Doodda Jimcaha: Muxuu ka dhigan yahay aqoonsiga Dawladda Falastiin?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Dawladaha UK, Australia, Canada iyo Faransiiska ayaa aqoonsaday dawald ay leedahay Falastiin ah, iyadoo waddamo kale la filayo inay sidan oo kale sameeyaan maalmaha soo socda.

Raiisul Wasaaraha UK, Sir Keir Starmer oo ku dhawaaqay aqoonsigan Axaddii ayaa yidhi:

"Marka la eego hawlagallad aragagaxa leh ee sii badanaya Bariga Dhexe, tani tallaabo aanu qaadaynno si aan u sii ilaalinno rajada nabadda iyo xalka laba-dowladood. Taasoo la micno ah Israa'iil oo nabad ah oo ammaan ah iyo dawlad Falastiin ah oo madax-bannaan."

Raiysaawsaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa ka digay oo ku tilmaamay in go'aannadaasi ay yihiin abaalmarin loo fidinayo "argagixisada bahalnimada ah ee Xamaas." Dawladda Mareykanka ayaa sidoo kale si adag uga hor timid aqoonsigan.

Muxuu yahay aqoonsigaasi? Maxaase isbeddel ah oo uu keeni karaa?

Muxuu ka dhigan yahay aqoonsiga Dawladda Falastiin?

Falastiin waa dawlad jirta oo aan haddana jirin.

Waxay haystaa aqoonsi caalami ah oo weyn, safaarado ayaa u furan. Wakiillo ayaa dibadda u jooga. Waxay leedahay kooxo ka qeyb gala tartamada cayaaraha caalamiga ah oo ay ku jirto Olombikada.

Laakiin sababo la xiriira khilaafka dheer ee kala dhexeeya Israa'iil, Falastiin ma laha xuduudo si caalami ah loo wada oggol yahay, caasimad rasmi ah iyo ciidan u gaar ah.

Sidoo kale, qabsashada militari ee Israa'iil ku hayso Daanta Galbeed, Maamulka Falastiin — oo la aasaasay kaddib heshiisyadii nabadeed ee 1990-meeyadii si buuxda uga ma taliyo dhulkaasi. Marinka Qasa oo ay Israa'iil sidoo kale haysato waxaa ka socda dagaal burbur ba'an geystay.

Maaddaama Falastiin tahay dawlad aan buuxin dhammaan shuruudaha dawladnimada, aqoonsiga ay helayso wuxuu si dabiici ah u noqonayaa mid keliya astaa ah.

Laakiin taas qudheeda ayaa loo arkaa in ay tahay mid weyn. Sida uu ku sheegay khudbad uu ka jeediyay Qaramada Midoobay bishii July, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda UK, David Lammy:

"Britain waxaa saaran mas'uuliyad gaar ah oo ah in ay taageerto xalka labada dowladood."

Asakar I(ngiriis ah, sannadkii 1948

Xigashada Sawirka, Bettmann via Getty Images

Qoraalka sawirka, Asakar I(ngiriis ah, sannadkii 1948
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bayaankii Balfour ee sannadkii 1917 oo uu saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Arthur Balfour waxa lagu caddeeyay aasaasidda deegaan hoy u ha dadka Yuhuudda ah."

Dadka taageersan Israa'iil waxay marar badan tilmaamaan in Lord Balfour aanu si cad u xusin Falastiiniyiinta ama aanu wax ka oran xuquuqdooda qarannimo.

Laakiin dhulka horey loogu yaqaannay Falastiin, kaasi oo Britain ay maamulaysay iyadoo loo marayo oggolaansho ka yimid Ururkii Qarammada intii u dhaxaysay 1922 ilaa 1948 ayaa muddo dheer loo arkayay arrin caalami ah oo aan weli si buuxda loo xallin.

Israa'iil ayaa la aasaasay sannadkii 1948, balse dadaalladii lagu dhisayay dawlad la mid ah oo Falastiin ah way fashilmeen, sababo badan dartood.

Sida uu sheegay Lammy, siyaasiyiintu "waxay la qabsadeen in ay si fudud u yiraahdaan 'xalka labo-dawladood'."

Eraygaasi wuxuu tixraacayaa qorshaha lagu abuurayo dawlad Falastiini ah oo ka dhalata Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, iyada oo si guud loogu salaynayo xuduudihii jiray ka hor dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee 1967, islamarkaana Qudusta Bari oo Israa'iil qabsatay dagaalkaas kaddib loogu talagalay in ay noqoto caasimadda Falastiin.

Xasan Xundubeey

Xigashada Sawirka, ,

Xasan Xundubeey Jimcaale oo ah khabiir ka faallooda arrimaha Carabta iyo Bariga Dhexe ayaa BBC-da uga warramay ayaa yidhi:

"Horta Falstiin aqoonsigeedu ma cusba. Tan iyo 1988-kii, dawlado badan ayaa qoonsaday. Ha se ahaatee, tani waxa ay wax ka beddelaysaa dawladihii markii hore diiddanaa ee Israa'iil wax walba ku daba socday ayaa hadda ku soo biiray. Dawlado kale oo Israa'iil aad ugu dhawaa oo Reer yurub u badnaa ayaaiyaguna mowqifkooda wax ka beddela. Shan dawladood oo haysta codka diidmada qayaxan, afar ka mid ah ayaa hadda aqoonsan. "

Dhinaca kale, Dr.Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) ayaa BBC-da uga warramay waxa uu Falastiin uga dhigan tahay.

"Waxyaabaha aqoonsia Falastiin ku cusub waa in ay aqoonsadeen dawladihii lagu tirinayay in ay jiraan dhinaca Israa'iil. Dagaalladii hadda ugu dambeeyay ayaa iyaguna arrintan soo dedejiyay. Dhacdo kale, waa cadaadisyo kaga imanaya shacabkooda, maaddaama ay yihiin dawlado dimuqraadi ah oo cod uga baahan shacabka."

Yaa dawlad ahaan u aqoonsan Falastiin?

Falastiin waxaa hadda aqoonsan ku dhowaad 75% waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee tiradoodu tahay 193.

Gudaha Qaramada Midoobay, Falastiin waxay k atahay kor-joogto taas oo u oggolaanaysa in ay ka qaybqaadato shirarka iyo hawlaha kale ee Qaramada Midoobay, balse ma laha xaquuqda cod-bixinta.

Iyada oo ay hadda Britain iyo Faransiisku aqoonsadeen Falastiin, waxay dhawaan heli doontaa taageerada afarta ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Shiinaha iyo Ruushka labaduba waxay Falastiin aqoonsadeen sanadkii 1988.

Washington waxay aqoonsan tahay Maamulka Falastiiniyiinta, oo uu haatan hoggaamiyo Maxamuud Cabbaas, tan iyo markii la aasaasay bartamihii 1990-meeyadii.

Tan iyo markaas, madaxweynayaal badan oo Maraykan ah ayaa muujiyay taageeradooda ku aaddan in mustaqbalka la dhiso dawlad Falastiini ah. Laakiin Donald Trump ayaa isagu qaba dood taasi ka duwan.

Intii uu xilka hayay labadiisii muddo-xileed, siyaasadda Maraykanka waxay si weyn ugu janjeertay dhinaca Israa'iil.