Maxaad ka ogtahay minka macmalka ah ee lagu badbaadinayo ilmaha dhiciska ku dhasha?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaad moodaa in lagaaga sheekeynayo filin mala’awaal ah oo saynis ku saabsan: Caruur laga bixinayo minka hooyadood oo lagu korinayo weel dareere ka buuxo.
Taas ayaa ah waxay haatan caruurta dhiciska ah ee halista ku jira uu u soo jeedinayo Isbitaalka Caruurta ee Philadelphia oo ku yaalla dalka Maraykanka.
Waxay sanco iyo horumarinba ku wadaan wax ay ugu yeereen “minka dabiicaga ah” ama deegaanka mineedka lagu baxnaaniyo caruurta wali u baahan koriimada gudaha caloosha.
Qaabkaan ma ahan mid loogu talagalay in caruurta caloosha ku jirta uu u koriyo sida in la dhali rabo oo kale, taas oo aanba suuragal noqoneyn xitaa hadii la isku dayo. Waxaa ujeedka laga leeyahay uu yahay in la kordhiyo rajada badbaadada caruurta dhiciska ah ee aad uga soo hormara xilligii ay dhalan lahaayeen, kuwaas oo noloshooda inta ka dhiman wajihi lahaa saameyn caafimaad xumo.
Xilliga sidka ee cadiga ah waxaa lagu sheegaa in uu yahay 40 todobaad, marka uurku gaaro 37 isbuucna waxaa si buuxda u dhamaystirma koriimada ilmaha uurka ku jira. Balse mararka qaar ayaa waxaa jahwareer ku dhacaa uurka taas oo sababtay in ilmuhu uu dhasho xilli ka horeeya kii caadiga ahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nasiib wanaag, mahad badan ha gaarto horumarka laga gaaray nidaamka daweynta ilmaha markaas dhashay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, inta ugu badan waxaa badbaada ilmaha dhiciska ah, waxaana laga soo saaraa isbitaalka iyaga oo leh jirooyin aan badnayn. Xogihii ugu dambeeyay ee arrintaan ku saabsan ee la baahiyay ayaa waxay sheegayaan in 30% caruurta dhasha marka ay caloosha ku gaaraan 22 todobaad ay badbaadaan hadii ay helaan daryeel xoogan.
“Dhab ahaantii ilmaha gaara 28 todobaad iyo xitaa 27 todobaad wax sidaas ah kama halaabaan,” sidaas waxaa yiri Stephanie Kukora oo ku taqaqusay dawynta dhiciska kana shaqeeya isbitaalka caruurta ee Mercy oo ku yaalla magaalada Kansas ee dalka Maraykanka.
“Dhab ahaantii kuwa ugu badan ee la kulma nolol aan ahayn mid ay u dulqaadan karaan waa ilmaha ku dhasha 22 ilaa 23 isbuuc kuwaas oo ku dhasha dhibaatooyin aad u daran.”
Halisaha uu leeyahay dhiciska
Ilmaha dhiciska ah ayaa waxay wajahaan dhibaatooyin aad u badan waxaana ka mid ah in ay miisaankoodu ka yar yahay 900 oo garaam marka ay dhashaan, in xubnahooda sida wadnaha, sambabada, dheefshiidka iyo maskaxduba aysan si buuxda u korin oo aysan awoodin in ay nolosha wajahaan hadii aysan helin daryeel caafimaad oo aad u xoogan.
Ilmaha ku dhasha 22 ka isbuuc ayaa waxay u nugul yihiin infakshinka, naxdinta, iyo xataa hoos u dhac dhinaca cadaadiska dhiigga ah oo qatar galin kara noloshooda, kaas oo inta badan dhaawici kara sambabada, kalyaha, beerka iyo xubnaha kalaba.
Xanuunada mudada dheer jiri kara ee ku dhaca caruurta dhiciska ah ayaa waxaa ka mid ah murqaha oo aan tabar lahayn, waxbarashada oo ku adkaata, aragtida oo daciifta, maqalka iyo asmo ku dhacda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sidee loo caawin karaa?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nidaamkaan hadda la soo jeedinayo ayaa ah mid laga caawinaya in aysna isticmaalin sambabadooda.
Maanta, in kasta oo dunidu heersare ka gaartay tiknoolajiga lagu badbaadiyo caruurta, sida kuwa neefta siiya, hadana waxay dhaawici karaan sambabada jilicsan ee uu leeyahay ilmuhu.
“Xilligaas aadka u horeeya, wali waa ay jilicsan yihiin sambabadu waxayna u baahan yihiin in ay koraan oo qoyaan ka buuxo,” sidaas waxaa yiri barifisoor ku taqaqusay qaliimada haweenka - George Mychaliska oo ka hawlgala isbitaalka caruurta ee jaamacadda Michigan C.S. Mott.
“Markii ay ilmuhu aad dhicis u yihiin waxaan dhuunta hawa mareenka ee sambabada tagta aan galinaa tubo cadaadis xoog leh ku galisa hawo gudaha sambabadooda. Si la wada ogyahay oo qoran ayay arrintaasina u sababtaa dhaawac.”
Markii muddo la joogo, dhaawacaas ayaa waxa uu keenaa haaro ku dhasha gudaha sambabka taas oo noqota xaalad loo yaqaano (bronchopulmonary dysplasia), oo ah xanuun daran oo sababka ku dhaca. Caruurta ayaa isbitaalka laga wadaa iyaga oo u baahan caawimaad neefsi, waxaana la siiyaa qalab ka caawiya neefta oo ay tahay in ay isticmaalaan inta noloshooda ka dhiman.
Nidaamkaan cusub ee minka macmalka ah ayaa mid dhamaystirkiisu shaqo badan u baahan yahay. Kooxda ka shaqayneysa ayaa haatan waxay marayaan heer ay ogolaansho ka dalbanayaan Hay’adda Maamulka Dawooyinka ee Maraykanka si ay u bilaabaan kiisas dad bani aadam ah lagu sameynayo iyada oo la isticmaalayo minkaan.
Balse waxaa jira fahan yari wali ka jirta sida ay ilmuhu ugu dhex kori karaan minka macmalka ah oo u baahan in laga baxo ka hor inta aan bani aadam lagu bilaabin minka cusub.
“Waxay ila tahay in ay wax cad tahay in ilmaha yar ee caloosha ku jira uusan awoodin kaligiis in uu iska koro si caadi ah.”
Minkaan cusub ayaa dhaqaatiirta qaar waxay sheegayaan in ay tahay in si fiican looga fiirsado qaabka loo isticmaalyo.
Tusalaale ahaan minka ay soo isticmaaleen kooxaha EVE and CHOP ayaa waxa uu u baahan yahay in ilmaha marka uu dhasho xuduntiisa markiiba lagu xiro kaanool, sababtoo ah ilmaha ayaa u baahan in marka sidaas looga soo bixiyo caloosha hooyadood laga galiyo minka macmalka ah, maadaama xudunto ay is xirto isla marka uu cunugu dhahso.













