Muxuu yahay xanuunka sababa in dad waaweyn uu damac ka galo carruurta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Abdinasir Ali
- Role, BBC Somali
Soomaaliya, intii u dhaxaysay Oktoobar 2019 ilaa Sebtembar 2021, waxaa la xaqiijiyay 701 kiis oo kufsi iyo xadgudubyo galmo kale ah oo lala beegsaday carruurta, sida ay sheegtay warbixin ay soo saartay Xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan.
Xadgudubyada galmo ee carruurta loo gaysto wiilal iyo gabdhaba, waa dhibaato caalami ah oo dalal badan laga soo wariyo. Sida UNICEF ay ku sheegtay warbixin ay soo saartay bishii Oktoobar 2024, siddeedii gabdhoodba dunida mid ka mid ah ayaa la kulanta kufsi ama tacaddi kale oo jinsi ah.
Tiradan ayaa kasii badan waddamada ka hooseeya Saxaraha ee Afrika, halkaas oo 79 milyan oo gabdho ah laga diwaangaliyay in ay la kulmeen tacaddiyo galmo kahor intii aysan gaarin da'da 18 jir.
Dhanka wiilasha, sida laga soo xigtay WHO, si guud dunida mid ka mid ah 13-kii nin oo qaangaar ahba waxaa laga qoray inuu la kulmay xadgudub galmo carruurnimadiisii. Balse, waxaa la rumeysan yahay in tirada dhabta ah ay ka badan karto tan la soo sheego, maadaama wiilasha ay inta badan ka gaabsadaan inay soo gudbiyaan xadgudubyada loo geysto.
Su'aasha dad badan isweydiinayaan ayaa ah: maxaa sababa in dad waaweyn ay damcaan caruurta? Ma cudur maskaxeed baa mise dhaqan? Ma la daweyn karaa, mise waa la dhimasho?
Qormadan, waxaan ku eegaynaa waxa keena xanuunka sababa in caruurta qof weyn damco, kaas oo la yaqaano pedophilia, iyo tallaabooyinka wax looga qaban karo.
Waa maxay Pedophilia, maxaase sababa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida uu Ururka Mareykanka ee Cilmi-nafsiga (APA) ku qeexayo buuggiisa DSM-5, pedophilia waa xanuun dhanka maskaxda ah oo lagu garto dareen galmo oo joogto ah ama soo noqnoqda oo uu qof weyn u qaado carruur ka yar da'da qaangaarka, badanaa kuwa ka hooseeya 13 jir.
Si qof loogu tilmaamo pedophile, waa inuu ugu yaraan 16 jir yahay oo uu shan sano ka weyn yahay carruurta uu danaynayo. Saas oo ay tahay, waxaa muhiim ah in la kala saaro dad qaba dareenka pedophilia iyo kuwa ku dhaqma xadgudubyada galmo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa lasoo wariyay inaysan dhammaan dadka qaba xanuunkan aysan galin fal-dambiyeed.
Cilmi-baarayaashu wali ma helin hal sabab oo caddeynaysa waxa keena pedophilia, balse daraasado kala duwan ayaa tilmaamaya dhowr arrimood oo isku dhafan. Waxaa ka mid ah arrimaha maskaxeed iyo hiddo-sidaha qofka, taariikh nololeedkiisa iyo waayo-aragnimo hore oo uu la kulmay, ama dhibaato la xiriirta xakamaynta dareenka galmada.
Dad badan oo qaba pedophilia waxay leeyihiin qaab-dhismeed neerfayaal maskaxeed oo ka duwan kuwa dadka caadiga ah, taas oo saameyn ku yeelan karta rabitaankooda.
Cilmi-baarisyo ayaa tilmaamaya in dad badan oo qaba xanuunkan ay horey u soo mareen xadgudubyo galmo markii ay carruur ahaayeen, taasoo saameyn ku yeelata sida ay u arkaan dareenkooda galmo.
Qaar ka mid ah dadka qaba dareenka pedophilia waxay sidoo kale la kulmaan xakameyn la'aan dhanka maskaxda ah, taasoo sare u qaadi karta rabitaankooda.
Sababaha keena inay dadkan ficil u beddelaan dareenkooda waxaa ka mid ah fursadaha ay u helaan ilmo la dayacay iyo jilicsanaanta nidaamyada ilaalinta carruurta ee ka jira deegaanada ay ku nool yihiin.
Carruurta aan si fiican loo ilaalin oo aan lahayn qof waalid ah ama kuwa nolol adag ku nool ayaa si sahlan ugu nugul dhibaatooyinka xadgudubka galmo.
Qaar ka mid ah shakhsiyaad xadgudubkan sameeyay ayaa qiimeentoodii cilmi-nafsi ay muujisay in marka ay dareemaan ilmaha xakameyntooda isku dhiiba ay baahi xooggan gasho, taasoo keenta inay ku kacaan falalka foosha xun.
Sidee looga hortagi karaa xadgudubyada?
Dhibaatada pedophilia waxay leedahay cawaaqib aad u culus, gaar ahaan qofka lagu xadgudbo. Carruurta wajahay dhibaatada damaca qofka weyn, waxay la kulmaan culeysyo nafsi ah sida walwal dhaxal-galeen ah, niyad-jab, iyo PTSD xaalada loo yaqaano.
Qaar badan oo ka mid ah carruurta lagu xadgudbay yaraantoodii ayaamarka ay weynaadaan la kulma dhibaatooyin xiriir iyo kalsoonida naftooda ay ku qabaan inay raadsadaan lamaane.
Bulshooyinka ay dhibaatadani ku badan tahay waxay la kulmaan khasaare naf iyo maal leh, waxaana hoos u dhac ku yimaada kalsoonida guud ee bulshadu ku qabaan ilaalinta carruurtooda.
Xalka ugu weyn ee lagu xakameyn karo Pedophilia, waxaa ka mid ah sharciyo adag, wacyigelin, waxbarasho, iyo daaweyn nafsi ah oo lagu sameeyo qofka lagu helo xaaladan.
Bulshada waa in la baro khatarta ay leedahay pedophilia iyo sida carruurta looga ilaaliyo. Dowladahuna waa inay hirgeliyaan sharciyo adag oo ciqaab culus saaraya dadka xadgudubyada geysta.













