Axmed: 'Reero badan ayaa gabdho iigu diiday cuuryaan-nimadeyda laakiin hadda laba reer ayaan bilaa'

Jaamici Axmed haatan waa aabe saddax caruur ah heysta
Qoraalka sawirka, Axmed oo 26-jir ah ayaa luguhiisa ku waayay qarax ka dhacay Jigjiga 2008 xiligaas oo uu aad u yaraa.
    • Author, Issak Malin
    • Role, Wariye

Axmed Cabdi Cabdullahi waxa uu labadiisa lugood ku waayay qarax ka dhacay xaflad ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsanaa dowlad deegaanka Soomaalida iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, qaraxa oo ka dhacay magaalada Jigjiga sanadkiii 2008 dii.

Axmed waxa uu ka soo jeedaa qoys danyar ah oo waxa uuna ku caqliyeystay aabihiis oo ka shaqeeya dhismaha iyo hooyadiis oo dhuxusha iibisa.

Qoyskaan danta yar ayaa mar qura waxaa ku yimid dhacdo naxdin leh kadib markii gabadhoodii Yurub Cabdi ay uga geeriyootay qarax ka dhacay Jigjiga, sidoo kalena uu ku dhaawacmay wiilkooda Axmed, kaas oo ku waayay labadiisii lugood.

Xilligii uu qaraxu dhacayay ayuu Axmed sheegay in uu ka mid ahaa dad ka soo qayb galay munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiid ka tirsan dowlad deegaanka oo uu u horeeyo madaxweynihii xiligaas, Cabdullahi Xasan.

Waxaa loo sheegay Axmed iyo walaashiis in ay ka qeyb qaataan su soobax lagu qabtay jigjiga oo ahaa tartan lagu soo bandhigayay aqoonta.

‘’Waxaa nala geeyay isu soobax dad badan ay isugu yimaadeen, waxa aan xasuustaa mar ay xoogaa xafladda socoto in gacmaha kor loo taagay, kadibna la soo raaciyay walxihii qarxayay, sidaas ayayna miinadii iigu dhacday oo labada lugood iiga jartay,’’ ayuu yiri Axmed oo dib u xasuusanaya sida xallku ahaa maalinkii ay is badashay noloshiisu.

Kadib dhaawicii ka soo gaaray qaraxaas waxa uu in muddo ah uu ku jiray isbitaalka Karamardha oo lagu dabiibayay muddo gaareysa shan sano isaga oo halkaas looga jaray labadiisii lugood.

26-jirkaan oo nolosha ka lahaa hadafyo kala duwan ayaa markii uu isbitaalka ka soo baxay waxa uu dib ugu laabtay waxbarashadiisa si uu uga dhabeeyo mid kamid ah hadafyadiisa oo ahaa in uu meel sare ka gaaro heerka waxbarashada.

"’Markii aan yaraa waxa aan jeclaa in aan dhaqtar noqdo balse waa ay ii suurtagali weysay’’ ayuu yiri Axmed.

Kadib markii uu ka qalin jabiyay waxbarashadii dugsiga sare waxa uu galay mid kamid ah jaamacadaha ku yaala Jigjiga, waxa uuna ka diyaariyay cilmiga Bulshada.

Axmed waxa uu BBC-da u sheegay in uu caqabado kala kulmay dhanka bulshada gaar ahaan xiriirka dumarka.

‘’Horta shukaansiga waxyaabo badan waad kala kulmi kartaa qof naafo ah hadaa tahay. Intooda badan dadkeedu dad waxaa weeyaan quursigoodu badan yahay, waxaa jirta hadii aad gabar jeclaato waxaa laga yaabaa in reerkoodu dhahaan ninkaan naafada ah maxaad ku faleysaa,’’ ayuu yiri.

Waxa uu intaa hadalka ku daray in gabdho badan oo shukaansi dhexmaray kadib muddo uu samray uu markii danbe helay xaas sidaasna ay reerka gabadha ku soo dhaweeyeen oo uu ku guursaday.

Axmed aabaha nolosha la halgamaya
Qoraalka sawirka, Waxa uu ka qalin jabiyay mid kamid ah jaamacadaha ku yaala Jigjiga, waxa uuna ku taqasusay culuumta Bulshada
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Axmed haatan waa aabe ay u joogaan saddax caruur ah oo kala ah laba wiil iyo gabar, waxa uuna ku noolyahay magaalada jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Wiilkaan waayay xubno muhiim u ahaa noloshiisa balse aan quusan ayaa maareeya nolosha qoykiisa iyo qoyska walaalkiis ka weyn oo xanuunsan.

‘’Laba Shaqo ayaan qabtaa maadaama culeysku badanyahay oo aan laba qoys biilo, sidoo kale toban iyo shan sano ayaan walaalkeey ku biilayaa goob Cilaaj ah oo caafimaadkiisa lagula tacaalayo,’’. ayuu BBC da u sheegay Axmed.

Mar aan wax ka weydiinay shaqooyinkiisa iyo sida uu u kala maareeyo ayuu inoo sheegay in uu ka howlgalo waax katirsan xafiiska arimaha bulshada ee DDS, halkaas oo uu tago galinka hore ee maalintii, halka galinka danbe uu ku shaqeysto Mooto Bajaaj, si uu meel uga soo saaro nolosha qoysaska ku tiirsan maadaama sida uu sheegay lacagta uu ka qaato xafiiska dowladda aysan dabooli Karin baahiyaha ku hareersan.

Axmed ayaa mustaqbalka rajeynaya in uu meel sare ka gaaro nolosha iyo hadafyada uu leeyahay, waxa uuna sheegay in kadib marka ay dad badan oo lixaadkooda qaba arkeen shaqooyinka uu hayo waxa uu u noqdaa dhiiragalin toos ah iyagoona su,aalo badan ka weydiiya caqabadaha uu la kulmo iyo sida uu ku maareeyo nolosha.