Faragelinta Trump ee xaaladda Suudaan, ma soo afjari doontaa dagaalka?

Trump, Degalo iyo el-burhan

Si ka duwan hindisayaashii hore ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka ka socda Suudaan oo wajahay diidmo dhinacyo kala duwan, xoogagga Suudaan ee awoodda leh oo ay ku jiraan kooxo islaamiyiin ah ayaa soo dhoweeyay dadaalada madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ee lagu joojinayo dagaalka dalkaasi ka socda.

Trump ayaa muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu ka qayb qaato xallinta qalalaasaha Suudaan iyo gaarsiinta nabadda, ka dib codsi uu ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, intii lagu guda jiray booqashadiisii Washington.

Waxaa intii lagu guda jiray shirka maalgashiga Sacuudiga iyo Maraykanka uu Trump ka sheegay, in bin Salmaan uu ka codsaday in uu si xooggan u faragaliyo si loo joojiyo dagaalka Suudaan.

Waxa uu faahfaahiyay, in xallinta khilaafka Suudaan aysan qayb ka ahayn qorshihiisa, balse dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya uu ku booriyay, in uu si dhab ah u faragaliyo dalkaasi si loo xalliyo qalalaasaha uu Qaramada Midobay ku tilmaamay mid kamid ah kuwa ugu xun dunida.

''Amiir Maxamed bin Salmaan wuxuu ii sharaxayay xaaladda Suudaan iyo dagaalka argagaxa leh ee halkaasi ka socda, wuxuuna ii sharaxay taariikhda Suudaan, dhaqankeeda iyo shacaba.. ka dib 30 daqiiqo oo hadal ah oo uu dhaaxal-suguhu jeediyay, waxaan bilaabay in aan xaaladda barto oo aan u dhaqaaqo jihadan.''

Soo dhoiweyn aan horay loo arag

Abdel Fattah al-Burhan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha golaha sare ee Suudaan, ahna taliyaha ciidamada, Jeneraal Cabdifataax al-Burhan, ayaa ahaa qofkii u horeeyay ee soo dhoweeyay tallaabadan,isaga oo barta X ku qoray: ''Mahadsanid Amiir Maxamed… Mahadsanid Madaxweyne Trump.''

Golaha sare ee Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay soo dhoweynayaan dadaallada Maraykanka iyo Sucuudiga ee lagu dhisayo nabad cadaallad iyo sinnaan ku dhisan, iyaga oo carabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin, dhab u shaqaynta labada dal si loo gaaro nabadda shacabka Suudaan ay sugayaan.

Dhankiisa, la taliyaha ciidamada gurmadka degdega Al-Basha Tabik ayaa soo dhoweeyay bayaanka Trump, isaga oo barta X ku sheegay inay rajaynayaan nabad wax ka qabata asalka dhibaatooyinka Suudaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhinacyo badan iyo jabhado hubaysan, sida xisbiga Qaranka Umma iyo ''Sumud'' isbahaysi uu hoggaamiyo ra'iisul wasaarihii hore Abdullah Hamdok ayaa sidoo kale soo dhoweeyay dadaalada wadajirka ee Maraykanka iyo Sucuudiga ee lagu dhammaynayo dagaalka Suudaan.

Waxaa Iyana dhif iyo naadir ahaa dhaqdhaqaaqa Islaamiga Suudaan oo lala xiriiriyo nidaamkii madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Cumar al-Bashiir ay iyaguna soo dhoweeyaan hindisahan.

Bayaan uu ku saxiixan yahay xooghayaha guud Cali Kaarti ayay ku sheegeen inay qadarinayaan mowqifka masuuliyada leh ee Amiir Maxamed bin Salmaan oo ay ku tilmaameen hoggaamiye masuul ah.

''Dareenka sharafta leh ee Amiirku wuxuu muujinayaa daryeelkiisa ku aadan Suudaan iyo shacabkeeda, wuxuuna astaan u yahay garasho, geesinimo iyo hoggaan xikmad leh- annaguna waxaan u fidinaynaa gacmo nabadeed oo lagu ilaaliyo karaamada shacabka Suudaan, lana xaqiijiyo caddaalad, nabad, amni iyo xasilloonida dalkeena''

Maraykanku waxa uu cunaqabatayn saaray Kaarti oo horay u ahaa wasiirkii arrimaha dibadda Suudaan xilligii al-Bashiir, iyaga oo ku eedeeyay inuu ku lug lahaa hurinta dagaalka hadda socda ee Suudaan.

Dadaal u baahan dhiirigalin

Falanqeeyaha siyaasadda Suudaan, Saalax Xabiib ayaa aaminsan in faragalinta madaxweynaha Maraykanka ay siin doonto dadaalada socda xoog cusub oo gacan ka gaysan kara xallinta khilaafka.

Waxa uu sheegay dhibaatada Suudaan ay saamayn ku leedahay gobolka Bariga dhexe iyo wadamada dariska ah, gaar ahaan Masar haddii aan xal laga gaarin.

''Waxaan u malaynayaa inay tahay talaabo aad u weyn oo riixaysa xalkii lagu joojin lahaa dhibaatada Suudaan… xallinta arrinta Suudaan waxa ay sidoo kale horseedi kartaa in la xalliyo dhibaatooyin badan oo bariga dhex ka jira.''

QM waxa ay ku tilmaantay musiibada bini'aadantinimo ee dagaalku sababay inay tahay ''tan ugu xun dunida maanta,'' iyada oo tobanaan kun la dilay, malaayiin lagu barakiciyay, isla markaana burbur weyn uu soo gaarya kaabayaasha nolosha.''

Ilayska yar ee rajada

Suudaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tan iyo markii uu qarxay dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee Suudaan bishii Abriil 2023, waxaa soo baxay hindisayaal badan oo gudaha, gobolka iyo caalamka ah, si loo joojiyo dagaalka oo ay ku jiraan dadaalo ka yimid Riyaad, Washington, Qaahira, Manaama, QM iyo Midowga Afrika. Midkoodna ma suurtagalin inuu dagaalka dhammeeyo.

Hindisaha ugu dambeeyay wuxuu ahaa khariidadda ay soo bandhigeen kooxda (Quartet) ee ay ku bahoobeen Maraykanka, Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Khariidadda waxa ay dhigaysaa in la bilaabo xabbad-joojin bini'aadanimo oo 3 bilood ah, ka dib xabbad-joojin rasmi ah oo 9 bilood ah, dabadeedna la bilaabo geeddi-socod siyaasadeed oo ay ka qayb qaataan xoogagga rayidka ah, iyada oo ugu dambayn la dhisayo dowlad rayid ah oo aysan kamid noqon doonin ciidamada qalabka sida ama xoogagga gurmadka degdeg ah.

Inkasta oo RSF ay aqbaleen khariidaddan, haddana mowqifka ciidamada Suudaan ayaa u muuqda mid aan caddeyn.

Al-Burhan ayaa si isdaba joog ah u adkeeyay diidmo ku aadan xabbad-joojin iyo wadahadal lala galo RSF.

Ergayga madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boolos ayaa sheegay inay la shaqayn doonaan la howlgalayaashooda si loo fududeeyo xabbad joojin bini'aadanimo.

''Sida maanta uu ku dhawaaqay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Maraykanka waxaa ka go'an inuu soo afjaro dagaalka argagaxa leh ee Suudaan, hoggaanka madaxweyne Trump waxaan la shaqaynaynaa iskaashiga si loo fududeeyo xabbad-joojin bini'aadanimo loona joojiyo taageerada milatari ee dibadda laga siiyo dhinacyada dagaalamaya, taas oo hurinaysa rabshadaha.''