Coronavirus iyo ka soo shaqeynta guriga: Waa sidee xaaladda hooyooyinka guryaha ka soo shaqeeya?

Weriyaha BBC, Faaduma Macallin Abuukar oo shaqadii BBC iyo middii guriga isku haysa.
Qoraalka sawirka, Weriyaha BBC, Faaduma Macallin Abuukar oo shaqadii BBC iyo middii guriga isku haysa.
    • Author, Fatuma Macallim Abuukar
    • Role, BBC Somali, Nairobi

Waxaan ogahay in ay jiraan dad badan oo sideyda oo kale ah, oo guriga ka soo shaqeynaya. Waxaanse jeclaan lahaa in aan idinla qeybsado sheekadeyda iyo sida ay u ektahay nolosha hooyo haysata labo carruur ah oo yaryar, gurigana ka soo qabaneysa shaqadii xafiiska loo aadi lahaa, xilligan oo uu jiro xanuunka COVID-19.

Waxay ahayd bishii March markii la igu wargeliyay in aan guriga ka soo shaqeeyo, si loo yareeyo faafitaanka xanuunka safmarka ah ee coronavirus. Xilligaas, waxay ahayd markii xanuunku uu carcartiisa lahaa dunidana uu aad ugu faafayay. Aniga waxaan markaas ahaa xaamilo.

Runtii ma aanan garaneyn sida ay u ekaan doonto in shaqadii aan xafiiska ku qaban jiray aan guriga ku qabto, balse xaaladda kalliftay darteed, waxaa ii furneyd inaan la qabsado.

Waxaan isku maarreynayay shaqada, guriga iyo daryeelka wiilkayga Maxamed oo hadda labo sano iyo saddex bilood jira. Inkastoo maalmihii hore ay caqabaddeeda lahayd in guriga laga shaqeeyo, haddana maalinba maalinta ka dambeysa waan la qabsanayay. Faa`iidada ugu weyn ee aan ka dhaxlay waxay ahayd inaan si joogto ah u helayo waqti aan la qaato wiilkayga oo isagana ku faraxsanaa inuusan ooyi doonin subax walba oo ay hooyadiis shaqada aadi jirtay.

Labo bilood kaddib waxaan dhalay gabadheyda Filsan, kaddibna waxaan galay fasax saddex bilood ah oo ay xaq u leeyihiin marka ay haweenku umulaan taas oo sharciga dalkan aan joogo uu dhigayo.

Maxaa is beddelay?

Waxaan filayay in saddex bilood ka dib ay wax walba caadi ku soo noqon doonaan, xanuunkan Covid-19 na uu dunida ka sii dhammaan doono, amaba ugu yaraan uu faafitaankiisa sii yaraan doono. Balse ma dhicin.

Horraantii bishii August ayaan dib ugu soo laabtay shaqada, aniga oo haysta ilmo yar oo saddex bilood jira iyo wiil yar oo labaduba daryeel gaar ah iyo inaan waqti siiyo iga raba. Waxay haddana noqotay inaan guriga ka sii shaqeeyo, maaddaama weli ay jirto halista fayraska Corona.

Shaqada Guriga iyo Faaduma Macallin

Weli waxaan haystaa fursad kale oo fiican, sababtoo ah halkii aan markii hore ka shaqeyn jiray siddeed saacadood, hadda waxaa la ii oggol yahay in saddex bilood oo kale aan shaqeeyo lix saacadood. Taasi waa wax fiican xaqiiqdii.

Runtii marka koowaad, waxaa arrin lagu farxo ah in ka shaqeynta guriga ay micnaheedu tahay in laga fekerayo badqabka qoyskaaga iyo shaqaalaha. Wuxuuse qof waliba sawiran karaa sida ay u ekaan karto maalinta hooyo carruur yar ay xaafadda u joogaan, oo shaqeyneysa.

In aad isku dheellitirto daryeelka carruurta, howshii kale ee guriga iyo mas`uuliyadda kaa saaran inaad si buuxda u gudato shaqadii laguu xil saaray, runtii ma aha mid sahlan.

Waa sidee jadwalkayga maalinlaha ah?

Waxaan isku dayaa in aan ugu yaraan labo saacadood kahor kaco, si aan isugu diyaariyo shaqada. Inkastoo aan guriga ka shaqeynayo, haddana sida in aan xafiiska aadayo ayaan isku diyaariyaa, si aan niyaddeyda uga weeciyo guriga oo aan jawi shaqo ku galo.

Labadaas saacadood waxaan iska dhammeeyaa wax walba oo shaqada guriga ah iyo daryeelka carruurta, iyo in aan sidoo kalena aniga nafteyda isku diyaariyo si aan u shaqeeyo.

Marka la gaaro 9:00am (subaxnimo) oo ay shaqada ii bilaabato, waxaan imaadaa xafiiskeyga yarka ah ee aan guriga dhexdiisa ka sameystay. Meel gaar ah in aad shaqada u qorsheyso waxay kaa caawineysaa inaadan isku dhex qasin saacadihii shaqada iyo howlihii guriga.

Saacad kaddib waxaan aaladda Zoom-ka ka galaa shir shaqada. Waxaan xusuusin ahaan ku xirtaa saacadda si uusan ii dhaafin, taasna waxay ii suurto gelisay in waqtiga shirka aanan ka habsaamin.

Ka dib waa inaad telefoonka codka ka xirtaa, si aadan dadka kale ee shirka kugula jira ugu mashquulin dhawaqa, oohinta carruurta iyo shanqaraha kale ee gurigaba.

Hase ahaatee, si ka duwan markaad xafiiska joogto oo aad waqtigaaga oo dhan shaqada siiso, hadda waxaad la daalaa dhacaysaa inaad sidaas sameyso.

Daqiiqad kasta waxaad filaneysaa inay carruurtu kaa dhex galaan oo aad inta iyo xagga u dhaxayso. Inaad guriga ka shaqeyso oo mas`uuliyadahaas badan isku wada qabato waa sida adiga oo isku dayaya inaad hal cod ka dhex maqasho malaayiin qof oo wada qeylinaya!

Presentational grey line
Presentational grey line

Maalmihii hore aad bay runtii u adkeyd, maaddaama annaga oo dhan ay ahayd inaan la qabsanno marxaladda cusub. Wiilkayga wuxuu doonayay inuu mar walba ila joogo, aniga aan noqdo qofka daryeelkiisa, cuntadiisa iyo wax walba u qabanaya, maaddaama uu ii jeedaba inaan guriga joogo, halka gabadheydana ay aniga igu xiran tahay oo aan nuujiyo. Waxaa kale oo ii dheer howlihii kale ee guriga oo aan aniga iga maarmin mararka qaar, maaddaama hooyadii guriga aan ahay oo haddana aan gurigii joogto.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaan isku dayay jadwal ii shaqeynaya inaan sameysto, si aan isugu wado shaqadeyda iyo daryeelka ay carruurteyda iiga baahan yihiin.

Waxaan isku dayayay in marka xilliga shaqadeyda la gaaro aan xafiiskayga yarka ah tago, gabadhayda way iga yara huruddaa markaas, wiilkaygana waxaan u sheegaa inay tahay xilligii shaqada oo hooyo ay ka maqnaan doonto in cabbaar ah.

Seygeyga oo maalmaha qaar isagana guriga ka shaqeeya, ayaa sidoo kale iga caawiya daryeelka carruurta oo marka la gaaro saacadaha ay shaqada ugu badan ii taallo, gacan iga siiya heyntooda.

Marka ay gabadheyda soo kacdo waxaa laga yaabaa inaan haddana waqti yar u qaato inaan iyadii daryeelo, mararka qaar iyada oo dhabta ii saaran ayaan shaqadeyda sii wataa, maaddaama ilmaha marka ay sidaas u yar yihiin ay rabaan inaad inta badan waqtigaaga siiso.

Inta badan xafiiska ayaa cidlo ah, dad yar ayaana u taga shaqada

Waxaan hadda ka shaqeeyaa qeybta Website-ka, marka inaan hal gacan wax ku qoro mararka qaar, waa xirfad cusub oo aan ka faa`iiday xilligan uu socdo xanuunka coronavirus!

Marka la gaaro xilliga qadada, waxaan qaataa waqti yar oo aan carruurta la qaato, kaddibna shaqada ayaan ku soo laabtaa.

Kaddib marka ay shaqadu ii dhammaato, waxaan wakhtigeyga si buuxda ula qaataa qoyska. Habeenkii waxaan isku dayaa inaan hurdo igu filan helo, si ay maalinteyda u wanaagsanaato.

Labada maalmood ee toddobaadka aan fasaxa ahay, waxaan u sugaa sida bil dhalatay oo kale, sababtoo ah waxaan ogahay in aan fursad u helayo inaan ka soo kabto daalkii shanta maalmood ee toddobaadka ee aan isku qabanayay dhowrka shaqo.

Maxaan ka faa`iidi karnaa ka shaqeynta guriga?

Inkastoo ay caqabaddeeda leedahay in guriga laga shaqeeyo, haddana waxa ugu muhiimsan waa inaad sidoo kale ka eegtaa dhanka wanaagsan sida:

  • Waxaan haysannaa waqti aan la qaadanno qoyskeenna, la qadeyno, carruurta aan si gaar ah uga war heyno, taas oo aan markii hore suurtogal ahayn.
  • Waxaad haysataa fursad aad uga badbaaddo xanuunkan safmarka ah, maaddaama aad guriga joogto.
  • Waxaa kale oo aad ogaaneysaa oo aad tijaabineysaa awood cusub ee aad yeelatay iyo qaababka cusub ee aad baraneyso, taas oo ah inaad noqotay qof ad adag oo dhowr shaqo hal mar isku qaban kara.

Inkastoo aan hadda wajaheyno xaaladdo kala duwan, oo aan la ogeyn muddada ay qaadan doonto, haddana waxaa nala gudboon inaan la qabsanno marxalad walba oo na soo wajaha, xalna aan u helno.