Maxaa ilaa hadda laga ogyahay duqaynta diyaaradeed ee lagu dilay nabad-doon caan ka ahaa gobolka Sanaag?

Duqaynta Sanaag

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Qoraalka sawirka, Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi

Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa si weyn hadal hayn baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiirto ka abuurtay duqayn dhanka cirka ah oo la sheegay inay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo lala eegtay gaari uu watay Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo ka baxay deegaanka Ceelbuh kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Duqaynta ayaa ka dhacday Urur iyo Jiicaanyo oo ah deegaan miyi ah oo u dhexeeya Ceelbuh iyo Badhan.

Taliska Booliska gobolka Sanaag ee Puntland ayaa bixiyey faahfaahin kooban oo la xiriita dhacdada, iyagoo sidoo kale xusay in baaritaanno qoto dheer ay wali socdaan

Taliyaha Qeybta Booliska gobolka Sanaag ee Puntland Gashanle Sare Aadan Axmed Cali, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Badhan ayaa sheegay in marxuumka dhintay uu watay gaari nooca loo yaqaan RAV uuna ahaa kaligiis markii duqayntu haleeshay.

"Shalay abbaaro 2:30 PM ee galin dembe ayaa dad xoolo-dhaqato oo ku sugan deegaanka Urur iyo Jiicanyo ee degmada Ceelbuh ay booliska ku soo wargeliyeen in duqayni ka dhacday deegaankaas oo ay marto waddada isku xirta Ceelbuh iyo Badhan. Ciidanka boolisku isla markiina wuu tagay goobtii uu falku ka dhacay, waxaan meesha ugu tagnay gaarigii iyo maydkii marxuumka oo burbur weyn gaaray, iskuna hurushaadeen" ayuu yiri taliye Aadan.

Sanaag

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Qoraalka sawirka, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag ee Puntland Gashanle Sare Aadan Axmed Cali

Wuxuu intaa ku daray in duqayntu ahayd sida dadka deegaanku u sheegeen diyaarad aan duuliye lahayn oo gaariga marxuumku watay la beegsatay saddex gantaal.

Mar BBC-du la xiriirtay taliye Aadan wuxuu sheegay in dadka reer-miyiga ah ee ka dhawaa goobta duqayntu ka dhacday ay u sheegeen markii halkaasi ay gaareen in duqayntu ahayd mid xooggan oo jugteeda laga maqlay meelo aad uga fog halka ay wax ka dhaceen.

Caaqil Cumar ayaa ka mid ahaa odoyaal dhaqan oo maalmihii la soo dhaafay shirar la lahaa madaxda maamulka Puntland oo ay ka wada hadlayeen horumarinta gobolka Sanaag sida uu taliyuhu sheegay.

Gaariga duqayntu ku dhacday

Xigashada Sawirka, Mohamed Salh

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah sawirrada la sheegay in laga soo qaaday gaariga marxuumka

Sida ka muuqatay muuqaallo laga duubay gaariga duqayntu ku dhacday waxaa laga arki karaa sida ba'an ee gaarigu u gubtay.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay ayaa xusay in ay baaritaanno socdaan ayna hay'addaha ku shaqada leh wadaan.

Lama oga cidda leh diyaaradda gaysatay ka dhacday gobolka Sanaag mana jirto cid ilaa hadda sheegatay, hase yeeshee saaxiibbada caalamigaa ee Soomaaliya ayaa ah kuwa ugu badan ee Soomaaliya ka fuliya duqaymaha dhanka hawada ah.

Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi Ibraahim, ayaa ahaa caaqil dhaqan oo si weyn looga yaqaannay deegaannada gobolka Sanaag.

Dadka yaqaanna waxay ku tilmaameen inuu ahaa shakhsi door weyn ku lahaa ka shaqaynta nabadda iyo horumarinta deegaanka.