Trump oo ku booriyay Turkiga inay joojiyaan iibshashada saliida Ruushka iyadoo Erdogan doonayo diyaaradda F-35

.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku booriyay Turkiga inay joojiyaan saliidda ay ka iibsanayaan Ruushka, taasoo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu joojinayo dhaqaalaha tamarta ee Moscow, iyadoo dagaalka Ukraine uu sii socdo.

Isaga oo ka garab hadlaya madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka dhacay Aqalka Cad, Trump ayaa sheegay in joojinta badeecadaha la soo dhoofiyo ay noqon doonto "waxa ugu wanaagsan" dhiggiisa Turkiga.

Kulanka ka dhacay xafiiska Oval Office ayaa ku dhamaaday iyada oo aan wax ballan-qaad ah laga helin in cunaqabateynta Mareykanka ee laga qaado Turkiga ama in laga iibiyo diyaaradaha casriga ah ee F-35, inkastoo Trump uu rajo ka muujiyay labada arrimood.

Turkiga ayaa sanado badan laga hor istaagay inay iibsadaan diyaaradaha F-35 ee Mareykanka. 2019 kii, waxaa laga saaray barnaamij ay u soo saartay qaybo ka mid ah diyaaradda dagaalka ka dib markii ay ka heshay nidaamyada difaaca hawada ee Ruushka.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Intii lagu guda jiray kulan gaaban oo su'aalo iyo jawaabo ah oo uu weheliyo Erdogan oo ka dhacay Xafiiska Oval Khamiistii, Trump wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in Turkiga uu joojiyo "wax kasta oo saliid ah oo ka soo iibsado Ruushka inta Ruushku sii wado weerarka ka dhanka ah Ukraine".

Waxa ugu wanagsan ee uu samayn karayay waa in aanu Ruushka ka iibsan saliid iyo gaaska", ayuu yidhi Trump. "Haddii uu sidaas sameeyo, taasi waxay ahaan lahayd waxa ugu fiican."

Trump ayaa intaa ku daray in uu aaminsan yahay in Erdogan uu ixtiraamo labada madaxweyne ee Ukraine Volodomyr Zelensky iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, taasoo la macno ah in uu "saamayn weyn ku yeelan karo" dagaalka "haddii uu rabo".

Marka la barbar dhigo Hindiya iyo Shiinaha, Turkiga ayaa ka mid ah macaamiisha ugu weyn Moscow ee dhoofinta saliidda iyo gaasta, waxayna xogtu muujinaysaa in xadiga gaasta Ruushka ee Yurub soo gaadhay Turkiga uu kor u kacay in ka badan 26% horaantii sanadkan.

Hadalka madaxweynaha Maraykanka ayaa imaanaya todobaadyo uun kadib markii uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu cunaqabatayn adag ku soo rogo Ruushka haddii dalalka Nato ay buuxiyaan shuruudo ay ka mid yihiin joojinta saliidda Ruushka.

Horraantii toddobaadkan – intii lagu guda jiray khudbad dheer oo uu ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay – Trump waxa uu sidoo kale ku eedeeyay xulafada Nato in ay "maalgeliyaan dagaalka ka dhanka ah naftooda" iyaga oo tamar ka soo iibsanaya Moscow.

Intii lagu guda jiray muddo xileedkii hore ee Trump , Maraykanku wuxuu Turkiga ka saaray barnaamijka F-35 ka dib markii uu Ruushka ka soo iibsaday gantaalaha S-400 ee hawada.