaas ma aynaan gaarin" ayuu ku yiri wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Uganda Okello Oryem, farriin qoraaleed uu u diray wakaaladda Reuters.

Dukumentiyada ay heshay CBS News ayaa sidoo kale muujinaya in dalka Honduras ee ku yaala Latin America uu ogolaaday in uu qaabilo muhaajiriin uu Mareykanku ka soo tarxiilo dalkiisa ee ka soo jeeda waddamada looga hadlo Isbaanishka.

Dadka u dooda xuquuqul insaanka ayaa si weyn u dhaliilay siyaasadda maamulka Trump ee ah in dadka muhaajiriinta ah loo diro dalal kale, iyagoo sheegay in ay halis gelineyso dadka in loo diro dalal ay dhibaato ka soo gaarto.

Maamulka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay barnaamijkooda socdaalka, maadaama ay jiraan dad soo galooti ah oo aan si sahal ah dib loogu celin karin sababo la xiriira xiriirka Mareykanka iyo dalalka oo xumaaday ama sababo kale dartood.

Uganda waa dalkii 2aad ee Afrikaan ah ee Maraykanka ay ka wada hadlaan qaadashada muhaajiriinta la soo tarxiilayo.

wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Uganda

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hore Maraykanku wuxuu arrintan ugala hadlay dalka Rwanda ee Uganda jaarka la ah.

Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio uu sheegay bishii Abril in Washington ay raadineyso dalal "qaata qaar ka mid ah dadka ugu xun bani'aadanka".

Wasiirka arrimaha dibadda ee Rwanda Olivier Nduhungirehe wuxuu sheegay in wadahadalada aysan aheyn wax ku cusub maadaama ay Rwanda hore UK uga aqbashay in ay ka qaadato muhaajiriinta ay masaafurinayaan.

Si kasta ha ahaatee UK way isaga hartay mashruucaas oo wajahay caqabado badan oo dhanka sharciga ah kaddib markii dowladda shaqaalaha ee Sir Keir Starmer ay xukunka la wareegtay bishii July ee sanadkii hore.

Rwanda waxaa hore loogu dhaliilay diwaankeeda xuquuqda aadanaha. Waxaa la sheegay in ay khatar ugu jiraan dadka la geeyo dalkaas geeska Afrika in loo sii gudbiyo dalal kale halkaas oo ay khatar kula kulmayaan. Rwanda waxay sheegtay in ay tahay meel ay qaxootiga ku nabadgalayaan.

Dad badan ayaa sanadkasta Mareykanka ku gala sharci darro. In ka badan 6.3 milyan oo soo galooti ah ayaa la xiray iyagoo si sharci darro ah Mareykanka usoo galayay mudada Biden, tiradaas oo ka badan kuwii muda xileedkii hore ee Trump, Obama ama George W Bush.