Wali maku qaniinay hangaralaha la yiraahdo Cawaale? Waa kan ninkii magacaas lahaa

Xigashada Sawirka, Kovařík/Lowe/Elmi
Haddii lagu siin lahaa fursad magacaaga loogu bixinayo mid ka mid ah xayawaannada, kolleyba ma aadan dooran lahayn Hangaralle, laakiin Ibraahim Cawaale wuxuu aaminsan yahay in arrintan ay dhiirrigalin siineyso seynisyahannada kale ee Soomaalida.
Seynisyahankan 66 jirka ah ee kasoo jeeda Somaliland waxaa sharfay saddex cilmi baare oo gobolkaas helay nooc cusub oo ka mid ah Hangarallaha, iyagoo ku aqoonsaday shaqadii uu tobannaanka sano u hayay ilaalinta xayawaanka iyo deegaanka.
"Inta badan noocyada laga helay Soomaaliya iyo Somaliland waxaa loogu magac daray deegaanno, dabeecad ay leeyihiin dhir ama xayawaanno ama qof kasoo jeeda Yurub ama Ameerika," ayuu yidhi Ibraahim oo BBC-da wareysi khadka telefoonka ku siiyay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa.
"Laakiin dad badan oo ka mid ah dhalinyarada ku sugan halkan, waxaa dhiirrigalin u noqoneysa in noocan xayawaanka ah lagu magacaabay Cawaale - waxaasoo dhan marka laga soo tagana Hangarallaha Cawaale isaga laftiisuba waaba Soomaali." Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
'Wuu weyn yahay laakiin khatar dhimasho ah ma sababo'

Xigashada Sawirka, Ahmed Awale
Tan iyo qarnigii 19-aad, cilmibaareyaasha tagay dhulka Soomaalida, oo badankood ka socday dalalka reer Yurub, ayaa baarayay cilmiga la xiriira dhirta iyo nooleyaasha ee gobolka, laakiin Cawaale wuxuu doonayaa in la aqoonsado seynisyahannada Soomaalida ah ee hadda howshaas kusoo badanaya.
"Arrintani waxay isbaddal ku sameyneysaa fikirka laga aaminsan yahay bulshada ee ku saabsan burcad-badeednimada, argagixisada, faqriga iyo xasilooni darrada," ayuu yidhi Cawaale.
Hangarallaha magaciisa la siiyay oo dhirirkiisu uu yahay 15cm waa mid weyn oo laga helay dhul oomane ah oo u dhow tuulada Agabara, taasoo qiyaastii 50km (30 meyl) dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Ma aha mid u sun badan sida Hangarallayaasha kale ee ay isku bahda yihiin balse kasii yar yar, maadaama mar walba la aaminsan yahay in midba midka uu ka weyn yahay uu ka sun badan yahay, sida uu sharraxay Cawaale.
Laakiin Hangarallaha Cawaale wuxuu ka mid yahay 50 nooc oo ku nool Somaliland, kuwaasoo qaarkood laga helo dhulka Soomaalida oo kaliya.
Taasi waxay muujineysaa in gobolka uu qani ku yahay xayawaanno aan lagu arki karin meelo kale. Sidoo kale waa meel marti galisa dhir noocyo kala duwan ah. Ugu yaraan 3,000 oo noocyada dhirta ah ayaa laga helay dhulka Soomaalida, 700 oo ka mid ahna waa kuwo khaas ku ah gobolka - tiradaasina way sii kordheysaa.
"Sanad walba wax cusub ayaa la helayaa," ayuu yiri Cawaale, oo isaga laftiisa sanadkii 2014-kii helay nooc cusub oo ka mid ah dacarta.

Xigashada Sawirka, Ahmed Awale
Magaca Cawaale micnihiisu waa qof nasiib leh, waxayna u muuqataa inay taasi u rumowday isaga. Dacarta uu helay wuxuu ku muteystay magac weyn.
Xilli uu ku safrayay meel aan laami ahayn "oo uusan wax aqoon ah u lahayn" balse uu ku marayay mid ka mid ah safarradiisa cilmi baarista ah ayuu mar qura hal meel ku arkay geedo dacar ah oo ka badan 1,0000.
"Waxay ahayd wax aanan waligey horay u arkin," ayuu yiri. Kaddibna wuxuu ku billaabay baadhitaan.
Noocan dacarta ah waxay ka duwan tahay kuwa kale ee laga yaqaanno dunida, dadka deegaankana horay ayey u sii yaqaanneen, waxayna ku magacaabeen "dacar-cas". Laakiin ma aysan ogeyn in ay tahay mid aan dunida inteeda kale laga helin.

Xigashada Sawirka, Ahmed Awale
Cilmi baarista uu ku helay dacartaas waxay ahayd guul taariikhi u ah oo uu waligiis ku haminayay.
Cawaale, oo sanadkii 1954-kii ku dhashay tuulada Cadalaay oo 95km bariga ka xigta magaalada Hargeysa, wuxuu ku noolaan jiray meel u dhow buuraha Gaan Libaax, halkaasoo ka mid ah meelaha ugu quruxda badan Somaliland, marka loo eegayo dhinaca dhirta deegaanka.
Wuxuu kasoo jeedaa qoys xoolo dhaqato ah, laakiin aabihiis, oo dukaan yar ku lahaa tuulada dhexdeeda, ayaa ka bixiyay kharashka uu waxbarashada ku qaatay. Ugu dambeyntiina wuxuu bartay cilmiga beeraha iyo seyniska deegaanka, kaasoo uu ku qaatay Jaamacaddii qaranka ee Muqdisho.










