Damiin, warqad caafimaad iyo sharuudo kale oo Masjidkan Muqdisho ku xirayo dadka ku ictikaafaya

Xigashada Sawirka, Cabdishuki Haybe
Bisha Ramadaan oo ah bisha ugu khayrka badan bilaha Hijriyada ayaa haddana waxaa cad sida culimadu ay qeexaan in ay sii kala khyar badanyihiin maalmaha kujirira ama saddexda tobanaad ee bisha.
Waa maamlmo ay cibaado u istaagaan malaayiinta muslimiinta ah ee ku kala sugan qaybaha ka duwan ee dunida.
Tobanka dambe oo la xuso in ay yihiin maalmaha ugu khayrka badan bisha Ramadaan isla markaana nala faray in laga dhex raadiyo habeenka fadliga iyo faa’iidada badan ee ‘Laylatul Qadri’, ayaa foodda inaguso heysa.
10 kaan dambo wuu ka fadli badan yahay 20 kii hore sida Qur’aanka iyo axaadiista Nabi Muxamaed Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee ay muslimiintu farayaan iney laba laabaan cibaadadooda., waayo waxaa ku jira habeen ka kheyr badan 1000 bil oo u dhiganta.
Nabiga NNKH iyo asxaabta waxey 10 kaan dambo bixin jireen dadaal aysan bixin 20 kii hore, waxeey ku ictikaafi jireen masjidda oo hooy u ahaa 10 kaas habeen.
Marka lagasoo tago labada tobanaad ee kale, tobanka dambe ee Ramadaan Muslimiin badan ayaa wakhtiga ugu badan ku qaata masaajidda xilli ay cibaadeysanayaan, si gaar ah iyaga oo ictikaafaya.
Magaalada Muqdisho mid kamida masaajidda ugu caansan dalka ahna kan ugu weyn waa masaajidka Cali Jimcaale, dhowaan waxaa kasoo baxay awaamiir lagu kala saarayo dadka ku ictikaafaya masaajidka maadama ay kumanaan qof durba isasoo diiwan geliyeen.

Xigashada Sawirka, Maxamud Cabdicasis
Magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin dad badan ayaa durba waxa ay qaarkood iska xaadiriyeen masaajidka si ay usoo hubiyaan qaabka ay boos uga heli karaan, iyadoo tirade durba ay buux dhaafisay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulka sare ee masaajidka Cali Jimcaale ayaa shuruudo kasoo saaray sida ay dadka u kala saayaan iyada oo tobanka dambe ee Ramadaan ay foodda nagusoo heyso.
Sheekh Cabdikariin Ciise Cali oo ah Imaamka kana mid ah mas’uuliyiinta masaajidka ayaa BBC-da u sheegay, “Maadaama dadka masaajidka soo xaadiraya hadana raba in ay ictikaafaan ay badanyihiin, maamulka masaajidku waxa ay soo saareen shuruudo lagu kala saarayo dadka”.
Ilaa afar shuruuudood oo waaweyn ayuu ka dhawaajiyay Sheekh Cabdikariin, taas oo cidda kasoo bixi weyda aysan awoodi doonin in ay kamid noqoto dadka ku ictikaafacaya masaajidka.
“shuruudda 1-aad waa in qofka ictiraafaya uu yahay qof rag ah, taas micneheedu ma ahan in dumarka laga mamnuucay laakiin masaajidka nooma saamixin in ay ku ictiraafaan Masjidka.
Qodobka 2-aad, waa in qofka ictikaafaya uu yahay qof kaweyn da’da 20-ka sano, taas waxa aan uga dhignay in qofku uu noqdo qof mas’uul ah maadama ay dhallinyarada qaar taleefannada ku mashquulaan ama qaarkood ay maanta dhan wax duubaan taas oo ay dhibsanayaan dadka waaweyn ee ictikaafaya”, ayuu yiri Sheekh Cabdikariin.

Xigashada Sawirka, Cabdishukri Haybe
Dhinaca kale waxa uu sheegay in shuruudda 3-aad ay tahay in qofka ictikaafaya ugu horreyn looga baahanayahay in uu is diiwan geliyo, waxa uu sheegay in barnaamij lasoo dhigi doono dhinaca barta Facebook-gga ee Masaajidka iyada qof waliba looga baahanyahay in uu soo buuxiyo foom xagga ku qoran.
Waxaa xusid mudan in qofka loo oggolaaday in uu kamid noqdo dadka ictikaafaya uu heli doono farriinta gaaban ee ugu dhacaysa taleefankiisa.
“Shuruudda kale ee 4-aad waxa ay tahay in qofka laga helo damiin iyo aqoonsi, taas waxa ay ku timid in meelaha qaar ay ka dheceen in dadka ictikaafaya mararka qaar la dhaco oo taleefannada iyo alaabaha laga aruursado, waxaana loo baahanayahay damiin ah siyaasi ama oday dhaqameed ama ganacsade ama qof mas’uul ah oo la garan karo”, ayuu yiri sheekh Cabdikariin.
Aqoonsiga labada qof ee damiintaha iyo la damiintaha ayaa muhiim ah oo labadaba laga doonayaa sida uu sheegay Sheekha.
Waxaa kale oo jirta in qofka laga doonayo caddeyn ah in uu caafimaad qabo isla markaana uu keeno warqad muujineysa caafimaadkiisa in uu wanaagsanyahay.
Sheekh Cabdikariin ayaa sheegay in Meesha la’isugu imaanayo ay tahay masaajid isla markaana waqti badan la joogayo taasina ay keeneyso in qofkasta la hubiyo caafimaadkiisa si badqabka qofka loo ilaaliyo.
Culimada masaajidka Sheekh Cali Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in qofka Kujira masaajidka ee loo oggolaaday in uu ictikaafo afurkiisa iyo suxuurtiisaba ay kaala qaadeen isla markaana aysan jirin wax looga baahanyahaay.
















