Gaalkacyo iyo Luuq ma qiimaha guurka ayey kaga dayanayaan Morocco

Aroos

Xigashada Sawirka, Facebook

Muddo todobaad ah gudihiis ah ayaa deegaanno ku kala yaalla Mudug iyo Gedo waxaa laga soo saaray go’aanno aad iskugu dhow, kuwaasoo aysan deegaannadaas hore uga wada tashan, laakin u eg arrin wada haysatay.

Waa guurka lacagta aadka u faraha badan lagu bixiyo, kaasoo deegaanno badan oo Soomaaliya ah ka jira, laakinse aan weli talaabo rasmi ah laga qaadin.

Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo oo soo saaray qoraal ay ku taageerayaan “qodobbo ay soo saareen culimada deegaanka”, kaasoo lagu jaangooyey kharashka arooska ku baxaya sida sooryada, alaabta guriga,lacagta adeegga, xoolaha la alayo,ilaa iyo cbitaanka (Dhalo Vimto ah).

Waxay meesha ka saareen dhaqamada ay Soomaalidu leedahay sida toddoba baxa iyo shaash saarka, arrintaasoo si gaar ah loogu xusay qoraalka uu soo saaray maamulka degmada Luuq.

Aroos

Xigashada Sawirka, Youtube

Maxaa keenay

“Baahida keentay ayaa ah in wiilashii ay gabdhihii guursan waayeen, waayo waxaa caqabad noqday alaabta guriga la dhigo, xoolaha oo laga dhigay laba neef oo geel ah, sooryada oo laga dhigay $400, iyo kharashaad kale oo uusan ka bixi karin wiilka dhallinyarada ah” sidaa waxaa yiri Macallin Cabdi Macallin Maxamed oo ah guddoomiyaha maxkamadda degmada Luuq, kana mid ahaa culimadii arrrintan soo jeedisay.

Sidoo kale waxaa maalmo ka hor qodobbo kuwan la mid ah soo jeediyey odayaasha dhaqanka ee koofurta Mudug, ayagoosababta ku macneeyey “Guurkii oo la qaaliyeeyey”.

“Markii lagu daro xoolaha la qaadanayo wuxuu miyigii ka gaaray guurku ilaa $15,000, magaaladiina dhowr iyo toban oo kale ayuu ka tegey, taas ayaana keentay in la raqiisiyo” ayuu yiri caaqil Dhiin Sheekh Cabdi oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee koofurta gobolka Mudug, wuxuuna intaa ku daray in isku duub kharashka guurka laga dhigo $1,000.

Labadaas mas’uul loo gooni gooni ula hadlay BBC waxay sheegeen in sababta talaabadaas u qaadeen ay tahay “maadaama ay cabasho uga timid bulshada”, sidaa darteedna ay doonayaan in deegaannadooda ay ka hirgaliyaan.

Macallin Cabdi ayaa BBC u sheegay in xataa haddii u jiro qof awooda inuu kharashkiisa la baxo aan laga ogolaan doonin “Qofka hantiilaha ah shareecada ma qabto in wixiisa uu ku israafo” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku daray “deegaankaas ciddii timaada wixii halkaa looga dhaqmo ayey ku dhaqmayaan, kuwa deegaanka ku noolna inay ku camal falaan ayaga ayaa laga sugayaa”.

Caaqil Dhiin Sheekh Cabdi

Xigashada Sawirka, Dhiin

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mar ay BBC wax ka weydiisay waxa ay ka yeelayaan haddii uu guur dhex maro dadka deegaanakooda iyo deegaanno kale ayey jawaab isku dhow ka bixiyeen.

“Beel walba dhaqankeedu waa u gooni, laakin dadka oo dhan waa isku dan, mana jiro qof ku ordaaya in wax la qaaliyeeyo ma jiro, mana jiro inay jirto cid khilaafaysa” ayuu yiri Caaqil Dhiin, halka Macallin Cabdi uu isagana ku jawaabay “Deegaankan inta ku nool nidaamkan ayaa u hirgalaya, ciddii ku soo biirtana wixii shuruuc ah ee deegaanka ka jira ayey la jaanqaadeysaa.

Qorshaha yaraynta kharashka guurka ayaa durba ka dhaqan galay degmada Luuq ee gobolka Gedo, wuxuuna maamulku sheegay in talaabo laga qaadayo ciddii aan u hogaansamin, inkastoo aan la sheegin talaabadaas waxa ay tahay, Wuxuuna macallin Cabdi sheegay in arrintaas ay degmada Luuq hore uga jirtay, laakin hadda mar kale ay dib u cusboonaysiinayaan.

Caaqil Dhiin Sheekh Cabdi wuxuu isna sheegay in dhankooda “uu maamulka Galmudug ka warqabo arrintaas, mana jiro maamul ku talinaya in guurka la qaaliyeeyo, wuxuuna maamulku ku qanacsan yahay wixii uu dhaqanku soo saaray” ayu yiri, inkastoo uusan maamulka galmudug weli ka hadlin arrintan.

Xaaladdan la xiriirta in la yareeyo kharashka guurka ayaa ku soo aadaysa ayadoo bilihii la soo dhaafay ay soo bexeen dhallinyaro u guur-doonanaya dalka Marooko, halkaasoo sida la sheegay iuusan guurku aad qaali u ahayn.