Coronavirus: Ma run baa in 'dawada' corona lagu soo daray sun?

President of Madagascar Andry Rajoelina shows a "Covid Organics", a herbal medicine, which allegedly being developed against coronavirus (Covid-19), during a press conference in Antananarivo, Madagascar on April 20, 2020.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilli ay kiisaska cudurka coronavirus kusii fidayaan dalalka qaaradda Africa, waxaa soo baxaya warar la isla dhex marayo oo ku saabsan xanuunka, kuwaasoo la iskula wadaagayo baraha bulshada.

Kuwo badan oo ka mid ah wararka la faafinayo waa xog been abuur ah.

Waa kuwan qaar ka mid ah sheekooyinka sida weyn loo shaaciyay dhawaanahan.

1. 'Qorshaha' Afrika looga hor istaagayo inay dawo sameysato

Waxaa internet-ka lagu baahiyay sheegasho ku saabsan in madaxweynaha waddanka Madagascar, Andry Rajoelina ay hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO usoo bandhigtay lacag dhan $20 milyan oo doolar, taas baddalkeedana ay ka dooneyso inuu sun ku daro dawo dhireedka laga soo saaray dalkiisa ee la sheegay in loo adeegsan karo cudurka Covid-19.

Waa been abuur.

Screen grab of article about Madagascar president

Warkan oo si deg deg ah ku gaaray guud ahaan dalka Madagascar iyo meelo kale oo ka tirsan Afrika ayaa la xaqiijiyay inuu yahaymid aan sal iyo raad toona lahayn.

Mr Rajoelina ayaa in muddo ahba dadaal ugu jiray inuu suuq geeyo dawo dhaqameed aan la ansixinin oo uu ku sheegay in lagu daweyn karo cudurka safmarka ah.

Isbuucyadii lasoo dhaafay ayuu soo baxay warka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in madaxweynaha ay hay'adda WHO ugu yaboohday lacag fara badan, si ay uga dhaadhiciso inuu si qarsoodi ah sun ugu soo daro dawadaas.

Warkan been abuurka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in WHO ay dooneyso inay caddeyso in dalalka Afrika aysan si iskood ah u soo saaran karin dawada Covid-19.

Waxaa markii ugu horreysay xogtaas lagu soo saaray luuqadda faransiiska, waxaana lasoo dhigay barta Facebook. Boggaas oo dadka wax ku qora ay ku kala sugan yihiin dalalka Angola iyo DR Congo ayaa warkaas lagu soo bandhigay 23-kii bishii April.

Markii dambe isla warkaas ayaa 14-kii bishii May lagu daabacay labo wargeys oo kasoo baxa waddanka Tanzania.

Mid ka mid ah wararkaas ayaa sheegayay in madaxweyne Rajoelina uu qirtay arrintan - mar uu wareysi siinayay warbaahinta France24 - uuna caddeeyay in lacag loo ballan qaaday.

Xilligaas wixii ka dambeeyay sheekadan way sii fidday, waxayna ku baahday baraha bulshada ee guud ahaan qaaradda Afrika.

Waa run in Mr Rajoelina uu 11-kii May wareysi siiyay warbaahinta France24, laakiin ma jirin meel uu hal mar xitaa ku sheegay inay lacag ugu yaboohday hay'adda WHO.

Mas'uuliyiinta WHO ayaa BBC-da u sheegay in sheekadaas ay tahay mid been abuur ah, sidoo kalena dowladda Madagascar way iska fogeysay.

"Tan iyo markii la daah furay dawada Covid-19, waxaa soo baxayay warar badan oo laga been abuurtay madaxweyne Andry Rajoelina", ayey tiri Lova Ranoramoro, oo ah afhayeenka dowladda Madagascar.

Dawada Covid-Organics ayaa wali laga soo saarayaa Madagascar, waxaana loo dhoofiyay dalal ka mid ah Afrika, si looga isticmaalo.

Hase yeeshee wali lama hayo caddeyn dhinaca seyniska ah oo muujineysa inay dawadaas waxtar leedahay.

WHO waxay sheegtay inay soo dhaweyneyso wax soo saarka salka ku haya dawo dhaqameedyada, laakiin waxay ka digtay dawooyinka aan la tijaabinin.

2. Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania kuma uusan dhigin fayraska

War internetka lagu shaaciyay ayaa lagu sheegay in Wasiirka Caafimsaadka ee dalka Tanzania, Ummy Mwalimu, uu ku dhacay coronavirus. Waxaa sheegashadan barta Twitterka soo dhigay dad uu ka mid yahay wariye caan ah.

Screen grab of piece about Tanzania health minister

Laakiin warkan run ma aha.

Waxaa laga soo xigtay sawir "screenshot" ah oo lasoo dhigay Twitter-ka, kaasoo qofka soo dhigay uu sheegay inuu kasoo qaatay wasiirka qudheeda.

"Qoraal luuqadda sawaaxiliga ku qornaa - oo lagu sheegay inuu yahay warkii ay tiri wasiirka - ayuu micnihiisu ahaa "Waa nasiib darro inuu igu dhacay coronavirus. Laakiin waan sii wadi doonaa shaqada, dagaalkana safka hore ayaan uga jiri doonaa ilaa inta ay xaaladdu ka fiicnaaneyso".

Hase ahaatee, qoraal noocaas ah lama soo dhigin barta ay wasiirka ku leedahay Twitter-ka.

Wasiirka iyo wasaaradduba waxay warka noocaas ah ku tilmaameen been abuur.

3. Kaararka cudurka difaacaya ee laga isticmaalay Suudaanka Koonfureed

Sheegasho aan wax caddeyn ah loo heynin.

Screen grab of Facebook post by South Sudan government

Madaxweynaha Suudaanka Koonfureed Salva Kiir iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladdiisa ayaa la sheegay inay isticmaaleen kaarar xarig ku xiran oo qoorta la surto, kuwaasoo ka difaacaya inuu ku dhaco cudurka.

Sawirro ay kooxda warbaahinta u qaabilsan madaxweynaha soo dhigeen Facebook-ga ayaa lagu arkayay isaga iyo saraakiisha kale oo xiran wax isku wada eg oo ay xirnaayeen.

Laakiin wax caddeyn ah looma hayo in qalabkaas uu wato dawo cudurka ka hortagi karta.

Markii ay BBC-da arrintan wax ka weydiisay mas'uuliyiinta dowladda Suudaanta Koonfureed waxay u sheegeen in qalabkaas ay u keeneen dad sheegay inay matalayeen dowladda Japan.

Balse waxay sheegeen inay markii dambe xirashadooda joojiyeen, maadaama aysan ansixinin hay'adda WHO.

Qalab noocaas ah ayaa lagu iibinayay meelo ka mid ah caalamka, waxaana sidoo kale xirtay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Ruushka.

4. Madaxweyne Magufuli ma uusan mamnuucin in maaskaraatiga lagu xirto bulshada dhexdeeda

Farriin marin habaabin ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Tnzania John Magufuli uu mamnuucay in maaskaraatiga lagu xirto goobaha dadweynaha.

Screen grab of tweet about Tanzania president

Warkaas ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu sheegay in xirashada maaskaraatiga uu sii faafinayo cabsi, uuna farriin khaldan u dirayo dalalka kale ee caalamka, xilliga ay dhaqdhaqaaqyada isku furmaan.

Dadka qoraalkaas faafinayay waxay adeegsanayeen sawir u eg in laga soo qaaday bogga uu madaxweynaha ku leeyahay Twiiter-ka, laakiin waa mid la been abuurtay.

Waxaa kale oo la shaaciyay war-saxaafadeed uu isla qodobkaas ku sheegay madaxweynaha oo uu saxiixay isagoo ku sugan gurigiisa ku yaalla degmada Chato.

Hase ahaatee, markii ay BBC-da damacday inay arrintaas xaqiijiso waxay ogaatay in madaxweyne Magufuli uu xilligaas ku sugnaa magaalada Dodoma.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa dadka u sheegay inay warkaas iska indha tiraan.

Dowladda Tanzania waxay shacabkeeda ku dhiirrigalisaa inay maaskaraatiga xirtaan ayna kala fogaadaan.

Dhanka kale, waxaa jirta in mas'uuliyiintu aysan si joogto ah usoo tabinin wararka la xiriira xaaladda cudurka, waxaana walaac laga muujinayaa in madaxweynaha uu iska sahlanayo saameynta fayraska.

bb
bb