Sida xoolo-raacde Soomaali ah ku helay Dacar ku cusub dunida sayniska

Xigashada Sawirka, Axmed Cawaale
Cilmibaareyaal Soomaali ah ayaa helay nooc dacar ku cusub dunida sayniska oo u gaar ah dhulka Soomaalida ee geeska Afrika.
Dacartan oo aan horey bahda sayniska ugu diiwaan gashanayn waxaa helay nin xoolo-dhaqde Soomaali ah, sida ay tilmaameen cilmibaareyaasha, ninkaas oo wargeliyay saynisyahan Axmed Ibraahim Cawaale.
Dhulka Soomaalida oo ay kooban tahay cilmibaarisyada lagu sameeyay dhirta iyo noolaha waxaa horey looga helay dhir iyo noole nooceedu dhif iyo naadir ka yahay dunida
Waxaa ka mid ah shimbirta loo bixiyay Bulo Burti Bushshrike, nooleha Soomaalidu u taqaan Walo-Sandheer, oo dunida kale ee sayniska na looga yaqaan Somali Sengi, subxaanyo nooceeda aan dunida kale lagu arag, iyo xitaa nooc cusub oo ka mid ah Hangarallaha.
Halka laga helay dacarta Soomaalida ee dunida ku cusub
Sida bartamihii bishaan Maarso lagu daabacay joornaalka cilmiga Sayniska ee Cactus World ee lagu soo bandhigo daraasaddaha la xiriira deegaanka iyo dhirta, Dacartan cusub ayaa lagu sheegay inay ka timid dhir qallalan oo qurax ah oo ku badan deegaanka Cadaadley oo 95km dhanka barri kaga beegan Hargeysa, iyo dhabaha sii mara Buurta Gacan Libaax, oo Axmed Cawaale, oo cilmibaare deegaan ah uu ku tilmaamay inay tahay meelaha ugu quruxda badan Somaliland marka loo eego deegaanka iyo noolaha.
Cilmibaarista lagu soo bandhigay dacartan cusub ee laga helay dhulka Soomaalida waxaa sameeyay saddex cilmi-baare, oo labo ka mid ah ay Soomaali yihiin. Waxaa ka mid ah Axmed Ibraahim Cawaale, oo isla deegaankan toban sano kahor ka helay nooc kale oo dacar cas ah oo ku cusub dunida.
Waxa uu baabuur kaxeynayay meel ka baxsan waddada caadiga ah xilli ku jiray mid ka mid ah safarradiisii badnaa markii uu arkay in ka badan 1,000 geed oo dacar 2014kii.
"Waxay ahayd wax aanan waligey arkin noloshayda," ayuu ku yiri wareysi hore oo uu siiyay BBC. Dhirtan waxay ahayd mid ka duwan dacarta kale midab ahaan. Waxay dadka deegaanku u yaqaaneyn dacarta cas, laakiin ma aysan garaneynin waxa ka duway dacarta kale.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shan sano oo baaris dheer iyo hubin kadib ah oo uu Axmed Cawaale isugu maray xarunta lagu keydiyo dhirta oo dhan ee London ee Royal Botanic Gardens iyo Xarunta boqol iyo labo iyo labaatan jirtka ah ee Barriga Afrika ee lagu ururiyo laguna keydiyo dhirtka Afrika, ayaa sanadkii 2019kii la caddeeyey in tani ay tahay nooc cusub.
“Sannad kasta waxa la helaa wax cusub,” ayuu yiri Cawaale, oo ka tirsan Matxafka Noolaha ee Jaamacadda Hargeysa. Toban sano kadib, waa nooc kale oo dacar oo dunida sayniska ku cusub oo laga helay dhulka Soomaalida oo keliya. Waxay ka dhigeysaa tirada nooca dacarta ah ee u gaarka ah dhulka Soomaalida ilaa afartan jaad, oo aan laga helin meel kale.
“Waxa ay Dacartan uga duwan tahay kuwii horey loo ogaa sida ay ula falgasho ama u dhaqanto xilliga abaarta oo ay soo laabato caleemaha islamarkaas na uu midabkeedu isbedelo, iyo xilliga barwaaqada oo si cajiib ah ay dhulka isugu warto,” ayuu yiri Axmed Cawaale. Waxa uu intaa raaciyay in sidoo kale in dhiicaankeeda ka duwan yahay noocyada kale ee la barbardhigay xilliga barwaaqada iyo abaarta labada ba.
Sidan in xoolo-raacato ah ku helay dacar ku cusub dunida sayniska oo aan horey loo ogeyn

Xigashada Sawirka, Axmed Cawaale
Nin xoolo-raacato ah ayaa bilowgii hore ku arkay dacartan aanu hore u arag meel miyi ah oo reerkiisa dejiyay. Waxay ku beegneyd bartamihii sanadkii 2022kii, marka ninkan xoolo-raacato ah oo wargeliyay Axmed Cawaale oo ku yaqaanay xiisaha iyo xamaasada uu u hayo xogta dhirta iyo deegaanka, iyo dacarta kasoo baxday dhulka daaqsinka xoolahiisa. Halkaas na waxaa ka bilowday sahan baaris iyo daraaseyn hubnaanta in dacarta noocan ah ay dhab ahaantii ka duwan tahay kuwii hore loo yaqaanay.
Waxaa hadda dacartan nooceedu cusub yahay loogu magacdaray Kayse Cali, oo ah xoolo-raacato markii ugu horreysay ku arkay barrin uu dejiyay qoyskiisa. Dacartan waxaa laga helay helay dhulka oomane ah, oo dadka deegaanku u yaqaaniin Geli-darxumo oo lahaa dhir galool u badan, oo ay dhici jirtay in qofka dhex lugaynayaa uu si fudud ugu dhex lumo oo ay dadka deegaa. Waxay soo baxdaa dabayaaqada Sebtembar kadib roobka xilliga Xagaaga iyo kahor inta aan la gaarin xilliga dayrta oo bilowda Oktoobar. Xilliga ugu habboon ee ay soo-saarto abuurka waa inta lagu guda jiro labada toddobaad ee ugu horreeya Noofembar.
Dunida Sayniska waxa ay ugu yeeri doonaan Dacartan Aloe kaysei, si looga mahadceliyo in u-dareen-lahaashiyaha deegaanka iyo indho-indhayntiisa inay keentay in la ogaado noocan cusub ee dacarta. “Magacaabistu waxay qiraysaa ka qayb qaadashada horumarka bulshada deegaanka ee cilmiga,” ayaa lagu yiri cilmibaarista lagu daabacay joornaal cilmiga dhirta iyo deegaanka ee Cactus World.
Faa’iidooyinka ganacsiga ee Dacarta iyo waxa loo adeegsado

Xigashada Sawirka, Axmed Cawaale
Dacartu waa nooc ka mid ah dhirta si weyn loogu isticmaalo daawo ahaan. Waxaa jira ugu yaqaan afar boqol iyo labaatan nooc oo ah dhirta dacarta. Waxaa ka mid ah nooca Dacarta vera, oo ah tan ugu badan ee loo adeegsado daweynta.
Ganacsiga Dacarta waa mid ka mid ah waxyaabaha noocyada suuq ee ugu faa’iidada badan dunida. Dhaqaalaha laga sameeyay suuqa dacarta waxaa sanadkii 2022kii lagu qiimeeyay adduun lacag oo dhan USD 2.46 bilyan oo doolar (Labo bilyan iyo afar boqol iyo lixdan milyan oo doolar).
Waxaa la filayaa in uu balaarto suuqa ganacsiga dacarta, iyadoo laga saadaalinayo in uu gaarayo sanadka 2030 dhaqaale adduun ku dhow shan bilyan oo doolar sanad walba. Waxaa loo adeegsada daweyn iyo waxyaabaha looga hortago cuduro badan, iyada oo ay si xoogan u adeegsadaan warshadaha iyo shirkada ganacsi ee soo saara cuntada, cabitaanka iyo dawooyinka, iyo xitaa warshadaha sameeya waxyaabaha la isku qurxiyo.
Sida lagu faahfaahiyay bogga ka faalooda ganacsiga ee Fortune Business Insights, waxa ugu badan loo adeegsado waa waxyaabaha la isku qurxiyo, sida dawooyinka iyo saliidaha loo adeegsado timaha, daryeelka jirka iyo maqaarka. Waxaa xiga warshadaha soo-saara dawooyinka, iyo kuwa cuntooyinka sameeya oo iyaguna si weyn u adeegsada dacarta.
















