Masjidka Cali Jimcaale oo iska fogeeyey wadaadkii ka hadlay Sh. Cismaan Xiddig

Dood xoog leh ayaa ka dhalatay qoraal uu Ibraahim Ciyow oo ka mid ah culimada masjidka Cali Jimcaale kaga hadlay Sheekh Cismaan Xiddig oo dhawaan Muqdisho ku geeriyooday.
Sheekh Cusmaan Xiddig waxa uu ka mid ahaa culimada caanka ka ah dhulka Soomaalida.
Hadalka uu soo dhigay bartiisa Facebook Ibraahim Ciyoow ayaa u muuqday mid uu ku naqdinayey culumo sheekha u tacsiyeeyay, shiikha qudhiisana uu ku durayey.
Inkastoo bartaas bulsho degdeg loo xiray, haddana dad badan ayaa ka qaaday sawir qoraalkii uu soo dhigay.
Ciyoow ayaa qoraalkiisa ku durayay kitaabo uu qoray sheekha. Wuxuu yiri "waa sax in uu kitaabo badan qoray balse ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay? Kuligood ama badankooda waxa uu ku difaacayaa inta aan Suufiyo isku hayno”.
Qoraalka Ciyow waxaa uu keenay in dad badan ka caroodaan. Dad badan oo fariimo ku wadaagay baraha bulshada ayaa si weyn u dhaliilay hadalka Ciyow iyadoo qaarkood ay ka dalbadeen dowladda in ay soo farageliso oo tallaabo qaado.
Marka ay timaado habka wax loo tabiyo iyo sida dadka wax loogu sheego waxay u baahan tahay aqoon iyo waayo aragnimo. Qofka aan intaas haysan waxaa suuragal ah in si aan habooneyn uu wax u sheego. Sheekh Maxamuud Sh Axmed Dalmar waxa uu aqoon u leeyahay warbaahinta iyo diinta, waxaanan u bandhignay mas'aladan muranka keentay.
“Inta badan culumada waxay isku qabsadaan mas’alooyin diini ah, wayna ka doodaan balse in dadka aan diinta sida fiican u aqoon ee jecel wax lagu soo dhextuuro waa arrin dhibkeeda leh” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray “Dadka in wax lagu soo dhextuuro ma wanaagsana, wixii khaldan oo aad arkayso waa in aad sheegtaa sababta”.
Haddaba culumada maxay inta badan isku khilaafaan? Sheekh Dalmar oo ka jawaabayay su’aashaas ayaa yiri.
“Waxa laysku hayo ma ahan usuusha ee waa furuuc. Hadii aan usuusha laysku hayn, waxaaba fiican in furuucda laga aamuso”.
Jawaabta Maamulka Masjidka

Xigashada Sawirka, bbc
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Masjidka Cali Jimcaale ayaa hadal ka soo saaray qoraalka sida weyn loo dhaliilay. Imaamka masjidka Cali Jimcaale, Sheekh Cabdikariin Ciise Cali, ayaa marka hore u tacsiyeeyay sheekha isagoo sheegay in sheekha ahaa caalim dhaxal uga tagay umadda Soomaaliyeed iyo tiir ka baxay bulshada.
Sheekh Cabdikariin waxa uu sheegay in qoraalka Ibraahim Ciyoow uu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin masjidka.
“Maamulka majidka Cali Jimcaale wuxuu iska fogeynaa qoraalkii Ibraahim Ciyoow uu ku qoray bartiisa Facebook ee uu ugu gafay sheekha” ayuu yiri.
Sidoo kale sheekha oo aqrinayay warsaxaafadeedka uu masjidka soo saaray ayaa sheegay in masjidka uu ku dadaalayo in cid walba oo sabab u noqon karta in ay kala geyso umadda aysan korin mimbarka masjidka.
“Maamulka masjidka waxa uu cadeynayaa in Ibraahim Ciyoow iyo ruux walba oo la mid ah uusan mar kale fursad u siin doonin in masjidka ay qudbad ama kalmad ka jeediyaan”.
Sheekh Cabdikariin waxa uu sheegay in dhaqanka islaamka aysan ku jirin aflagaado.
“Dhaqanka Islaamka kama mid ahan in culumada la aflagaadeeyo ama lagu xadgudbo, hilibka culumada waa sun, ha noolaadaan ama ha geeriyoodaan”.
Sheekh Cusmaan Xiddig, waxa uu muddo ka badan afartan sano ahaa daaci iyo macallin ka shaqaynayey fiidinta diinta Islaamka. Dadka yaqaana Sheekha ayaa ku tilmaamay inu ahaa "maktabad soconaysay".
Sheekh Cusmaan Xiddig, ayaa muddo dheer lagu yaqiinay soo saarista kutub kala duwan oo ku saabsan culuumta kala duwan ee Islaamka iyo wacyiga nololeed ee Soomaalida.
Kutubta uu qoray Sheekh Cusmaan Sheekh Xiddig oo aad u badan waxaa inta badan laga helaa jaamacado ku yaalla dalalka Islaamka gaar ahaan jaamacada Axqaaf oo ku taalla dalka Yemen sida uu BBC-da u shegay Dr Xasan Albasri.
Kitaabada caanka ah ee uu qoray waxaa ka mid ahaa Al-Iqnaac iyo Kibaabta kale oo uu ka qoray dhaqanka xun ee qabyaaladu leedahay.
BBC uma suurto gelin inay la hadasho Ibraahim Ciyow oo ka mid ahaa culimada masaajidka Cali Jimcaale.













