Trump iyo Xamaas oo ka hadlay weerarkii Israa'iil ay ku qaadday Qadar

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan "ku faraxsanayn" duqayntii cirka ee Israa'iil ay ka geysatay Qadar, taasoo sii kordhisay cadaadiska caalamiga ah ee ka dhashay ballaarinta aan horay loo arag ee dagaalka Israa'iil ay kula jirto Xamaas.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarku uu ahaa "mid si buuxda cudur daar u leh," maaddaama lagu beegsaday saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas oo la sheegay inay qorsheeyeen weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa'iil, kaasoo bilow u noqday dagaalka Qasa.
Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa sheegtay in shan ka mid ah xubnaheeda lagu dilay weerarka cirka ee Israa'iil ay ka geysatay caasimadda Qadar, balse waxay sidoo kale sheegeen in isku day lagu doonayay in lagu dilo xubnaha kooxdeeda wadaxaajoodka uu "fashilmay".
Qatar ayaa cambaareysay weerarka Israa'iil, waxayna ku tilmaantay "mid fulaynimo ah" iyo "jabnaan cad oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah".
Qadar waa xulafada muhiimka ah ee Maraykanka ee gobolka oo ah meesha uu ku yaallo saldhigga weyn ee ciidamada cirka Maraykanka.
Mar wax laga weydiiyay duqeymaha Israa'iil ee ka dhanka ah Qadar, Trump waxa uu yiri: "Hagaag, kuma faraxsani... keliya kuma faraxsani xaaladda oo dhan, ma ahan xaalad wanaagsan.
"Laakiin sidaan ayaan sheegayaa, waxaan rabnaa in la-haystayaasha dib loo soo celiyo, laakiin kuma faraxsanayn sida ay maanta u dhacday," ayuu u sheegay warbaahinta.
Xamaas ayaa sheegtay in kooxda wada xaajoodku ay ka shirayeen soo jeedintii ugu dambaysay ee Maraykanka ee xabbad joojinta marinka Qasa oo ay ku lahaayeen dhisme ku yaalla magaalada Dooxa oo ay si xun u waxyeeleyeen qaraxyo is xigxigay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qadar ayaa sheegtay in hal askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka gudaha uu ku dhintay weerarka, kuwa kalena ay dhaawacmeen — balse ma aysan sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray Xamaas.
Qatar waxay martigelineysay xafiiska siyaasadda ee Xamaas tan iyo sanadkii 2012, waxaana ay door muhiim ah ku leedahay wadaxaajoodka dadban ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa'iil, iyada oo ay garwadeen ka yihiin Mareykanka iyo Masar.
Goobjoogayaal ku sugnaa magaalada Dooxa ayaa sheegay inay maqleen ilaa siddeed qarax oo kala duwan galabnimadii Talaadada, iyadoo uu qiiq madow cirka isku shareeray xaafadda Katara ee waqooyiga magaalada.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Qadar, weerarku wuxuu haleelay "guryo ay degganaayen xubno sare oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadeed ee Xamaas." Daqiiqado gudahood, Israa'iil ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadaas.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Ciidanka Difaaca Israa'iil (IDF) iyo hay'adda sirdoonka gudaha Shin Bet, ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen "duqeymo sax ah oo lala beegsaday hoggaanka sare" ee Xamaas.

Xigashada Sawirka, Reuters
Goor dambe, Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa sheegay in laamaha ammaanka Israa'iil la faray Isniintii inay isu diyaariyaan weerar suurtagal ah kadib "weerarro dil ah oo ka dhacay Qudus iyo Qasa."
Tani waxay tixraac u ahayd weerar ay laba nin oo Falastiiniyiin ah ku dileen lix Israa'iiliyiin ah meel basaska laga raaco oo ku taal Qudus, iyo weerar kale oo lagu dilay afar askari Israa'iili ah oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Qasa .
"Ra'iisul wasaaraha iyo wasiirka gaashaandhigga waxay rumeysan yihiin in falkaas uu ahaa mid qiil buuxa ah marka loo eego xaqiiqada ah in hoggaanka Xamaas uu ahaa kuwii bilaabay oo soo abaabulay xasuuqii 7-dii Oktoobar, tan iyo xilligaasna- ma aysan joojin howlgallada dilalka ah ee ka dhanka ah dowladda Israa'iil iyo muwaadiniinteeda," ayay raaciyeen.
Warbaahinta Israa'iiil ayaa ku warantay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaateen 15 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, kuwaasoo riday 10 hub oo la hago, dhammaantoodna lagu beegsaday bartilmaameed keli ah, dhawr ilbiriqsi gudahood.
Sarkaal Israa'iili ah ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Xamaas oo ay ka mid yihiin, Khalil al-Hayya – madaxa wadaxaajoodka Xamaas iyo Zaher Jabarin – hoggaamiye sare oo Xamaas u qaabilsan Daanta Galbeed, sidoo kale ku nool dibadda.
Sarkaal Israa'iili ah ayaa laga soo xigtay isagoo sheegay in xubnaha Xamaas ee la beegsaday ay ka mid yihiin Khalil al-Hayya, madaxa wada-xaajoodka iyo hoggaamiyaha Qasa iyo Zaher Jabarin, oo ah hoggaamiyihii la masaafuriyey ee Daanta Galbeed.
Bayaan ka soo baxay Xamaas ayaa lagu cambaareeyay weerarka Israa'iil oo ay ku tilmaantay "Dambi aad u fool xun, gardarro cad, iyo xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah dhammaan xeerarka iyo xeerarka caalamiga ah".
"Waxaan cadeyneynaa in cadowga uu ku guuldareystay inuu dilo walaalaheen ergadii wada xaajoodka ku jirtay" ayay tiri, iyadoo aan wax cadeyn ah loo heyn.
Kooxda ayaa magacawday shan xubnood oo ay sheegeen in la dilay oo ay ku jiraan wiil uu dhalay Khaliil Al-Xaya oo lagu magacaabo Humam iyo Jihad Labad oo ahaa agaasimihii xafiiska Khalil al-Hayya.
"In la beegsado ergada wada xaajoodka, sidii ay uga wadahadleen soo jeedintii ugu dambeysay ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxay xaqiijineysaa shaki la'aan in Netanyahu iyo dowladdiisa aysan dooneynin inay gaaraan wax heshiis ah oo ay si ula kac ah u doonayaan inay fashiliyaan dhammaan fursadaha ayna fashiliyaan dadaallada caalamiga ah," ayaa lagu yiri.
Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in mas'uuliyadda weerarka ay si wadajir ah ugu hayaan maamulka Mareykanka, maadaama ay taageerto ciidamada Israa'iil.
Aqalka Cad ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka lagu wargaliyey inay in Israa'iil ay weerar ku tahay Xamaas.
Dowladda Qadar ayaa si caro leh uga jawaabtay ficilka Israa'iil waxayna tiri: "Weerarkan dambiilaha ah wuxuu ka dhigan yahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, waxayna khatar weyn ku tahay ammaanka iyo Qadariyiinta iyo dadka deggan Qadar."
Hadallo caro ah oo la mid ah ayaa ka soo baxay dalalka Carabta, iyadoo Sacuudi Carabiya ay cambaareysay waxa ay ku tilmaantay "gardarrada Israa'iill".
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sidoo kale cambaareeyay Duqaynta isagoo sheegay in ay tahay "xadgudub bareer ah oo ka dhan ah qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Qatar".
Waxa uu sheegay in Qadar ay "door aad u wanaagsan ka ciyaareysay sidii loo gaari lahaa xabbad joojin iyo sii deynta dhammaan la haystayaasha", isagoo intaas ku daray: "Dhammaan dhinacyada waa inay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa xabbad-joojin joogto ah, oo aan la burburin."
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in duqaynta ay tahay mid aan la aqbali karin iyadoon loo eegin ujeedka laga leeyahay, halka Ra'iisul Wasaaraha UK Sir Keir Starmer uu ka digay halista "in ay sii kororto colaadda gobolka oo dhan" wuxuuna ku baaqay xabbad joojin laga sameeyo Qasa lana sii daayo la haystayaasha.
Pope Leo XIV ayaa u sheegay saxafiyiinta in "xaaladda oo dhan ay aad u daran tahay".
Qoysaska 48-ka la haystayaasha ah ee weli lagu haysto Qasa, oo 20 ka mid ah la rumeysan yahay inay nool yihiin, ayaa warku waxa uu kiciyay mowjad cusub oo walaac quus ah.
"Baqdin ayaan la gariirayaa," Einav Zangauker, oo wiilkiisa, Matan, uu ka mid yahay kuwa la haysto, ayaa ku qoray barta X, ee horrey loo oran jiray Twiter.
Hoggaamiyaha mucaaradka Israa'iil Yair Lapid ayaa sheegay inuu la wadaagay walaaca qoysaska.













