Filsan Cabdullaahi: Shan arriimood oo ku saabsan gabadha iiska leh Nabad TV

Xigashada Sawirka, NABAD TV
Filsan Cabdullaahi Axmed oo ah gabar u dhalatay deegaanka Soomaalida ayaa noqotay gabadhi ugu da'da yareyd oo Soomaali ah oo Golaha Wasiirrada dalka Itoobiya ka mid noqoto.
Filsan Cabdullaahi waxay ku dhalatay magaalada Jigjiga o ay waalliddiinteeda ku noolaayeen waxayna ku soo barbaartay magaalada Addis Ababa, waxbarashadeeda jaamacadeedna waxay ku qaadatay dalka Ingiriiska.
Haddaba shan arrimood oo ku saabsan Filsan Cabdullaahi qormadan kaga boqo:
1. Xiritaanka telefishiinka
Maamulka Deegaanka Soomaalida ayaa albaabbada isugu dhuftay Telefishiinki NABAD TV oo ah midkii ugu horreeyey oo gaar loo leeyahay oo abid deegaankaasi laga Hirgeliyo.
Koomishinneer-ku-xigeenka Booliska Deegaanka Soomaalida Gaashaanle Sare Maxamuud Sheekh Axmed oo SRTV u warramay wuxuu sheegay inuu talefishiinka baahiyey warbixin abuuri karta amni darro, iyo arrin iska hor keeni karta qowmiyadaha deegaankaasi ku wada nool.
Sida ay Filsan ku baahisay baraha bulshada, waxaa la xiray waalidiinteeda, ka dib markii albaabada la isugu dhuftay Nabad TV. Aabeheed, Cabdullaahi Axmed Yusuf, aya markii dambe la siidaayay.

Xigashada Sawirka, NABAD TV
Waxaana weli magaalada Jigjiga ku xiran qaar ka mid ah halwadeennada telefishinka gaarka loo leeyahay ee Nabad TV, iyada oo booliska ay la wareegeen xarunta telefishiinka oo ku taalla magaalada Jigjiga.
Sida ay wararka sheegayaan, barnaamijka sababay in la xiro telefishinka wuxuu ahaa mid dadweynaha lagu weydiinayey arargtidooda, kuwaas oo durayay dadka aan deegaanka Soomaalida u dhalanin ayna sheegayeen iney shaqooyinki oo dhan la wareegeen qowmiyado aan deegaanka Soomaalida u dhalanin.
Telefishinka la xiray waxaa gaar u leh oo aasaastay Filsan Cabdullaahi Axmed oo ah wasiir hore oo dhawaan iska casishay xilkii ay ka haysay dowladda Federaalka ee Itoobiya.
2. Aasaaskii Telefishinka Nabad TV

Xigashada Sawirka, NABAD TV
Filsan Cabdullaahi waxaa u suurtagashay inay Deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka hirgaliso Telefishinkii ugu horreeyay oo madax bannaan.
Flisan waxay ka hadashay aasaasida warbaahin gaar loo leeyahay, gaar ahaanna telefishiin madax bannaan inaysan ahayn wax sahlan, balse waxkasta oo caqabad ah oo ay la kulntay iyo dhibaatooyinka ka wajahayba inuu ka hor istaagin iney talafishiin aasasto.
Telefishiinka Nabad oo baahintiisa ugu horreeya Af-soomaali ku billaabay wuxuu tabiyaa warar iyo barnaamijyo madadaalo ah, ujeeddadiisa ugu weyna ay tahay inuu shacabka isku soo dhaweeyo, sida ay Filsan sheegtay.
Howlaha ugu waaweyn ee uu qaban jiray Telefishinkeeda waxaa ka mid ahaa in loo ol'oleeyo nabadda iyo in tooshka lagu ifiyo arrimaha lidka ku ah xasiloonida.
Wareysi BBC-da ay siisay mar sii horreysay ayey ku sharraxday ujeeddada ay u aasaastay Nabad TV.
"Waxyaabaha igu kallifay in aan tallaabadan qaado waxaa ka mid ah in deegaankeenna Soomaalida wixii ka dhacay, oo loo wada joogay, sababtoo ah ma jirin meel ay bani'aadanka xorriyad uga hadlaan, gaar ahaan dumarka aad bay ugu dhibaateysnaayeen oo aysan heysanin meel ay wixii ay qabeen ku sheegan karaan. Marka muhiim bay ahayd in aan TV noocaas ah oo shaqadaas qabta hirgaliyo", ayey tiri.
Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale muddooyinkii dambe laga hirgaliyay isbadallo badan oo furfurnaan ah, wixii ka dambeeyay markii maamulka lagu wareejiyay xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Mustafe Cumar.
3. Xilkii wasaaradda ee Filsan loo magacaabay
Abiy Axmed ayaa sannadkii 2020, Filsan Cabdullaahi Axmed u magacaabay Wasiirka Arrimaha Haweenka, Dhalinyarada iyo Carruurta.

Xigashada Sawirka, Twitter
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilkaas taariikhiga ah u magacaabay Maareeyaha guud ee warbaahinta Nabad TV, Filsan Cabdullaahi Axmed.
Iyadoo dareenkeeda kala hadleysay BBC-da ayey sheegtay in tallaabadan uu qaaday Abiy Axmed ay tahay horumar weyn oo la gaaray.
"Waa guul Soomaalida u soo hooyatay, in gabar Soomaaliyeed wasiir loo magacaabo, tan labaad, muddooyinkii ugu dambeeyayba waxaan aad uga hawlgalay Telefishiinka Nabad TV, oo inbadan waxaan u istaagay xuquuqda haweenka deegaanka", ayay tiri Filsan oo wareysi gaar ah siisay BBC-da.
4. Iscasilaadeedi xilki ay dowladda dhexe ka haysay
Wasiirka Arrimaha Haweenka, carruurta iyo Dhalinyarada ee dalka Itoobiya Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa 27-kii September 2021 iska casishay xilki ay haysay iyada oo aan sheegin sababta ay xilkaasi isaga casishay.

Xigashada Sawirka, Mminstry of Women
"Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda'ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteenna," ayay ku tiri Filsan Cabdullaaji Axmed ,farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka oo ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya .
"Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeyda is-casilaadda, oo si deg deg ah u dhaqan geleysa."
Hase yeeshee Filsan faah-faahin dheeraad ah kama bixin sababta is-casilaaddeeda.
Is-casilaaddeeda ayaa ku soo beegantay toddobaad un ka hor xilli lagu waday in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.
5. Xuquuqda haweenka ayey u doodaa

Xigashada Sawirka, NABAD TV
Filsan Cabdullaahi ayaa in muddo ahba ahayd qof u dooda xuquuqda haweenka iyo Carruurta, waxayna ka soo jeeddaa Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Filsan waxay sheegtay dagaallo dhowr sana ka hor dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada iney dad badan ku dhinteen taas oo ah wax aad looga naxa.
Gaar ahaanna rabshadihi 2018-kii ka dhacay deegaanka Soomaalida waxay ahaayeen kuwa ay dad badan ku naf waayeen, xilligaasina ay ka mid ahayd shaqsiyaadki nabadeynta labada qowmiyadood sida weyn uga soo shaqeeyey.
Filsan waxaa kale oo ay sheegtay dadaalki u ololeynta ee ay ugu jirtay xuquuqdaaadanaha gaar ahaan kuwa haweenka ay u suuragelisay iney aasaasto Nabad-TV oo ay u aasaastay iney ku meel mariso Nabad, Ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo iney bulshooyinka helaan warbaahin xor ah oo ay uga hadlaan arrimaha xuquuqda aadanaha la halmaala.











