Caabuqyada galmada la isugu gudbiyo: "Sida aan ilmahayga iyo guurkeyga ugu waayay"

Haweeney uur leh ayaa ogaatay inuu ku dhacday caabuqa galmada lagu kala qaado (STI) xilli ay foolaneyso taas oo sababtay inay waydo ilmaheeda.
Khibraddeeda naxdinta leh ka dib, Lorraine (ma ahan mageceeda runta ah), degan England, waxay bilowday olole ay ku dalbanayso baarista khasabka ah ee caabuqa galmada lagu kala qaado.
Lorraine waxay bilawday ololaheeda wakhti iyada lafteedu uu ku dhacay caabuqa oo aanay ka war hayn ilaa ay aragtay ilmaheeda oo dhintay iyada oo arkaysa sababo la xiriira dhalmo degdeg ah oo timaadday ka hor xilligeedii.
Lorraine, oo ka soo jeeda Galbeedka Yorkshire, waxay uur yeelatay bishii Juun ee sannadkii hore, wax walbana si fiican ayay u socdeen intii ay uurka lahayd. Laakin maalin ayaa waxaa si lama filaan ay u dareentay dheecaan ka soo baxaya xubinteeda taranka.
Dhakhaatiirtu waxay u maleeyeen inay qabto caabuqa kaadi mareenka (UTI), laakiin todobaadkii 18-aad ee uurkeeda, xaaladeeda ayaa ka sii dartay, xanuunkeedana wuxuu noqday mid aan loo dulqaadan karin.
Lauren waxaa isbitaalka geysay hooyadeed iyadoo aad u murugaysan, dhakhaatiirta ayaa u sheegay in aysan awoodi doonin in ay badbaadiyaan ilmaheeda, haddii Lauren ay dhali weydona ay dhici karto in ay nafteeda weyso.

Inantii yarayd ayaa la tusay ka dib markii ay dhashay, walina way nooleyd.
"Waxay dhalatay iyadoo nool oo biyo ku dhex jirta," ayay tiri Lorraine. Waxay nuugeysay suulka oo si joogto ah ayay u dhaqaaqeysay. Waxay neefsanaysay iyada oo aan la caawin waxayna sidoo kale si joogto ah u dhaqdhaqaajineysay gacmaha iyo lugaha.'
Lorraine waxay ku andacoonaysaa inay ninkeeda ka qaadday xanuunka jabtada ah laakiin la ogaaday kaliya markay gabadhooda si degdeg ah u umushay keliya iyadoo 18 toddobaad mareysa.
Waa in la ogaadaa in saddexda cudur ee faafa ee haweenka uurka leh ee hadda laga baaray ay ka mid yihiin cagaarshow B, HIV iyo waraabowga (Syphilis).
"Waxa aan waayay ilmahaygii, guurkaygii wuu dhammaaday, xitaa waan waayay nolosheydii," Lorraine ayaa tiri.
Ololaha baaritaanka caabuqa galmada lagu kala qaado ee haweenka uurka leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dhalashada iyo dhimashada ilmaheeda dhiciska ah, Lorraine ayaa loo sheegay arrinta.
"Aad ayaan uga xunnahay laakiin waxaa laguu xaqiijiyay inaad qabto caabuqa jabtada," ayuu yiri. “Waan soo jeestay oo waan eegay waxaana ku iri waad qaldan tihiin.”
'Infekshannada lagu kala qaado galmada waxaa lagu qaadaa galmo, qofka kaliya ee aan la galmoodana waa ninkeyga.'
'Waxaan cudurkan ka qaaday ninkeyga, mana ka warqabin.'
Lorraine waxay soo afjartay guurkeeda ka dib markii ay soo baxday arrintan waxayna hadda u ololaynaysaa baaritaanka caabuqa galmada lagu kala qaado ee haweenka uurka leh.
Dr Claire Dewsnap, la taliyaha isbitaalka Sheffield Teaching Hospital, ayaa Lorraine ku taageeraysa ololaheeda.
"Haweenka guud ahaan lagulam talinayo in laga baaro caabuqa almada lagu kala qaado sida jabtada ilaa ay ka gaarayaan ugu yaraan 25 jir. Waxaan rabnaa in dhammaan haweenka lagu sameeyo baaritaanno lagu baaro cudurradan, waxaana rabnaa in taas laga hadlo.'
Waa maxay noocyada STI?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jira in ka badan 30 bakteeriyo kala duwan, fayrasyo iyo ilma qabato la isugu gudbin karo xiriir galmo.
Shakhsiyaadka ayaa sidoo kale markiiba qabi kara dhowr nooc oo STI ah.
Noocyada ugu badan ee STIs waa syphilis, gonorrhoea, chlamydia iyo trichomoniasis. Caabuqyadan dhammaantood waa la daweyn karaa.
Waa maxay calaamadaha?
Caabuqyada galmada la isugu gudbiyo caadi ahaan waa kuwo aan calaamad lahayn amaba waxaa laga yaabaa calaamado yar inaad isku aragto.
Waa suurtogal inaad caabuqa qabto adigoon ogeyn.
Balse xitaa calaamad la’aan, caabuqyadan ayaa la isugu gudbin karaa galmada waana kuwo dhibaato sababa.
Haddii ay calaamado jiraan, waxaa ka mid noqon kara:
- Dheecaan aan caadi ahayn oo xubinta taranka ragga iyo dumarka ka soo baxa
- Barar amaba finan kasoo baxa agagaarka xubinta taranka
- Xanuun amaba kaadi marar badan ku qabata
- Cuncun amaba guduud aad ku aragto agagaarka xubinta taranka
- Finan amaba barar agagaarka afka
- Ur aan caadi ahayn oo kasoo baxda xubinta taranka haweenka
- Cuncun halka ay saxaradu kasoo baxdo, barar, amaba dhiig
- Xanuun gumaarka ah













