Qasa ka dib waa tee magaalada ay Israa’iil qorshaynayso inay ku duusho

QORSHAHA ISRAA'IIL EE KA QASA KA DIB

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Dagaalka ka socda Qasa ee u dhaxeeya ciidamada Israa’iil iyo Xamaas ayaa galay afar bilood iyo dheeraad kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo kala qabsasho maxaabiis, waana mid ka mid ah dagaaladii ugu kharaaraa ee ka dhaca bariga dhexe.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaalad masiibo ah oo ka dhici doonta magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qaza, haddii Israa’iil ay fuliso hanjabaadeeda ah in ay weerar milateri ay ku qaaddo magaaladaas.

Waxay intaas ku dartay Qaramada Midoobay in ay wajahayso cadaadis aad u weyn oo lagu doonayo in lagu sameeyo qorshe looga gol-leeyahay in lagu caawiyo in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay Rafax.

Magaaladan waxay sidoo kale ka taagan dhibaato dhanka caafimaadka ah maadaama ay isbitaalo kooban ku yaalaan kuwaas oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Rafah Central Hospital, Kuwait Specialized Hospital, iyo Isbitaalka Shuhadada Abuu Yuusuf Al-Najjar oo dhamaantood la liita dawo la’aan iyo maqnaanshaha korontada iyo ilaha tamarta, taas oo dhibaato ku ah dhaqaatiirta iyo kooxaha caafimaadka inay buuxiyaan daweynta bukaanada.

Rafax, waxay hadda martigelisaa in ka badan hal milyan iyo bar qaxooti ah oo ka yimid degaanno kale oo ka tirsan Marinka Gaza, kuwaas oo ka soo qaxay dagaalka socday ilaa afar bilood.

Xadka Rafax

Magaalada Rafax waxay ku taal koonfurta marinka Qaza ee xuduudka marinka saaran gacanka Siinaay ee Masar. Waxaa lagu tiriyaa magaalada ugu weyn ee ku taal marin xaduudeedka, bedkeeduna waa 55 kiloo mitir oo laba jibbaaran, waxayna qiyaastii 107 km xaga koonfur galbeed ka xigtaa magaalada Quddus.

Waxaa kaloo ku yaalla magaalada waddada kaliya ee u gudubta marinka Qasa, taas oo dhuun muhiima u ah muddo dheer gargaarka la gaarsiiyo Qasa, lana marsiiyo dhaawacyada la doonayo in dibada lagu soo daweeyo.

Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, daraasiin gododka la isaga gudbo ah ayaa si aan rasmi ahayn looga hirgaliyey xudduudda u dhaxaysa Qasa iyo Masar, ilaa ay ciidammada Masar burburiyeen sannadihii u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama oga in ay jiraan godad dhulka hoostiisa mara iyo in kale, maadaama intooda badan ay ahaayeen kuwo si qarsoodi ah loo qoday, kuwaas oo ku xirmaya marinka Qasa ee dhulka Masar. Sidaa darteed, Rafax waxay ka dhigtay il ganacsi iyo dhaqaale muhiim u ah marinka Qasa oo go’doonsan.

Taariikha magaalada Rafax.

TAARIIKHDA MAGAALADA RAFAX

Xigashada Sawirka, ANADULU VIA GETTY

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Magaalada Rafax, waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah magaalooyinka taariikhiga ah ee qadiimiga ah, waxaana la aasaasay shan kun oo sano ka hor, waxaana qabsaday maamuladii ay hogaaminayeen Fircoon, Ashuur, Giriiga iyo Roomaanka.

Xukunnadii soo maamulay magaaladan waxay u yaqaaneen magacyo kala duwan, Faaraaciintu waxay u bixiyeen “Rubiihu”, Ashuuriyiintuna waxay ugu yeeri jireen “Rafiixu”, halka Giriiga iyo Rooomankuna ugu yeeri jireen “Rafiya”, carabtu waxay u bixiyeen Rafax.

Sanadkii 1917-kii, gumaystihii Ingiriiska ayaa hoos geeyey Falastiiniyiinta, halka 1948-dii ay soo galeen ciidamada Masaaridu magaalada Rafax iyagoo la wareegay maamulkeeda. Sanadkii 1956-dii ayey gacanta magaalada ku dhacday Israa’iil balse Masaarida ayaa dib u qabsatay sanadkii 1957-dii, ugu danbayna Israa’iil ayaa qabsatay sanadkii 1967-dii.

Rafax, waxa loo qaybiyay laba qaybood oo silig xudduud ah lagu xiray, ka dib heshiiskii Camp David, malkaas oo Masar ay dib u heshay Siinaay. Heshiiskan ka dib, qaybta Rafax Siinaay waxaa laga saaray qaybta Qasa. Qaybta Qasa ee Rafax ayaa qiyaastii saddex jeer ka weyn tahay tan aagga Masar.

Tirada dadka ku nool Rafax

RAFAX

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Sida qiyaasta Qaramada Midoobay sheegayso, Rafax ayaa marti galisa in ka badan hal iyo bar milyan barakacayaal ah, ah kuwaas oo ka dhigan kala bar dadka ku nool marinka Qasa, qiyaasaha ayaa ka badinaya intaas.

Hadda tirada dadka ku nool Rafax ayaa korortay shan jibaar ka dib markii uu qarxay dagaalka ka socda Qasa.

Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha gargaarka ayaa la halgamaya sidii ay u gaarsiin lahaayeen gargaarka aasaasiga ah iyo joojinta faafitaanka cudurrada ee barakacayaasha.

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in aysan dadka u rari karin meelo nabdoon, sababtoo ah ciidamada Israa'iil ayaa ku sugan waqooyiga, gargaarka loo ogol yahay in la soo geliyo Marinka ayaa ah mid aad u kooban.

Kumanaan teendho ah ayaa laga dhisay magaalada Rafax tan iyo billowgii bishii Disembar, meel u dhow xuduudka Masar, muuqaallada dayax gacmeedka ee BBC-du heshay ayaa muujinaya kororka tirada teendhooyinka ee Rafax tan iyo markii uu dagaalka billowday. Teendhooyinka cusub ayaa daboolaya dhul lagu qiyaasay ilaa 3.5 kiiloomitir oo laba jibaaran.

Iyadoo intaasi jirto ayaa walaaca waxaa sii kordhiyey hadalkii dhawaan uu jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee uu ku amray ciidanka in ay diyaariyaan qorshaha lagama maarmaanka ah ee lagu daadgureynayo barakacayaasha iyo dadka rayidka ah ee Rafax, si ay weerar dhulka ah ugu qaadaan.

Su’aashaas ayaa sababtay in la is waydiiyo halka dadku aadi doonaan. intaas ka bacdi, dhammaan su’aalahaasi waa kuwa maskaxda ay ku hayaan dadka magaalada iyo kuwa ku barakacay halkaasi.