Daawo: Sakiya Xuseen, gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo taliye hoggaan ka noqota booliiska Soomaaliya

Qoraalka Muuqaalka, Gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo taliye hoggaan ka noqota ciidanka booliska
Daawo: Sakiya Xuseen, gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah oo taliye hoggaan ka noqota booliiska Soomaaliya

Booliiska Soomaaliya ayaa maanta u dabaaldegaya 80-sano-guuradoodii markii la aasaasay.

"Marka taliyeyaasha ay isu yimaadaan, qarkood waxay ii haysteen in aan ahay haweeney shaaha ka ganacsata, balse runtii aad ayaa la ii soo dhaweeyay" ayay tiri Korneel Sakiya Xuseen oo makrii xilkan loo magacaabay la hadashay BBC-da.

Sakiya ayaa xilkan loo magacaabay sanadkii 2016 dhammaadkiisii.