Maxaa ka dhacay waddada Nayroobi ku taal ee ‘Maraykanku uga digayo dadkiisa’?

.

Xigashada Sawirka, Nema Kenya

Saraakiisha Kenya ayaa codsaday in laga caawiyo sidii loo heli lahaa konteenar ay ku jiraan kiimiko aad u sun ah oo laga soo dhacay gaadhi xamuul ah oo ku rogmaday waddo ka kid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Sodium cyanide ayaa lagu sheegay curiyahaa suntantani tahay ee la dhacay, kaas oo ah ah khatar oo wax dili karta haddii la liqo ama la nuugo xitaa xaddi yar oo ka mid ah, sida ay ka digeen saraakiisha caafimaadka, iyaga oo intaa ku daray in ay sidoo kale ay khatar weyn ku tahay deegaanka.

Ma ahan wax ku cusub dalka Kenya gawaadhida xammuulka ah ee shilka gala in la bililaqaysto.

Gaadhigan ayaa dhacay gelinkii danbe ee sabtidii, kaas oo dad badan ay qaateen dhawr konteennar oo wixii uu siday ah.

Dowladda ayaa dadka ku boorisay inay ka fogaadaan goobta uu ku dhacay oo ah wadada mashquulka badan ee isku xirta Nairobi iyo Nakuru, iyadoo safaaradda Mareykanka ay kula talisay muwaadiniinteeda inay ka leexdaan halkaas.

Shilkan ayaa ka dhacay meel 35km u jirta magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana shilkan uu sababay in suntii uu siday gaadhigaasi ay ku daadato laamiga.

Ma cadda waxa keenay inuu rogmado gaadhigan xamuulka ah. Maamulka ayaa sidoo kale wax faah faahin ah aan ka bixin xaalada darawalkii gaadhigaas waday.

Hay’addaha qaranku waxay shacabka u soo jeediyeen inay degdeg ugu wargaliyaan saldhiga ugu dhow haddii ay arkaan haamahii gaadhigaas laga soo dhacay.

"Dadweynaha waxaa sidoo kale looga digay inay taataabtaan waxa ku jira haamahaas" ayaa lagu yidhi warsaxafaadeed ka soo baxay dawladda.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in kiimikada ay tahay in kaliya ay gacanta ku hayaan dadka xidhan qalabka difaaca kiimikada ee loogu talagalay.

Walaxda ku jirtay ayaa haddii qof isticmaalo keeni karta dhimasho degdeg ah, sida oo kale wasakhaynaysa deegaanka.

Waxaana dadka looga digay isticmaalkeeda iyo u dhawaanshaheedaba, xilli wax anfaca oo kale aanay dadka shacabka u lahayn.