Daraasad: Haddii ay ilmo kaa soo dilmaan hore uur kale waad ka qaadi kartaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si ka duwan talada hadda ay dhaqaatiirtu bixiyaan, in uur la qaado bilooyin yar gudahood kaddib marka ay ilmo kaa soo dilmaan wax khatar ah uma laha hooyada iyo ilmaha, sida ay sheegeen baarayaal dhowaan ka sameeyay daraasad.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku talineysa in ugu yaraan la sugo muddo lix bilood ah.
Sababta waa in haweeneyda ay hesho waqti ay ku soo kabato.
Balse daraasad lagu sameeyay PLoS Medicine, oo qiimeyn ku sameysay 72,000 haween uur qaaday, ayaa sheegeysa in lammaanuhu ay waqti dhowba isku dayi karaan ilmo kale oo aysna u baahneyn in waqti dheer ay sugaan.
Ururka taageerada siiya dadka y ilmaha ka soo dilmaan oo lagu magacaabo Tommy's ayaa sheegeysa in haweenka dareema inya diyaar yihiin ay mar kale si degdeg ah uur u qaadi karaan haddii aysan jriin xaalad caafimaad oo ka hor istaageysa.
WHO ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan badan oo lagu sameynayo kala dheereynta uurka isla markaana ay bulshada la wadaagi doonto wixii ka soo baxa.
Baaritaankan oo laga sameeyay Norway, intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2016, ayaa lagu ogaaday in wax farqi ah oo weyn uusna u dhaxeyn natiijada ka soo baxday marka ay haweeneydu hore uur ka qaaddo amaba ay sugto lix bilood kaddib.
Tani waa ka duwan tahay daraasad kale oo lagu sameeyay Latin America, taasoo iyada iyo daraasado kale ay ku taliyeen sida ay qabto WHO ee kala dheereynta uurka kaddib marka ay ilmo soo dilmaan.
Baarayaasha daraasaddan ayaa sheegaya in taladan ay u baahan tahay in qiimeyn lagu sameeyo si lammaanaha ay u gaaraan go’aan ay ka war qabaan.
In waaliddiinta laga codsado inay sugaan lix bilood kaddib marka ay ilmo ka soo dilmaan ayaa laga yaabaa inay dadka qaar aqbali waayaan oo ay ku dheer tahay, gaar ahaan marka aysan jirin caddeyn caafimaad oo lagu kabi karo taladaas.
Waxay ku talinayaan in la sameeyo daraasado dheeraad ah.
Uurka kaddib marka dilan uu dhaco

Xigashada Sawirka, PA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khubarrada ayaa isku raacsan in qofka oo caafimaadkiisa uu fiicna yahay ay kordhin karto fursadda uur qaadidda.
Haweenka ayaa lagula talinayaa inay si joogto ah u qaataan kaniiniyada maaddada folic acid laga soo bilaabo inta ay isku dayayaan inay uur qaadaan ilaa 12 toddobaad uurkooda.
Waxay yareyneysaa khatarta in la dhalo ilmo aan caafimaadkoodu buuxin oo dhibaato ka qaba dhanka maskaxda, lafdhabarta amaba xuddunta.
Ilmaha soo dilma xilliga hore ee uurka ayaa ku dhaca shanti haweenka hal inta ay nool yihiin. Aaalaaba, lama oga waxa dhab ah oo sababa.
Haddii ay hal mar ilmo kaa soo dilmeen, waxaa mar walba jira fursad kale oo fiican oo ah in uurkaaga xiga uu noqon doono mid guuleysta. Dilanka soo laalaabta waa mid dhif iyo naadir ah.
Ururka Tommy's ayaa sheegay in haddii ay hore ilmo kaaga soo dilmeen, ay fiican tahay inaad dhaqtarka kala tashato oo uu eego inay hore u jireen sababo caafimaad, oo keeni kara inaad muddo sugto kahor intaadan uur kale qaadin.
Balse caafimaadka maskaxda ayaa sidoo kale muhiim ah. Lammaaneyaasha qaarkood ayaa u baahan waqti ay isku diyaariyaan maskaxiyan ahaan iyo jir ahaan.
"Waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad naftaada siiso waqti aad uga samirto ilmaha kaa soo dilmay kahor inta aadan ka fekerin mustaqbalka. Lammaaneyaasha kale ayaa dareema in degdeg ay mar kale ku qaadaan uur ay ka caawin karto inay ku illaawaan waxa dhacay," ayuu yiri ururka Tommy's.
"Waa dookh shakhsiyeed amaba mid aad si wada jir ah u go’aansan kartaan haddii aad lammaane leedahay."










