Dhallinyaro loo xidhxidhay in ay aflagaaddeeyeen madaxweynaha Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Fardowsa Hanshi
    • Role, BBC Africa

Booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay afar dhallinyaro ah oo barta TikTok soo dhigay muuqaallo qoob-ka-ciyaar ah oo la sheegay in ay ku aflagaadeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Muuqaalkan ayaa muujinaya dhallinyaro qaadaysa hees u laxan eg middii uu ololaha doorashada ee sanadkii 2022 ku galay madaxweynaha Soomaaliya, balse ay ka buuxaan erayo aflagaado ah.

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ay xidhan yihiin islamarkaana dacwad rasmi ah lagu soo oogayo.

Tiro dad ah oo saameyn ku leh baraha bulshada ayaa hore loogu xidhay eedeymmo la xidhiidha faafinta hadallo qabyaaladeed, kicin bulsho iyo waxyaabo "anshax xumo" lagu tilmaamay, gaar ahaan baraha bulshada sida TikTok – balse tani waa kiiskii ugu horreeyay ee si toos ah ula xidhiidha siyaasi sare.

Bishii August ee sanadkii hore, maxkamad ku taalla magalaada Muqdisho ayaa lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay toddobo qof oo TikTok isticmaala, kuwaas oo lagu helay in ay kiciyeen fowdo bulsho iyo faafinta waxyaabo anshax xumo ah anshax xumo.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in muuqaalladani ay ahaayeen kuwo dhawaan la baahiyay– inkasta oo la tiray asalka muuqaalka, haddana waa muuqaallo weli si baahsan loogu faafinayo TikTok iyo baraha kale ee bulshada. Waxaanay ku tilmaameen dambi ka dhan ah sharciga Soomaaliya.

Afhayeenka booliiska, Jeneraal Cabdifataax Aadan, ayaa uga digay shacabka in qof kasta oo ku dhaqma falal noocan oo kale ah oo meel kaga dhaca hay'adaha qaranka ama madaxda dalku uu la kulmi doono "ciqaabta uu sharcigu dhigayo."

Xidhigga dhallinyaradan ayaa dib u kiciyay dood xooggan oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok, oo marar badan muran ka dhashay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka qaar ayaa muujiyay taageero ay u hayaan dhallinyarada la xidhay, halka kuwo kalena ay difaaceen tallaabada booliiska, iyaga oo sheegaya in xorriyadda hadalku aanay gaadhi karin heer ay dhaawacdo sharafta madaxda ama amniga dalka – gaar ahaan Soomaaliya oo weli aan ka soo kaban dagaallo daba dheeraaday.

TikTok ayaa si weyn looga isticmaalaa Soomaaliya iyadoo ay jiraan Soomaali badan oo ku nool waddamda dibadda, gaar ahaan dhalinyarada oo iyagu u adeegsada faallooyin siyaasadeed iyo majaajillo.

Sidoo kale dad badan ayaa u adeegsada barta TikTok ganacsi iyo madadaalo.

Sannadkii 2023, dowladda ayaa ka fiirsatay in gebi ahaanba la mamnuuco TikTok, iyadoo ku sababeeysay walaacyo la xidhiidha amniga qaranka, faafinta warar been abuur ah, iyo dhaawaca bulshada iyo anshaxa.

Laakiin mamnuuciddaas lama dhaqan gelin waqtigaas sababo ku aaddan dadweynaha oo diiday, hase yeeshee mas'uuliyiintu waxay ka digeen in bartaasi si isa dabajoog ahloogu adeegsado faafinta waxyeellooyin ay ka mid yihiin afkaaro xagjirnimo iyo dacaayado dhaawacaya shakhsiyaadka ama hay'adaha.