Suunka gaadhiga oo aad xidhato waxay kuu noqon kartaa badbaado

shilalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Deegaanada Soomaalida waxaa kusoo badanaya dadka ku dhimanaya shilalka baabuurta u kala gooshaya magaalooyinka iyo miyigaba. Haddaba shilalkaan badan ee keenaya dhimashada iyo dhaawacaba sidee xidhashada suunku ugu qayb qaadan karaysaa badbaadada wadaha iyo rakaabkaba?

Xidhashada suunka gaadhigu waa in ay noqotaa dhaqan aad samayso marwalba si aad naftaada u badbaadiso. Dad badan ayay soo gaadheen dhaawacyo halis ah sababtoo ah mayna xidhanin suunka. Tilmaamaha ugu horreeyay ee macallimiinta wadista gaadiidku ay dadka siiyaanna waa suun xidhashada. Waana shardiga koowaad ee la eego xilliga imtixaanka wadista gawaadhida ka hor bar intaan gaadhiga la dhaqaajinba.

Xaaladaha degdegga ah ee waddooyinku waxay dhici karaan wakhti kasta, xitaa haddii aad tahay darawal taxaddar leh ama aad la socoto suurtagalnimada inaad shil gasho had iyo jeer way jirtaa.

Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka saxda ah ee xakamaynta badbaadada waxay had iyo jeer kaa caawinaysaa badbaadinta naftaada in aad u horseedo dhaawac halis ah ama dhimashaba. Waana waxyaabaha ugu muhiimsan ee wadahu ay tahay in uu sameeyo kuna baraarujiyo dadka uu qaadaayo si khatar walba oo iman karta looga badbaado.

Suunka kursigu wuxuu badbaadiyay nafo badan marka ay jiraan xaalado degdeg ah oo waddooyin ah. Xidhashada suunkuna kaliya faa'iido uma laha darawaliinta laakiin waxay si isku mid ah muhiim ugu yihiin rakaabka.

haweeneey suun xidhanaysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Fa’iidooyinka

Suunka xidhishadiisu waxuu joojiyaa dhaqaaqa darawalka iyo rakaabka kaas oo marka gaadhiga si xowli ah meel ugu dhaca qofka halkiisa ku celiya kana hortaga in qofku taraaraxo ama meel kale ku dhaco. Marwalba oo gaadhigu xarawaare ku socdana suun la’aantu waxay sii siyaadinaysaa halista wadaha iyo rakaabka oo sare u kacda.

Meelaha ugu badan oo dadyowgu markay suun la’aanta yahiinna dhibaatadu kasoo gaadhana waa madaxa iyo feedhaha oo keena in qofku sida xowliga ah ee uu dhaco ay neeftu ku dhagto. Dhibaatada ruuxa inta badana waxay ku gaadhaa suunka oo aan xidhnayn xiitaa qofku markii ayna jug iyo halis culus gaadhin waxuu noqonayaa mid jahwareer ku dhaco sida uu ga dhaqaaqo kursigiis meel kalana u tago taas oo qofka ku yeelan karta xasuus xun iyo cabsi marwalba raacitaanka gawaaadhida ah.

Ilaalinta hooyada uurka leh

Xidhitaanka suunka ayaa muhiim u ah ilaalinta hooyada iyo ilmaha labadaba. Aad bay ammaan ugu tahay xitaa haweenka uurka leh ee aadka u culus. Waxa laga yaabaa inay yara dhibsato hooyada uurka leh, laakiin xidhashada suunka waxba uma dhimayso ilmaha, waxaanay yaraynaysaa khatarta dhimashada ee ilmaha iyo in ay jug labadoodaba gaadho taas oo si gaar ah wax ugu dhimi karta ilmaha uurjiifka ah.

suunka dhuuqso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, suunka dhuuqso intaadan dhaqaaqin.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Horumarka ku yimaaday baabuurta casrigan cusub ah si walba waxayna uga maarmin xidhashada suunka taas oo aad dareemi karto ahmiyadda ay leedahay; waxaana dunida loo aqoonsanyahay badbaadiyaha ugu muhiimsani in uu suunka yahay.

Wadamo badan oo dunida kamid ah waaka mamnuuc in uu dhaqaaqu gaadhi aan wadaha iyo rakaabku suunka xidhnayn, waxuuna wadahu la kulmi karaa ganaax lacageed iyo xabsi keliya in uusan suunka xidhnayn. Booliiska wadooyinkuna aad ayay indhaha ula raacaan si’ay u hubsadaan in wadaha iyo rakaabkuba ay suunka xidhanyahiin.

Suunka fadhigu waxa uu ahaanayaa cabbir badbaado oo aasaasi ah oo lama huraan ah marka la eego badbaadada baabuurta. Laguma talinayo oo kaliya laakiin sidoo kale shuruudo sharci oo qasab ah ayaa ka jira wadamo badan iyada oo u hogaansanaan la'aantu ay si weyn uga qayb qaadanayso dhimashada wadooyinka. Laga bilaabo bilawga tababarka darawalnimada, muhiimada suunka gaariga ayaa lagu nuuxnuuxsaday arday kasta, rakaabka waxaa si joogta ah lagula talinayaa inay isku xiraan inta ay socdaan baabuurka.