Masar oo dacwad ka dhan ah Itoobiya u gudbisay Qaramada Midoobay

Xigashada Sawirka, PMO/FB
Maalintii ay Itoobiya daah-furtay biyo-xireenka ay dhisaysay 14-kii sano ee la soo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar wuxuu warqad cabasho ah u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka cabanaya tallaabada halka dhinac ee Itoobiya.
Inkasta oo ay Itoobiya, Masar, iyo Suudaan sanado badan ka wadahadleen arrimaha ku saabsan buuxinta biyo-xireenka iyo sidii uu u sii shaqayn lahaa, haddana waxaa la dhammaystiray oo si rasmi ah loo furay iyada oo aan heshiis la gaarin.
Kadib furitaanka biyo-xireenka oo ay ka soo qeyb galeen madax iyo mas'uuliyiin sarsare oo ka kala socday dalal kala duwan oo Afrikaan ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelati waxa uu warqad u diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo uu ku muujinayo sida dalkiisa uu uga soo horjeedo.
Masar ayaa Qaramada Midoobay si isdaba joog ah u qortay sanado badan oo ku saabsan biyo xireenka Grand Renaissance Dam, warqad ay soo dirtay shalay oo ku beegan maalintii la furay biyo-xireenka ayay ku muujisay sida ay uga soo horjeedo biyo xireenka.
Warqad uu u diray Golaha Ammaanka ayuu wasiirka arrimaha dibadda ku sheegay in Itoobiya ay dhisayso biyo xireenka Renaissance "Mashruuc hal dhinac ah oo ka hor imanaya shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka u degsan wabiga Niil Bari".

Xigashada Sawirka, Reuters
Waxaa xusid mudan in biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam oo ah kan ugu weyn Afrika ee korontada ka dhaliya uu qaatay 14 sano in la dhameystiro, waxaana sanadihii lasoo dhaafay Masar dhowr jeer wada hadallo kula jirtay Itoobiya.
Suudan iyo Masar oo ka walaacsan in biyo-xireenka oo ay ku kacday shan bilyan oo doollarka Mareykanka ah uu hoos u dhigayo biyahooda, waxay ku boorriyeen Itoobiya inay saxiixdo heshiis dhaqan-gal ah oo quseeya buuxinta iyo maamulka biyaha, laakiin taasi waa la aqbali waayay.
Intaa ka dib, Masar waxa ay tilmaantay in aanay aqbali doonin dhammaan tallaabooyinka shakhsiga ah ee ay Itoobiya qaadayso ee ku saabsan biyo-xireenka, isla markaana aanay aqbali doonin biyo-xireenka, oo ay sheegtay in uu saamayn ku yeelan doono nolosha iyo danaha shucuubta labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, khudbadii uu ka jeediyay xafladdii lagu daah furayay biyo xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya, ayuu Ra'iisal Wasaare Abiy Axmed ku nuux-nuuxsaday in Itoobiya aanay u samayn biyo-xireenka si ay u waxyeelayso dalalka la wadaaga biyaha Niil, balse ay tahay in la wadaago, ujeeddaduna tahay in la wada isticmaalo.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka codsaday Masar iyo Suudaan inay iska kaashadaan mashaariicda waaweyn ee mustaqbalka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof, ayaa muhiim u aragta biyo-xireenka magaciisa loo soo gaabiyo (GERD) oo ku kacay $5 bilyan oo doollarka Maraykanka ah, kaas oo laga dhisayo marinka webiga Nile oo udub dhexaad u ah hammigeeda ku aaddan horumarinta dhaqaalaha.
Laga bilaabo 2011kii, korontada biyo-xireenka waa in ay kor u kacdaa 5,150 MW ayna kor uga kacdaa 750-ka MW ee ay haatanba soo saarayaan.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay tamarta uga faa'ideysan doonto sidii ay dadka Itoobiya u heli lahaayeen koronto, iyadoo sidoo kalena loo dhoofin doono gobolka intiisa kale.
"Dadkayga qiimaha lahow, taariikhdu waa mid aan maqalnay, mid aan maqalnay, mid aan aragnay iyo mid aan barannay, maanta se Ilaahay waxa uu qaddaray oo uu jiilkan la damcay in uu ku simo oo iyagu ay taariikh samaynaan. Biyo-xireenkani, keliya taariikh uma ah dadka Itoobiyaanka ah, laakiin waa guul u soo hoyatay ummadaha madow.
Waa taariikh uu ka warrami karo keliy mid arkay. Ma qeexi karo qof looga sheekeeyay iyo mid muuqaalkiisa daawaday. Waan awoodnay, waanan sii wadaynaa. Shan sano gudahood in aan qabanno xaddi biyo ah oo dhan 74 trillion miter cupic, waa taariikh aan si dhib yar loo xaqiijin karin."
Warqad ay Masar u dirtay Qaramada Midoobay maalintii la furayay biyo-xireenka, ayay Masar ku sheegtay in iskaashiga Itoobiya uu noqdo mid ku salaysan shuruucda caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo walaaca dalalka la wadaaga biyaha.
Inkasta oo xiriirka Masar iyo Itoobiya ee biyo-xireenka uu xumaaday sanadkii hore, haddana wuu ka sii dari karaa, sida ay qabaan falanqeeyeyaashu.
Qorshaha Itoobiya oo aan bad lahayn oo ay ku doonaysay inay badda ku hesho iyada oo u sii maraysa cadawgeedii hore ee Eritereeya ama Soomaaliya ayaa Masar ku kalliftay inay hoosta ka gasho Asmara iyo Muqdisho.
Diblomaasiyadda istaraatiijiyadeed ee Masar keliya ma quseyso isticmaalka biyaha Niilka laakiin sidoo kale waxay taabaneysaa isticmaalka Badda Cas, taas oo mid aan si cad loo aqbali karin u ah Addis Ababa.













