Maxaad ka taqaan kalluunka iftiima ee ay badda cas magaca kula baxday, ayada oo kaliyana laga helo

Xigashada Sawirka, Biomed Central
Badda cas waa bad u dhaxaysa Afrika iyo Aasiya, waxaana saaran dalal ay ka mid yihiin Masar, Eritrea, Sacuudiga, Urdun, Sudan, Israa'iil, Yemen, Soomaaliya iyo magaalooyin ku yaalla jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Nooc ka mid ah noolaha baddaas laga helo luqadda cilmi-sayniska lagu yiraahdo Trichodesmi iyo Erythrium ayaa mararka qaar midabka badda ka dhiga mid guduudan, taasina waa sababta ay magaca kula baxday Badda cas.
Marka laga yimaado heer kulka aadka u sarreeya iyo cusbada aadka ugu badan badda, badda cas waxay kaloo qani ku tahay nolosha kala duwan ee ka jirta. Kalluunka loo yaqaano kalluunka iftiima ayaa ah mid dhif iyo naadir ah oo baddaas oo kaliya laga helo, waxaana yar in la arko mar kasta.
Sida magacaba ka muuqata wuxuu kalluunkaas iftiin ka soo daayaa jirkiisa, iftiinkaasoo loo yaqaano "Bioluminescence ", waana iftiin ka soo baxa noolaha uu alle u suurto geliyey inay iftiin sii deyn karaan. Tusaale waxaa noqon kara kalluunka loo yaqaano "Angler fish".
Laakinse kalluunnada noocaas ah uma sii daayaan iftiinka inay ku soo jiitaan noolaha ay ugaarsanayaan, ee waxay u sii saayaan inay uga badbaadaan xayawaannada kale ee badda ku jira ee ugaasriga ku nool. Taasi waxay u saamaxdaa kalluunka iftiima ee badda cas inuu iska qariyo wixii weerar ku ah.

Xigashada Sawirka, National Center for Wildlife (NCW), Kingdom of Saudi Arabia

Xigashada Sawirka, National Center for Wildlife (NCW), Kingdom of Saudi Arabia
Qaybaha uu ogsijiinku ku yar yahay ee gunta hoose ee badda ayaa bad-bixiyeennadu waxay u direen qalab iswada (Robot), waxayna la yaabeen wixii ay arkeen oo ahaa kallun fara badan oo iftiimaya.
Goobaha uu ogsijiinku ku yar yahay ee badaha ayaa si fiican cilmi baarid looga sameeyey, gaar ahaan meelaha heerkulkoodu uu dhexdhexaadka yahay, laakin wax badan lagama sii aqoon badda cas iyo meelaha uu ogsijiinku ku yar yahay ee baddaas, sida ay sheegeen baarayaasha daraasaddan sameeyey oo natiijadooda ku soo qoray wargays arrimaha sayniska wax ka qora.
Kooxda oo ay hogaaminaysay Shannon Klein oo ah saynisyahan cilmi baare ka ah xarunta cilmi baarista badda Cas, ayaa baaritaan ku sameeyey qaybo badda ka mid ah oo juquraafi ahaan ah meelo qaab dhismeedkooda uusan ahayn meelo laga helo wax noole ah, lehna heerkul celceliskiisu yahay 22 darajo, qotadoodu dheer tahay, gunta hoosena uusan jirin ogsijiin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka hoos loogu dhaadhaco 619 mitir ayey cilmi baareyaashu ku arkeen jaballo ay ku nool yihiin ilaa nooc ookalluun ahoo ay ku jiraan noocyo ka mid ah kalluunka iftiima. Kalluunkaas waxay baareyaashu sheegeen inuu habeenkii dusha u soo baxo si uu u helo wax uu cuno, ogsijiinna u qaato.
Waxay kaloo ku arkeen 491 mitir badda hoosteeda, kalluun ay garan waayeen waxa uu yahay.
Kooxdu waxay ku sheegeen baaritaankooda inay rumaysan yihiin meelo kale xaaladahaas oo kale laga heli karo inay ka jiri karaan goobaha kale ee kulaalayaasha ku yaalla.
"Baaritaannada lagu sameeyo bii'ada badaha ee guntoodu fog tahay ayaa muhiim u ah in wax laga ogaado inay jiri karaan goobo kale oo ka baxsan badda cas, fahamna laga qaato sida ay ula tacaalayaan isbeddelka cimilada" ayaa lagu yiri natiijada baaritaanka, waxayna intaa ku dareen in diirrimaadka badaha "u sii xojinkaro in biyaha qabow ee badda gunteeda hoose ay dusha u soo baxaan, uuna saameeyo qaabka lakabyada biyaha badda, uuna keeno in uu yaraado ogsijiinka.

Xigashada Sawirka, x
Isla arrintaas waxaa isna BBC u sheegay Shaafici Xuseen Muuse oo ah macallin wax ka dhiga jaamacadda culuunta badda iyo kalluumaysiga ee Berbera. Wuxuu BBC uga sheekeeyey arrimo la mid ah kuwa cilmi baaridda lagu ogaaday.
Laakinse wuxuu isagu sheegayaa in kalluunka marka laga yimaado ay jiraan arrimo kale oo badda cas ay magaca kula baxday.
"Midi waa buuro bariga iyo galbeedka ka xiga baddan oo ah mid xiran, waxayna soo daayaan humaag casaan ah marka ay cadceeddu qabato, laakinse aragtida aad xoogga u leh ayaa ah saaruqa ama xayaabada badda oo aad u tiro badan oo marka ay dhimato ay bakteeriya cunto, taasoo keenaysa in xayaabadii dhimatay oo biyaha dul sabbaynaysa uu midabkeedu casaan isu beddelo marka dusha laga arkayo" ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in kalluunka qaar ay sun leeyihiin, waxaana ka mid ah kuwa iftiinka bixiya qaarkood iyo kalluunka qurux ahaanata guryaha loo dhigto sida uu sheegay Shaafici Xuseen Muuse.













