Waxyaabaha ku gadaaman xarigga wariye Cali Nuur Salaad iyo waxa ay tahay anshax-darradu?

Xigashada Sawirka, AliNur Salaad
Madax hore, siyaasiin, iyo warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay xarigga wariye Cali Nuur Salaad oo booliska gobolka Banaadir ay xalay xabsiga dhigeen.
Cali Nuur oo ah agaasimaha Telefishin maxalli ah oo lagu magacaabo Dawan, ayaa boolisku ku eedeyeen "been-abuur aflagaado iyo wax ay ku tilmaameen anshax-darro" qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebook.
Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Taliska qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri: “Ciidanka Boliska gobalka Banaadir ... ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan ...oo ku eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qalanka”.
Tallaabada ay boolisku ku xireen wariyahaan ayaa waxaa dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiyiinta sida madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
War qoraal ah oo uu soo saaray Shariif Sheekh Axmed, ayu uku sheegay "in cabburinta" wariyaasha ay tahay arrin liddi ku ah dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
Shariif ayaa waxa uu ku tilmaamay xarriga CaliNuur mid 'lagu aamusinayo warbaahinta madaxa bannaan, laguna cabsigalinayo wariyeyaasha'.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidoo kale ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo isna arrintaan kaga hadlay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in xarigga Cali Nuur uu yahay 'isku day lagu aamusinayo runta laguna cabburinayo saxaafadda madaxa bannaan'.
“Xurriyadda hadalku waa xaq dastuuri ah, saxaafadduna waxa ay kaalin toosin ah ka qaadataa hayaanka dowlad-dhiska iyo dhaqangelinta dimuqraadiyadda. Xarigga wariyayaashuna waxa uu dhaawac ku yahay dowladnimada, waana dariiq khaldan oo loo leexiyay dowladnimada Dalka,” ayuuku yiri Xasan Cali Khayre qoraalkiisa.
Dawladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay si aan wax uga waydiino eedeymahaan loo soo jeediyay ayayno noo suuragalin inaan helno, in kasta oo aan dhawr jeer isku daynay inaan la hadalno.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isna xarigga Cali Nuur ku tilmaamay arrin xad-gudub ku ah dastuurka iyo xorriyadda hadalka.
“Waa lama huraan in Xukuumaddu ilaaliso xuquuqda suxufiga, si ay ugu sahlanaato u gudashada waajibkiisa, iyaga oo aan ka baqayn cadaadis iyo caga juglayn, ayuu yiri xildhibaan Cabdishkuur.
Eedaha loo haysto
Inkastoo ilaa iyo hadda faah-faahin buuxda aysan boolisku ka bixin waxa dhabta ah ee loo haysto Cali Nuur, haddana boolisku waxay sheegeen inuu ku eedeysanyahay "been-abuur, aflgaado ciidan iyo waxyaabo anshax-darro ah".
Balse waxaa baraha bulshada ku baahay muuqaal uu wariye Cali Nuur kaga hadlayo arrin ku saabsan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay cunaan jaadka/khaadka, isla markaana arrinka uu samaeyn ku yeesho feejignaatooda.
Muuqaalkaan ayaa dad badan oo isticmaala baraha bulshada aaminsanyihiin inuu yahay kan sababay xarigga wariyaha. Balse ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay booliska gobolka Banaadir oo sharraxaad guud ka bixinaya in hadalkana uu yahay kan ay ku haysataan.

Xigashada Sawirka, SNTV
Maxaa anshax darro loo yaqaan sharciga Soomaaliya?
Sharciyaqaan Cali Xalane ayaa sheegay in muuqaalka baraha bulshada ku faafay ee Cali Nuur uu kaga hadlayo aanu ahayn anshax-darro, balse uu yahay cabbirka aragtidiisa.
"Wax ka soo horjeeda diinta iyo dhaqanka qofku markuu ku kaco, caqliga wax ka baxsan waaye," ayuu yiri Abuukaate Cali Xalane oo fasirayay waxa sharcigu u yaqaano anshax xumada.
Balse abuukaate xalane ayaa qaba in waxyaabaha la xiriira aragatida qofka iyo fikirkiisa gaarka ah ee ku aadan waxyaabaha dhacaya sida siyaasadda oo kale uu dastuurku u oggalyahay inuu cabbiro.
Booliska Soomaaliya ayaa horay waxa uu u xiray dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal anshax-darro ah.
Dadka qaar ay ku soo daabacay baraha bulshada waxa ay tahay anshax darrada lagu soo eedeeyay dhallinyaradaas iyo wariyaha haatan la xiray intaba.













