Booliiska Dubai oo soo xiray madaxii ka ganacsiga galmada ee ay BBC-du kashiftay

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Charles Mwesigwa [gudaha looga yaqaan Abbey] oo uu duubay weriye sir ah oo iska dhigaya qabanqaabiye xaflad
    • Author, Runako Celina
    • Role, BBC Eye Investigations

Digniin: Waxaa ku jira macluumaad iyo qeexitaanno falal galmo oo aad dhibsan karto.

BBC-da ayaa fahansan in maamulaha shabakad ka ganacsiga galmada oo xun oo ka faa'ideysan jirtay haweenka nugul ee xaafadaha Dubai ugu quruxda badan lagu xiray Imaaraadka Carabta.

Charles "Abbey" Mwesigwa, oo lagu aqoonsaday baaritaan ay dhawaan BBC-du sameysay inuu maamulo shabakadda, ayaa laga duubay muuqaal isagoo u sheegaya wariye sir ah inuu haweenka ugu keeni karo xaflad galmo ah qiimahooduna yahay $1,000 (£ 750).

Waxa uu sidoo kale sheegay in haweenku ay u sameyn karaan "wax walba oo aad u qurux badan" macaamiishu waxay rabaan wuxuuna sidoo kale sheegay inuu ahaa darawalkii hore ee baska London.

Ma cadda xukunka – haddii ay lagu helo dacwadda – uu Mwesigwa ku wajahayo Imaaraatka Carabta iyadoo mas'uuliyiinta dalkaasi aysan weli si cad uga hadlin kiiskan.

Balse shirkad dhanka sharciga ah oo Dubai ka shaqeysa oo BBC-da la xiriirtay ayaa sheegtay in ay heleen xaqiijin ah in Mwesigwa uu ku xiran yahay xabsiga dhexe ee Al-Awir, Dubai.

Waxay sheegeen in ogeysiis cas uu Mwesigwa ka soo saaray booliiska Interpol ee Uganda.

Ogeysiiska cas waa codsi ku socda bilayska adduunka oo dhan si ay u qabtaan qof sugaya soo gacan-gelin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Safaaradda Uganda ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa toddobaadkii hore soo saartay bayaan ay ku sheegtay in baaritaannada la xiriira tahriibinta dadka ay socdaan, tallaabona ay ka qaadeen mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

BBC-da ayaa fahansan in hadalkaan uu la xiriiro xarigga Mwesigwa.

Baaritaanka BBC-da laanteeda caalamiga ah ayaa waxaa marqaati ka ahaa gabdho u dhashay dalka Uganda oo sheegay in ay u safreen magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta iyaga oo loo ballan qaaday shaqooyin iyo fursado, balse ay isku arkeen iyagoo ku dhex jira shaqadan ka ganacsiga jirka.

Xaaladaha qaarkood, haweenku waxay sheegeen inay aaminsan yihiin inay u socdaalayeen Imaaraadka si ay uga shaqeeyaan meelo ay ka mid yihiin dukaamada waaweyn ama hoteellada. Dubia waa sharci darro ka ganacsiga jirka.

Mid ka mid ah macaamiisha Mr Mwesigwa ayaa si joogto ah u codsado in uu haweenka ku dul saxaroodo, sida ay sheegtay "Mia", oo aan magaceeda beddelnay si aan u ilaalino aqoonsigeeda.

Mr Mwesigwa wuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu ka caawiyo haweenka in ay helaan hoy iyada oo loo marayo milkiilayaasha guryaha, iyo in haweenka ay u raacaan xafladaha maaddaama uu yahay nin xiriir adag ku leh Dubia.

"Waan kuu sheegay keliya waxaan ahay qof jecel xafladaha oo dadka lacagaha badan kharash gareeya ku casuuma miisaskeyga, sidaa darteed gabdho badan ayaa kusoo qulqula halkan taasi waa taas," ayuu intaa raaciyay.

Baaritaanka BBC ayaa sidoo kale lagu ogaaday labo haween oo lala xiriirinayo Mwesigwa, Monic Karungi iyo Kayla Birungi, kuwaasoo geeriyooday kadib markii ay kasoo dhaceen dabaqyo sare.

Monic

Xigashada Sawirka, Family handout

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah haweenka geeriyooday, Monic Karungi, ayaa Dubai uga timid galbeedka Uganda

In kasta oo dhimashadooda loo xukumay inay is-dileen, haddana saaxiibbadood iyo qoyskoodu waxay dareemayaan in booliisku ay ahayd inuu baaritaan dheeraad ah sameeyo.

Mwesigwa ayaa sheegay in shilalkaas ay baaritaan ku sameeyeen booliiska Dubai, wuxuuna naga codsaday inaan la xiriirno si aan xog uga helno. Kama aysan jawaabin codsigii BBC-da.

Doodo badan oo ku saabsan baaritaanka ayaa toddobaadkii hore ka dhacay baarlamaanka Uganda, iyadoo wasiirradu ay ku tilmaameen mid dhibaato ah, waxayna ballan qaadeen inay kala shaqeynayaan booliiska caalamiga ah ee Interpol si loo xaqiijiyo caddaaladda.