Haweenay dadka u geli jirtay itixaanka baabuur wadista oo gudaha la dhigay

Xigashada Sawirka, TARIAN
Gabadh wadeyaal kale u gashay itixaanka lagu qaato ruqsadda wadista baabuurta oo qoraal iyo wadis ba ah 150 goor ayaa lagu xukumay xadhig sideed bilood ah.
Inderjeet Kaur oo 29 jir ah oo degan xaafadda Llanelli ee degmada Carmarthenshire ayaa qiratay in ay itixaanada dadka u gelaysay intii u dhaxaysay 2018 ilaa 2020.
Booliska ayaa sheegay in ay itixaanka u gashay dadka uu ku adag yahay Af-Ingiriisigu.
Maxakamdda Swansea ayaa dacwadda lagaga oogay waxay ahayd in Kaur oo iska dhigaysa qof kale lagu arkay goobo lagu qaado intixaanka ka dibna booliska lagu wargeliyey oo sidaa lagu soo qabtay.
Kaur waxay itixaanka ka gashay Swansea, Carmarthen, Birmingham iyo London.
Steven Maloney oo ah sarkaal booliska ka tirsan ayaa sheegay in waxa ku kalifay Kaur dembiyadaasi yahay damac [lacag raadis] ah.
“Falal dembiyeedyada noocaas ahi waxay halis ku yihiin guud ahaan bulshada” ayuu yidhi.
Caroline Hicks oo ka tirsan wakaaladda darawallada iyo badqabka gaadiidka ayaa sheegtay in ruqsadaha lagu helay sifahaa sharci darrada ah lagala noqonayo dadka qaatay.
Waxayna intaa ku dartay “itixaanada qoraalka ah iyo kuwa wadista ah ee baabuurta waxa looga gol leeyahay in dadku ay aqoon fiican iyo xirafad u yeeshaan wado marista. In itixaankaas laga xeeladaystaana waxay halis gelinaysaa nolosha dadka.”











