Xanuun Hargaysa faro ba'an ku haya oo kaneecadu keento
Xanuun Hargaysa faro ba'an ku haya oo kaneecadu keento
Deegaanno badan oo ka mid ah dhulka Soomaalida ayaa laga soo warinayaa qandhada ama xumadda Dengue oo nooc kaneecada ka mid ah ay u gudbiso dadka.
Waxaa la arkaa xilliyada roobabku ay da'ayaan iyo xagaayada, iyadoo meelaha uu hadda aadka uga jiro ay ka mid yihiin magaalooyinka Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Soomaaliland gaar ahaan Hargeysa oo isbitaallada ay dad baan u jiifaan sida uu ku warramayo wariyaha BBC-da Sidiiq Maxamed Burmad oo booqday mid ka mid ah xarumahaas.


