Qareen wariye aflagaadeynaya oo toos looga baahiyay Tv iyo erayada uu adeegsaday

Wariye Luqmaan Axmed ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah qareenka Al-Bashiir maadama uu kula kacay aflagaado uu ka xumaaday.

Xigashada Sawirka, BBC Sport

Qoraalka sawirka, Wariye Luqmaan Axmed

Aflagaado isir naceyb ah ayaa si toos ah looga sii daayay Telefiishanka dalka Sudan intii ay socotay dacwadii lagu soo oogay madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir,waxaana arrintaas ka dhashay mowjado cambaarayn ah oo ka dhan ah cunsuriyadda iyo ku xad-gudubka shaqsiyadda qofka.

Xubno ka tirsan kooxda qareennada Al-Bashiir ayaa la maqlayay iyaga oo ku ku wada sheekeysanaya gudaha maxkamadda magaalada caasimadda ah ee Khartuum, iyagoo aan ogeyn in makarafoonadoodu ay furan yihiin.

Mid ka mid ah ayaa la maqlayay isagoo leh: "Adoonkan sanka xuni wuu iga xanaajiyey".Wuxuu isticmaalayay erayo Carabi ah oo gudaha Sudan looga adeegsado inta badan dadka asalkooda la rumaysan yahay inay Afrikaan yihiin laakin Carabta ku dhex milmay.

Hadallada aflagaadada ah ayaa la maqlay amba la oggaaday saacdo uun kadib markii dacawadda la qaaday waxaana lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Qareennada Al-Bashiir ninka ay ku dhahayeen hadallada asal-aflagaadeynta ah waxaa lagu magacaabaa Luqmaan Axmed waa wariye caan ah oo dhawaan laga eryay xilka agaasimaha Raadiyaha iyo Telefeshinka dowladda Sudan oo uu muddo ka shaqeynayay.

Luqman Axmed, wuxuu horey uga shaqeyn jiray BBC-da isagoo ahaa wariyihii ugu soo warrami jiray gobalka Darfur oo muddo ay ka jiraan dhibaatooyin binu aadanimo. Xilkaan laga eryay hadda waxaa loo magacaabay markii uu dhacay heshiis u dhaxeyay milatariga iyo bulshada rayadka isla markaana la dhisay dowladd wadaag ah. Dhismaha dowladaas ayaa ahaa markii xilka laga tuuray madaxweynihii mudada dheer xukumayay dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashiir.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Jeneraallada ayaa ka noqday heshiiskii awood qeybsiga, waxayna sameeyeen afgambi. Luqmaan waxa uu xafiiska sii joogay lix bilood oo kale, balse ugu dambeyntii waxaa lagu eedeeyay inuu ixtiraami waayay madaxda militariga ee dowladda oo la sheegay inuu warkooda uu ku baahiyo qaybaha dambe ee Telefeshinka taa oo ay ka xumaadeen sida muuqata madaxda milatarigu.

Muuqaalka Qareenka aflagaadeyay wariyaha ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada, dad badan ayaana ka xumaaday habka wariyaha loola dhaqmay iyo sida ay ugu tilmaameen hadallo ku saleysan midab takoor.