Wax ka ogoow arrinka muranka ka dhaliyay baraha bulshada Kenya ee sababay in la xiro 17 jir Somali ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliska Kenya ayaa soo xiray Ibrahim Haidar Yusuf, oo 17 jir ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay calanka qaranka Kenya.
Dhacdadan ayaa ka dhacday garoonka Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi maalmo ka hor, iyadoo si weyn uga caraysiisay qaybo ka mid ah shacabka Kenya ee isticmaala baraha bulshada.
Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya mid ka mid ah dhallinyaradaan oo la sheegay in ay Soomaali yihiin oo uu ku istaagayo calanka Kenya, taas oo loo arkay fal "xushmad darro ah" oo ka dhan ah sharafka calanka.
Sabtidii, kooxda kubadda cagta ee Booliska Kenya ayaa garoonka Nyayo kula ciyaartay kooxda Muqdisho City Club, ciyaar saaxiibtinimo oo ay soo agaasintay CAF.
Booliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in falkaasi uu yahay sharci-darro islamarkaana si buuxda uga hor imaanaya qiyamka iyo karaamada ay dal ahaan Kenya leeyahay.
Waxay sidoo kale sheegeen in ay wadaan dadaallo lagu soo qabanayo shaqsigii labaad ee ku lugta lahaa falkaas, iyadoo la aaminsan yahay inuu weli ku sugan yahay gudaha dalka Kenya.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa shalay si rasmi ah raalli-gelin uga bixiyay dhacdadan, isagoo xusay in aysan metelin xukuumadda ama shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, kooxda Muqdisho City Club ayaa sidoo kale muujisay naxdin iyo ka xumaansho ku aaddan falka dhalinyaradu sameeyeen, iyagoo sheegay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen taageerayaal, balse ficilkooda aanu matalin kooxda.
Maxay kooxda Muqdisho City Club horay uga yoraahdeen dhacdada muranka dhalisay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxda Muqdisho City Club ayaa sheegtay in aad uga xun yihiin falka ay ku kaceen dhalinyaradaasi sheegay in ay taageersanayeen kooxdooda.
Guddoomiyaha Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh oo BBC la hadlay ayaa xusay in ay falkaasi u arkaan mid aad u xun islamarkna ay raaligalin ka bixinayan.
Abuukar ayaa farta ku fiiqay in markii uu muuqaalka soo baxay ay aad uga xumaadeen dhacdadaasi.
"Waan ka xumahay dhacdadii ka dhacday garoonka Nyanyo oo ahayd in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku istaaeen calanka Kenya, waxaana ka aragnay oo kali ah baraha bulshada markii aan muuqaalka aragnay-na aad ayaan uga xumaannay annagoo ah maamulka kooxda," ayuu yiri Abuukar.
"Wixii dhacay haddii aan nahay dhammaan umadda Soomaaliyeed waan ka xunnahay raalligalin buuxda ayaan ka bixinaynaa gaar ahaan kooxda Muqdisho City Club waxay raaligalin buuxda siinaysaa kooxda Kenya booliis iyo guud ahaan shacab waynha Kenya dhacdadi ka dhacday garoonka Nyayo waxaan leenahay waan ka xunahay raaligalin buuxdana waan ka bixinaynaa," ayuu yiri Abuukar.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ay la soo sameeyeen xiriirka kubadda cagta ee Caf islamarkaana dhacdadaasi ay ahayd mid si lama filaan ah u dhacday.
Maxay Kenya horay uga tiri dhacdada carada dhalisay?
Madaxa deegaanka ee Ismaamulka Nairobi Geoffrey Mosiria ayaa cambaareeyay falkii ay ku kaceen taageereyaasha Soomaalida ah.
Isagoo ka hadlayay muuqaal lagu wadaagay barta uu ku leeyahay X, Mosiria waxa uu muujiyay niyad jab weyn, isaga oo ku tilmaamay falkaas mid ixtiraam darro ah oo lagu hayo Kenya iyo dadkeeda.
Wuxuu xusay "in kubbada cagtu ay tahay ciyaar midaysa, haddana taageerayaashu waa inay ixtiraamaan astaanta qaranka, gaar ahaan marka lagu martigeliyo waddan shisheeye."
"Waxaa jira waxyaabo aad u sahashan karto kaftan, laakiin waa inaad ixtiraamtaa calanka Kenya, garoonka Nyayo, waxaan ku arkay qaar ka mid ah taageerayaasha Gen Z, qaar ka yimid wadamada deriska ah, oo ku tumanaya calanka Kenya oo xitaa u adeegsanaya siyaabo lagu wiiqayo, taasi waa xushmad la'aan astaan qaran oo ka tarjumaysa midnimadeenna shacab ahaan," ayuu yiri.
Waxaa kale oo uu sheegay in midabbada calanku ay leeyihiin macno weyn ayna tahay in la sharfo, ee aan lagu jeesjeesin.













