Maraykanka oo xaqiijiyey inay ka dambeeyeen duqayntii ka dhacday Badhan

Xigashada Sawirka, X
Iyadoo maalmihii la soo dhaafay la isla dhex marayey cidda geysatay duqeyn ka dhacday Badhan ee gobolka Sanaag, taasoo lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo aan la xaqijin cidda geysatay weerarka duqeynta ah ee lagu dilay ayaa ciidamada Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa ay maanta soo saareen hadal qoraal ah oo kooban oo ay ku sheegeen in duqayn cirka ah ay ku beegsadeen ganacsade hubka ka iibiya Al Shabaab 13 September.
Duqeynta ayey sheegeen in ay ka dhacday agagaarka magaalada Badhan.
Taliska ciidamada Ameerikaanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa intaas ku daray "AFRICOM, oo ay weheliyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sii wada tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda Al-Shabaab ay ku handadayaan Mareykanka, ciidamadeena iyo muwaadiniinteena ku sugan dibadda".
Warka kasoo baxay Taliska AFRICOM kuma qorna magaca qofka ay duqeynta ku dileen sidaasi oo kale kama hadlin in cid rayid ah ay duqeyntaasi wax ku noqotay. Ilaa iyo hadda si la isku waafajiyo in ay laba duqeyn ahayd iyo in ahayd duqeyntaas uu caaqilku ku dhintay weli wax faahfaahin ah lama hayo, laakinse xilliga ay duqayntu dhacday, taariikhda ay dhacday iyo meesha ay ka dhacday intaba waxay isla xiriirinayaan dilka caaqilka iyo weerarka Maraykanka.
Duqeynta oo dhacday afar maalmood ka hor oo dadku ay siyaabo kala duwan uga hadlayeen ayaa inkastoo Taliska AFRICOM ay soo saareen war saxaafdeedkan aan weli la xaqiijin Karin in ay tahay tii caaqilku ku dhintay iyo mid kale.
Wax aan isku daynay in ana xiriir la sameeyno Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si aan wax uga weeydiino waxa ay kala socoto weerarka duqeynta ah ee AFRICOM ay hadda warka kasoo saartay iyo bal in ay ka jawaabaan kaalinta ay Dowladda Federaalka ahi ku lahayd duqeyntaasi hasa yeeshee wicitaanka BBCda ee Wasaaradda Gaashaandhigga lagama jawaabin.
Dhanka kale waxa aan xiriir la sameeynay Puntland si aan wax uga weeydiino waxa ay dhankeeda ka ogtahay hasa yeeshee waxa ay sheegeen in ay tahay in wax laga weeydiiyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya taas oo aan ilaa iyo hadda aanan wax jawaab ah ka helin.

Xigashada Sawirka, Facebook
Maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari ka hor warka ay AFRICOM soo saareen ayaa lagu sheegay in ilaa hada aysan garaneynin cida sida rasmiga ah u fulisay dilka Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim.
War saxafaadeedka ayaa lagu sheegay "Dowlada waqooyi Bari waxa ay cambaareeyneeysaa falka foosha ee lagu beegsaday nabaddoonka kaas oo ah xadgudub cad oo ka dhan ah dhaqanka Soomaaliyeed karaamada nolosha iyo shacabka Waqooyi bari" ayaa lagu sheegay war saxaafdeedka ay soo saareen Maamulka Waqooyi Bari.
War saxaafdeedka ayaa loogu baaqay in Dowladda Federaalka ah ay qaado doorkeeda ku aadan ilaalinta hawada iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaasna ay ka qeeyb qaadato baaritaanka dilka nabadoonka.
Iyadoo buuralleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ay ka socdaan howlagallada ciidamada Puntland kula dagaallamayaan kooxda Daacish ayaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay duqaymo dhanka cirka ka fuliyeen aagagga ku yaalla buurahaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed horey uga soo oo baxay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa horey war-saxaafadeedka ugu sheegtay in howlgal duqayn ah oo ay iska kaashadeen Maraykanka laga fuliyey buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ee Puntland.
Maraykanka ayaa dhorey u sheegay in saldhiyo ay ku burburiyeen duqaymihii hore, isla markaana ay ku dileen dhowr iyo toban xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish.
Duqeymahaas hore war ay kasoo saartay Puntland ayey ugu mahadcelisay howlgalka Maraykanka ee Afrika duqaynta ay ka fuliyeen Calmiskaad, hase yeeshee duqeyntan ka dhacday Badhan ayeey Puntland sheegtay in wax laga weeydiiyo Dowladda Federaalka ah.
Laga soo bilaabo billowgii bishii Febraayo, duqayntii uu amray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee laga fuliyey Buuraha Calmiskaad, waxaa xigay dhowr jeer oo kale oo saaxiibbada caalamiga ee Soomaaliya ay duqaymo ka fuliyeen agaggaasi.













