BBC-da oo fashilisay madaxa ka ganacsiga galmada ee Dubai

- Author, Runako Celina
- Role, BBC Eye Investigations
Digniin: Waxa ku jira qoraalka waxyaabo naxdin leh iyo sharraxaadyo sawirro leh oo ficillo galmo ah
Baadhitaan ay samaysay BBC ayaa lagu ogaaday nin maamulayay shabakad galmo oo ka dhex shaqaynaysay xaafadaha ugu quruxda badan Dubai, isla markaana ka faa'iidaysanayey haween dhibban.
Charles Mwesigwa, oo sheegay in uu yahay darawal hore oo bas ku wadi jiray London ayaa u sheegay weriyahayaga qarsoon in uu haween keeni karo xaflad galmo oo qiimihedu ka bilaabanayso $1,000 (£740), isaga oo intaas ku daray in qaar badan ay samayn karaan "badi wax kasta" oo macaamiishoodu ka doonayaan.
Warar xan ah oo ku saabsan xafladaha galmada ee Imaaradka Carabta ayaa soo soo jiitamayay sannado badan. Weedha #Dubaiportapotty ayaa la sheegay in in ka badan 450 milyan oo jeer laga daawaday TikTok. Waxa halkaas ku jira sheekooyin mala-awaal ah oo ku saabsan haween lagu eedeeyay in ay yihiin kuwo lacag ka sameeya galmada.
Baadhitaankayaga BBC World Service ayaa lagu ogaaday in xaqiiqadu ay xitaa ka sii madow tahay inta la og yahay.
Haween dhallinyaro ah oo Ugandan u dhashay ayaa noo sheegay in aanay filaynin in ay samayn doonaan galmo lacag looga qaato Mr Mwesigwa. Qaarkoodna waxay aamminsanaayeen in ujeedadada ay u tagayaan Imaaraadku ay tahay si ay uga shaqeeyaan meelo ay ka mid yihiin supermarket-yada ama hoteellada.
Mid ka mid ah macaamiisha Mr Mwesigwa ayaa si joogto ah u codsado in uu haweenka ku dil saxaroodo, sida ay sheegtay "Mia", oo aan magaceeda beddelnay si aan u ilaalino aqoonsigeeda.
Mr Mwesigwa wuu beeniyay eedeymaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu ka caawiyo haweenka in ay helaan hoy iyada oo loo marayo milkiilayaasha guryaha, iyo in haweenka ay u raacaan xafladaha maaddaama uu yahay nin xidhiidh adag ku leh Dubia.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaan sidoo kale ogaannay in laba haween ah oo ku xidhan Mr Mwesigwa ay dhinteen, iyagoo ka soo dhacay guryo dhaadheer. Inkastoo geeridooda lagu raad-gatay in ay is dileen. Saaxiibbada iyo qoysaska dadkaasi waxay dareemayaan in booliisku ay ahayd inay baadhitaan dheeraad ah sameeyaan.
Mr Mwesigwa wuxuu sheegay in dhacdooyinkan ay baadhitaan ku sameeyeen booliiska Dubai waxaana uu naga codsaday in aan xidhiidh la sameynno si aan xog uga helno. Laakiin kama ay jawaabin codsigayagii aan u dirnay.
Mid ka mid ah haweenkii naftooda ku waayay Dubia oo la yidhaahdo Monic Karungi, ayaa markeedii hore ka timid galbeedka Uganda.
Waxay is aragtay iyada oo guri la wadaagaysa dhowr iyo toban haween ah oo kale ah oo u shaqeynayay Mr Mwesigwa, sida ay sheegtay mid ka mid ah haweenkaas, oo aan ugu yeedhnayno Keira. Gabadhaasi waxay sheegtay in ay Monic halkaas kula nooleyd 2022.
"[Goobtiisu] waxay u ekeyd suuq oo kale... Waxaa joogay ilaa 50 gabdhood. Ma aanay faraxsanayn sababtoo ah waxa ay la kulantay ma ahayn waxii ay filaysay," Keira ayaa noo sheegtay sidaasi.
Monic waxay u maleyneysay in shaqada Dubai ay noqon doonto ka shaqaynta supermarket, sida ay sheegtay walaasheed Rita.
Monic waxay Mr Mwesigwa ku lahayd lacag ka badan $27,000 (£19,918) dhowr, sida uu sheegay qof qaraabadeeda ka mid ah aan ugu yeedhayno magaca Michael. Wuxuu intaas ku daray in ay u soo diri jirtay codad murugo leh.

Xigashada Sawirka, Family handout
Mia waxay noo sheegtay in macaamiishu ay u badnaayeen Yurubiyaan caddaan ah, waxaana ku jiray rag leh damacyo xad dhaaf ah.
"Waxaa jira macmiil. Wuxuu ku dul saxaroodaa gabdhaha. Marka uu saxaroodo ku yidhaahdaa cuna saxarada," ayay si hoose u u tidhi.
Haweenay kale oo aan ugu yeedhayno magaca Lexi ayaa sheegtay in shabakad kale ay khiyaantay ayaa sheegtay in codsiyada "porta potty" ay ahaayeen kuwo soo noqnoqda.
"Waxaa jiray macmiil yidhi: 'Waxaan ku siinayaa 15,000 oo Dirhamka Imaaraadka Carabta ah ($4,084, £3,013) si aan koox ahaan kuugu kufsanno, kaadina wejigaaga ugu saydhinno oo aan kuugu darno 5,000 ($1,361, £1,004)'" si lagaaga duubo oo cunaya saxaro.
"Mar kasta oo aan dhaho ma jecli in aan taas sameeyo, waxay u muuqatay in ay sii xiiseynayaan. Waxay rabaan qof ooyi doona oo qaylin doona oo carari doona. Qofkaas [indhahooda] waa in uu ahaadaa qof madow ah."
Lexi waxay sheegtay in ay isku dayday in ay caawimaad ka hesho dadka kaliya ee ay u maleyneysay in ay faragelin karaan arrintan oo ah booliiska. Laakiin waxay sheegtay in ay ku yiraahdeen: "Idinka Afrikaanka ah aya midba midka kale dhibaato u gaystaa. Ma doonayno in aan galno arrintan."
Eedeyntan ayaan u gudbinnay booliiska Dubai wayna ka jawaabi waayeen.
Lexi ugu dambeyntii way ka baxsatay waxayna ku laabatay Uganda. Haddana waxay caawisaa haweenka ku jira xaalado la mid middii ay soo martay.

In la helo Charles Mwesigwa ma fududayn. Waxaan kaliya ka heli karnay hal sawir oo intenet-ka ku jira- oo dhabarka dambe laga sawiray. Waxa kale oo uu baraha bulshada ku isticmaalaa magacyo badan oo ku kala duwan.
Laakiin iyada oo la adeegsanayo sirdoon furan, cilmi baaris qarsoon, iyo macluumaad ka yimid xubin hore oo ka mid ah shabakaddiisa, waxaan ka baadi goobnay xaafad ku taalla badhtamaha Dubai oo la yidhaahdo Jumeirah Village Circle.
Si aan u xaqiijinno waxa ay ilo-wareedyadu noo sheegeen oo ku saabsan ganacsigiisa - keenista haweenka galmada looga faa'iidaysto- waxaan u dirnay wariye qarsoon oo iska dhigaya qabanqaabiyaha munaasabadaha oo haweenka u soo kaxeeya xafladaha heerka sare ah.
Mr Mwesigwa wuxuu u muuqday mid deggan oo kalsooni qaba markii uu ka hadlayay ganacsigiisa.

"Waxaan haynnaa ilaa 25 gabdhood," ayuu yiri. "Qaar badan ayaa maskax furan waxay qaban karaan wax kasta."
Wuxuu sharraxay in habeenkii gabadh walba ay ku baxdo kharash lacageed oo ka bilaabanaya $1,000 (£738), laakiin ay jiraan waxyaabo waalli ah oo fulinayaan". Wuxuu "habeen tijaabo ah"ku casuumay weriyahayaga.
Markii la weyddiiyay "Dubai porta potty" wuxuu ku jawaabay: "Waan kuu sheegay, waa hawlgal maskax furnaan. Markaan dhaho maskax furan... waan kuu soo diri doonaa kuwa ugu waalan ee aan haysto."
Intii uu socday wadahadalku, Mr Mwesigwa wuxuu sheegay inuu ahaan jiray darawal bas oo London ka shaqeeya. Waxaan aragnay caddeymo xirfadaas muujinaya iyo dukumeenti rasmi ah oo yaalla bariga London sannadkii 2006.
Waxa uu weriyahayaga u sheegay sida uu jecel yahay ganacsigan.
"Xitaa haddii aan ku guuleysan lahaa bakhtiyaa-nasiib hal milyan oo ginni ah, waxaan sii wadi lahaa hawshan... waxay noqotay qayb ka mid ah naftayda."
Troy oo ah nin sheegay in uu ahaan jiray maamulaha hawlgallada shabakadda Mr Mwesigwa, ayaa na siiyay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida hawshan loo maamulo.

Wuxuu sheegay in Mr Mwesigwa uu lacag siiyo ilaalada dhowr ka mid ah goobaha cawayska si ay haweenkiisu soo galaan si ay ula kulmaan macaamiisha.
"Waxaan maqlay noocyo galmo ah oo aan waligey arkin nolosheyda. [haweenku] ma haystaan waddo ay ku baxsadaan… Waxay la kulmaan fannaaniita, waxay la kulmaan ciyaartoyda kubadda cagta, waxay la kulmaan madaxweynayaal."
27-kii Abriil 2022, Monic waxay soo dhigtay sawir selfie ah oo ay ka qaaday Al Barsha oo ah xaafad ay ku yaallaan guryo caan ka ah dadka ajaanibta ah ay deggan yihiin oo ku taalla Dubai. Afar maalmood kaddib, way dhimatay. Waxay joogtay Imaaraadka muddo afar bilood ah oo keliya.
Sida ay sheegtay Mia, Monic iyo Mr Mwesigwa waxay si joogto ah u murmayeen muddadii ay bixi lahayd ka hor. Mia waxay sheegtay in Monic ay diidday in ay raacdo dalabaadka Mr Mwesigwa ayna heshay waddo ay uga baxdo shabakaddiisa.

Xigashada Sawirka, Instagram
Michael oo qaraabo l ah gabadhaasi waxa uu sheegay in uu ku sugnaa Imaaraadka xilliga ay dhimatay, waxaana uu sheegay in uu isku dayay in uu jawaab u helo arrintaasi.
Booliisku waxay u sheegeen in ay joojiyeen baaritaankooda, ka dib markii ay ka heleen daroogo iyo khamri ay ka heleen guriga Monic ka soo dhacday, iyada oo raadadka farahaheedu ay ka sii muuqdeen balakooniga gurigaasi ayaa uu yiri.
Wuxuu ka helay cisbitaalka shahaadada dhimashada Monic, laakiin kuma aanay xusin sida ay u dhimatay. Qoyskeeduna ma aanay awoodin in ay helaan warbixin arrintaasi ku saabsan.

Xigashada Sawirka, Instagram
Qoyska Monic in ay hadda murugaysan yihiin ka sakow, waxa jirta cabsi kale oo ay qabaan qoysas kale oo ka walaacsan in ay la kulmi karaan xaalad tan la mid ah, haddii waxba laga qaban waayo.
"Dhammaanteen waxaan indhaha ku haynnaa dhimashada Monica," ayuu Michael noo sheegay. "Laakiin yaa u jooga gabdhaha kale ee weli nool? Weli way joogaan. Weli waa dhibaataysan yihiin."
BBC ayaa ka codsatay Charles "Abbey" Mwesigwa inuu ka jawaabo dhammaan eedeymaha soo jeediyay ee baadhitaanka ku jiray. Wuu beeniyay in uu maamulo shabakad galmada sharci darro ah.
Wuxuu yiri: "Kuwani dhammaantood waa eedeymo been ah.
"Waan kuu sheegay in aan ahay qof xafladaha uun ah oo ku marti qaadaya lacagaha badan haysta, sidaas darteedna ay gabdho badan u soo yaacaan miiskayga. Taas ayaa iga dhigtay in aan gabadho badan is baranno. Waa intaas uun."
Waxa kale oo uu yiri: "[Monic] waxay u dhimatay baasaboorkeeda, maaddaama aan qofna rabin in uu dalbado iyada oo uu lacag ku bixiyo. Ka hor dhimashadeeda, waxa iigu dambaysay in ka badan afar ilaa shan toddobaad.
BBC ayaa la xiriirtay Saldhigga Booliiska Al Barsha si ay u codsato in ay arkaan faylalka kiisaska Monic Karungi iyo Kayla Birungi. Kama aanay jawaabin codsigaas iyo eedeymaha ah in dhimashada Monica iyo Kayla aan si sax ah loo baadhin.
BBC ma aanay awoodin in ay hesho wax warbixinno sun ah oo la xiriirta Monic Karungi, iyp in ay la hadasho milkiilaha guriga ay degganayd markii ay dhimatay.














