Nin si qaldan loogu tarxiilay El Salvador oo ay maxkamadda ugu sareysa ee Maraykanku amartay in soo celiyo

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa ku amartay maamulka Trump inuu fududeeyo soo celinta nin u dhashay Maryland oo si qalad ah loogu masaafuriyay xabsi weyn oo ku yaal El Salvador.
Maamulka Trump ayaa qirtay in Kilmar Abrego Garcia loo tarxiilay "khalad maamul", laakiin wuxuu racfaan ka qaatay amar maxkamad degmo oo ah "fududeynta iyo dhaqan gelinta" ku soo laabashadiisa Mareykanka.
Khamiistii, xukun 9-0 ah, maxkamadda sare waxay diiday inay hor istaagto amarka maxkamadda hoose.
Amarkaas "wuxuu u baahan yahay in dowladdu ay 'fududeyso' siideynta Abrego Garcia ee xabsiga El Salvador iyo in la hubiyo in kiiskiisa loo maareeyo sidii ay ahaan lahayd haddii aan si khaldan loo dirin", garsoorayaasha ayaa xukumay sidaas.
Garcia, oo ah soo galooti Salvadorian ah, ayaa ka mid ah daraasiin muhaajiriin ah oo Mareykanka bishii hore saaray diyaarado militari, waxaana loo diray El Salvador gaarahaan Xarunta Xakamaynta Argagaxisada, oo ah xabsi caan ah oo hoy u ah xubnaha burcadda, iyada oo la raacayo heshiiska u dhaxaysa labada dal.
Bayaan uu soo saaray fiidnimadii Khamiista ka dib go'aanka maxkamadda sare, Simon Sandoval-Moshenberg, oo ah qareenka Garcia, ayaa sheegay "in sharciga uu sareeyo".
"Maxkamadda sare waxay taageertay amarkii garsooraha degmada ee ahaa in dawladdu ay Kilmar gurigiisa dib ugu soo celiso."
Racfaankeedii degdega ahaa ee maxkamada sare ee usbuucii hore, maamulka Trump wuxuu ku dooday garsooraha Paula Xinis oo ka tirsan maxkamada degmada Maryland inaysan awood u lahayn inay soo saarto amarka lagu soo celinayo Garcia, iyo in saraakiisha Maraykanku aysan ku qasbi karin El Salvador inay soo celiso Garcia.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qareenka Guud ee Maraykanka D John Sauer ayaa ku qoray gslkiids maxkamadda deg-degga ah: "Dastuurku wuxuu awood siinayaa madaxweynaha, maaha maxkamadaha degmooyinka federaalka, inuu ku dhaqmo diblomaasiyad iyo inuu qaranka ka ilaaliyo argagixisada ajnabiga ah, oo ay ku jirto inuu dhaqangeliyo musaafirintooda."
Isniintii, maxkamadda sare ayaa si ku meel gaar ah u hakisay amarka garsoore Xinis iyadoo eegaysa arrinta, ka hor intaysan soo saarin go'aankeeda Khamiistii.
Khamiistii, maxkamada sare waxay sidoo kale ku amartay xaakim Xinis inay sharaxdo amarkii hore ilaa xadka ay uga baahatay maamulka Trump inuu "saameeyo" soo celinta Garcia, iyadoo raacisay inay ka gudubtay awoodeeda.
"Maxkamadda degmadu waa inay caddaysaa awaamiirteeda, iyadoo tixgelinaysa xaq-dhowrka ay ku leedahay laanta fulinta ee arrimaha dibadda," ayay tiri Maxkamadda Sare.
Afhayeen u hadlay waaxda cadaaladda ayaa BBC-da u sheegay in maxkamadda sare ay si sax ah u aqoonsan tahay "in ay awood gaar ah uu u leeyahay madaxweynaha in uu qabto arrimaha dibadda".
"Iyadoo si toos ah loo xusayo ixtiraamka lagu leeyahay Waaxda Fulinta, xukunkani wuxuu mar kale muujinayaa in garsoorayaashu aysan awood u lahayn inay la wareegaan awoodda Madaxweynaha ee fulinta siyaasadda dibadda."
Dowladda ayaa sheegtay in Garcia uu ku baxay "khalad maamul", inkasta oo ay sidoo kale ku eedeeyeen in uu xubin ka yahay koox burcad ah oo lagu magacaabo MS-13, taas oo qareenkiisu uu diiday.













