Rwanda oo wadaxaajood uga jirta in ay qaadato dadka uu Maraykanku soo tarxiilayo

Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda, Olivier Nduhungirehe

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda, Olivier Nduhungirehe

Rwanda ayaa wadahadallo bilow ah kula jirta maamulka madaxweyne Trump, kuwaas oo ku saabsan in ay aqbasho muhaajiriinta uu Mareykanka soo celinayo, sidaasina waxaa sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Olivier Nduhungirehe.

Hadalkan ayaa soo baxay ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio uu sheegay bishii la soo dhaafay in Washington ay raadineyso dalal "qaata qaar ka mid ah dadka ugu xun bani'aadanka".

Nduhungirehe wuxuu sheegay in wadahadalada aysan aheyn wax ku cusub maadaama ay Rwanda hore UK uga aqbashay in ay ka qaadato muhaajiriinta ay masaafurinayaan.

Si kasta ha ahaateen UK way isaga hartgay mashruucaas oo wajahay caqabado badan oo dhanka sharciga ah kaddib markii dowladda shaqaalaha ee Sir Keir Starmer ay xukunka la wareegtay bishii July ee sanadkii hore.

Nduhungirehe oo Axadii la hadlay telefishinka laga leeyahay dalka Rwanda ayuu sheegay in dowladda ay leedahay "aragti fursad kale lagu siinayo muhaajirinta kuwaas oo dhibaato ku haysato adduunka".

Nduhungirehe wuxuu intaas ku daray in wadahadalada ay Mareykanka kula jiraan ay sii soconayaan ayna tahay goor hore in la saadaaliyo natiijada soo baxeysa waxa ay noqoneyso.

Ilaa markii uu xukunka yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu diirada saaray in uu dardargeliyo sidii dalka looga saari lahaa muhaajiriinta aan sharciga haysan, wuxuuna ballaanqaday in uu "masaafurinayo kuwa badan".

Bishii Feberaayo ee sanadkan, El Salvador waxay ogolaatay in ay qaadato dambiilayaasha laga soo celinayo Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa haysta dhalashada Mareykanka. El Salvador waxay sheegtay in ay geeneyso dadkaas la soo celiyay xabsigeeda weyn.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha El Salvador, Nayib Bukele wuxuu sheegay in dowladiisa ay sidaas u sameyneyso in ay ku hesho lacag.

Panama iyo Costa Rica ayaa sidoo kale qaatay muhaajiriin laga soo celiyay Mareykanka. Toddobaadkii la soo dhaafay sarkaal aan magaciisa la sheegin oo u dhashay Rwanda ayaa u sheegay wargeyska Washington Post in dalka uu u furan yahay in uu qaato muhaajiriin badan oo laga soo tarxiilay Mareykanka kaddib markii ay qaataan qof u dhashay Ciraaq bishii Maarso.

Mas'uuliyiinta waxay intaas ku dareen in wadahadalada ay la leeyihiin Mareykanka ay bilowdeen waxyar kaddib caleemo saarkii madaxweyne Trump ee bishii Janaayo.

Rwanda waxaa hore loogu dhaliilay diwaankeeda xuquuqda aadanaha. Waxaa la sheegay in ay khatar ugu jiraan dadka la geeyo dalkaas geeska Afrika in loo sii gudbiyo dalal kale halkaas oo ay khatar kula kulmayaan. Rwanda waxay sheegtay in ay tahay meel ay qaxootiga ku nabadgalayaan

Dad badan ayaa sanadkasta Mareykanka ku gala sharci darro. In ka badan 6.3 milyan oo soo galooti ah ayaa la xiray iyagoo si sharci darro ah Mareykanka usoo galayay mudada Biden, tiradaas oo ka badan kuwii muda xileedkii hore ee Trump, Obama ama George W Bush.

Garoonka Aadan Cadde

Xigashada Sawirka, Sonna

Soomaaliya waxay ku jirta dalalka hore loo geeyay dad laga soo celiyay Mareykanka Ugu yaraan 70 qof oo laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya sanadkii 2017-kii.

Dadkaaasi ayaa muddo ku xirnaa dalka Mareykanka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Soomaaliyaa Sonna oo soo xigatay wasiirka amingaa gudaha ee Soomaaliya ee xiligaas. Dadkaasi waxay dalbadeen in dib loogu celiyo Soomaaliya, sida Sonna ay ku qortay boggeeda internetka.

Dadka Soomaalida ee Mareykanka ku xiray ayaa waxaa ka mid ah kuwa dembiyo geystay iyo kuwa sharciga dalkaasi waaya.