Maxay tahay tallaabada ka dhanka Israa'iil ee Turkigu ku dhawaaqay

Xigashada Sawirka, BBC/GETTY IMAGES
Turkiga ayaa joojiyay dhammaan xiriirkii ganacsi ee uu la lahaa Israa'iil ka dib waxa ku tilmaameen "musiibada bini'aadanimo ee sii xumaanaysa" ee Marinka Qasa ka taagan.
Wasaaradda ganacsiga ee Turkiga ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay sii jiri doonaan illaa iyo inta ay Israa'iil ogolaanayso in gargaarka la gaarsiiyo Qasa, si "ku filan oo aan kala go' lahayn".
Xaddiga is dhaafsiga ganacsiga ee Israa'iil iyo Turkiga ayaa gaaray $7 bilyan sanadkii hore.
Go’aanka ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay joojisay wax kala iibsigii, dhoofinta iyo soo dajintii ganacsi ee ka dhaxayay labada dal taas oo dhammaan taabanaysa badeecadaha.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ee Israa'iil Katz ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu u dhaqmayo sidii “kaligii taliye”.
Katz wuxuu ku sheegay barta X, ee hore loo oron jiray Twiter in Erdogan "uu iska indhatirayo danta dadka Turkiga iyo maslaxadda ganacsatada Turkiga, uuna iska indhatiray heshiisyada ganacsiga caalamiga ah."
Haddaba go’aankan muxuu ka dhigan yahay? BBC-da laanteeda Afka Turkiga ayaa waydiisay khubarada la socota xiriirka Israa'iil iyo Turkiga.
Maxaa keenay in dowladdu ay hadda go’aan noocaas ah qaadato?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Israa’iil iyo Turkiga ayaa noqday mid ka mid ah mowduucyada muhiimka ah ee ay shacabka Turkiga is waydiiyaan ka dib bilowgii colaadada Qasa 7-dii Oktoobar.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Doodahaas oo socday intii lagu gudo jiray hawshii doorashada deegaanka, ayaa qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda, gaar ahaan xisbiga dib u xoraynta (YRP) ku dhaliilay xukuumadda in aanay qaadin tallaabooyinkii loo baahnaa ee arrintan la xiriiray.
Dawladdu waxay ku dhawaaqday 9-kii Abriil inay xaddidday dhoofinta 54 qaybood oo ka mid ah wax soo saarka ah Israa’iil ee ay dhoofin jirtay Turkiga, balse sababta go’aanka ayey ku sheegtay hadda in Israa’iil waxba aysan ka beddelin mawqifkeeda ku aaddan sababta gebi ahaanba xiriirka ganacsi ee hadda loo jaray.
Iyadoo lagu dhawaaqay jimcihii, xayiraadahan ayaa la ballaariyay si loo daboolo dhammaan dhoofinta iyo soo dejinta.
Madaxweyne Erdoğan ayaa sheegay “Waxaan rabnay in aan qiimeyno hannaankan annagoo aan ku degdegin. “Hadda doorashadu way dhammaatay, waxaana qaadnay tallaabadan.”
Madaxweyne Erdogan, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay “Dilka dadka reer Falastiin ee ay gaysanayaan Israa’il, "Mar dambe uma dulqaadan karno arrintan," ayuu intaas raaciyey.
"Waxaa la arkay in dawladda Israa'iil ay sii waddo hab-dhaqankeeda gardarrada ah iyo musiibada bani'aadamnimo ee Falastiin ka jirta ay ka sii darayso. Marka la eego, wajigii labaad ee tallaabooyinka la qaaday ee heer dawladeed ayaa bilaabmay, dhammaan badeecadaha dhoofinta iyo soo dejinta ee la xidhiidha Israel waa la joojiyay," ayaa la raaciyey qoraalka wasaaradda ganacsiga ee Turkiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isagoo la hadlayay BBC Turkish, Oğuzhan Çağlıyan, oo ah cilmi-baare ku takhasusay Israa'iil, ayaa difaacay aragtidaas "siyaasadda guduhu waxay saameyn weyn ku leedahay go'aan qaadashada dowladda iyo waqtiga go'aamadan."
Çağlıyan ayaa qaba ra'yi ah in "cadaadiska uu abuuray baaqii Xisbiga ‘YRP’ ee ahaa in la joojiyo ganacsiga Israa'iil xilligii doorashada iyo xaqiiqda ah in dalabaadka Turkiga aysan fulin Israa’iil taas oo keentay go'aamadan."
“Xitaa haddii doorashooyinka dawladaha hoose ay dhaafaan, waxa dhici karta in afti dadweyne laga qaado dalka Turkiga, codbixinta xisbiga YRP oo helay in ka badan boqolkiiba 6 codadkii la dhiibtay 31-kii Maarso, ayaa sidoo kale muhiim u noqon doonta xaaladdan oo kale." ayuu yiri Çağliyan.
Khabiirka kale ee Turkiga ah Selin Nasi, oo ka tirsan kulliyadda dhaqaalaha ee London (LSE) ee Ingiriiska ayaa BBC Turkisha u sheegay in xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeyey labada dal uu soo maray wajiyo badan.
“Markii labada dal ay ku kala fogaadeen dhibaatooyinka ka taagan arrinta Falastiin, Ankara waxay adeegsatay hadal adag oo ka dhan ah Israa’iil, balse waxay ka fogaatay inay qaado tallaabooyin dhaawac joogto ah u geysanaya xiriirka labada dal,”ayuu yiri Nasi.
Sida la mida Çağlıyan, Selin Nasi, ayaa qaba in arrintan ay soo ifbaxday culayskii ay lahaayeen doorashooyinkii deegaanka ee Turkiga taas oo dhalisay iswaydiin dadweyne oo la xirirta dagaalka ka socda Qasa.
Maxaa ka dhalan doona?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ganacsiga mugga leh ee labada dal ka dib go’aanka Turkiga arrintan ayaa inta badan saamayn ku yeelanaysa wax u dhoofinta Israa’iil ee dalka Turkiga.
Sida laga soo xigtay xogta Machadka Tirakoobka Turkiga (TUIK), badeecadaha Turkigu u dhoofiyo Israa’iil sannadkii 2023-kii waxay ahaayeen 5.2 bilyan oo doollar, halka badeecadaha ugu yimaada Turkiga Israa’iilna ay ahaayeen 1.6 bilyan oo doollar.
Muddo hal sano ah, mugga ganacsiga labada dal wuxuu ahaa ku dhawaad 6.8 bilyan oo doolar.
Marka loo eego xogta TUIK, Israa’iil waxay gashay kaalinta 13-aad ee liiska dalalka wax u dhoofiya Turkiga.
Dhoofinta Israa’iil ee 2023-kii ayaa hoos u dhacday ku dhawaad 23 boqolkiiba marka loo eego sanadkii hore.
Sida laga soo xigtay xogta Golaha Dhoofinta Turkiga (TİM), wax dhoofinta Turkiga ee Israa’iil ayaa hoos u dhacday 21.6 boqolkiiba rubuci hore ee sanadkan 2024.
Marka la barbar dhigo isla rubucii sannadkii hore, heerka hoos u dhaca wuxuu ahaa ku dhawaad 28 boqolkiiba.
Badeecadaha Turkiga laga dhoofiyo ee loo dhoofiyo Israa’iil waxaa ka mid ah Biraha, Mashiinnada, Bacaha, Sibidhka, Dharka iyo Gaadiidka.
Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ka dib go'aankii ugu dambeeyay, milkiilayaasha shirkadaha dhoofinta ayaa sheegay in ay la yaabeen go'aanka Turkiga uu ku joojiyay ganacsiga labada dhinac, iyo in shirkadaha wax dhoofinta ee Turkiga ay raadinayaan habab ay ugu diri karaan Israa'iil iyada oo loo marayo dalal saddexaad.
Ma saamaynaysaa Falastiiniyiinta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mida ganacastada Turkiga ee cunada u dhoofiya Israa’iil ayaa u sheegyay wakaalada ee Reuters, in joojinta ganacsiga ay la macno tahay in la xannibo badeecadaha loo diro dhulka falastiiniyiinta iyo in la sii maro kastamka Israa’iil, wuxuuna intaa ku daray “Shacabka Falastiin sidoo kale waa la waxyeellayn doonaa”.
"Waan arki doonaa haddii aan dalabyada u diri karno Masar, Jordan ama Lubnaan, ma garanayo sida aan uga bixi karno xaaladdan."ayuu intaas raaciyey.
Khabiirka Nasi, ayaa ugu danbayn sheegay in uusan qiyaasi karin halka go’aankan ku danbayn doono
"Ma hubo in Turkigu uu sii wadi doono isbeddelkan muuqda ee hab-dhaqanka, sababtoo ah, dhinac, waxaan ku jirnaa xilli uu Turkigu isku dayayo inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay USA. Sidaa darteed, waxaan u maleynayaa in ay jirto xad xaddidan. taasoo ay ku xumeyn karto xiriirka Israa'iil."
Sannadkii 1949-kii, Turkiga wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee aqlabiyadda Muslimiinta ah ee aqoonsaday Israa'iil. Balse xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay tobannaankii sano ee u dambeeyay.
















