Muxuu yahay baaqa culus ee guddoomiyaha Midowga Afrika uu u diray Itoobiya iyo Ereteriya

Madaxa midowga Afrika Maxamed Cali Yuusuf ayaa xusay munaasabadii 25aad ee ka soo wareegtay heshiiskii Aljeris ee lagu dhammeeyay dagaalkii uu dhiiga badan ku daatay ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Ereteriya laga soo bilaabo 1998 ilaa 2000, isaga oo yiri ''Waxa ay matashaa guul taariikhi ah oo nabada'' labada dal ah.
Diblomaasiga reer Jabuuti oo beddelay guddoomiyihii hore ee Midowga Afrika Musa Faki, febraayo 2025 ayaa sheegay in heshiiska nabadda uu muujinayo ''rabitaanka joogtada ee labada dal ee walaalaha ah ee ku aadan iskaashi iyo barwaaqo wadaag''.
Dagaalkii xuduudda ee labada sano socday, oo ay ku dhinteen inta u dhexeysa 70,000 ilaa 80,000 oo labada dal ah ayaa dhammaaday 12-kii Diseembar 2000, kaddib markii heshiis nabadeed lagu saxiixay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sidoo kale u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Aljeeriya doorkii weynaa ee ay ka qaateen qabashada wada-hadallada iyo ilaalinta geeddi-socodkooda.
"Inaga oo u dabbaaldegayna sanad-guuradan, waxaan ugu baaqayaa Itoobiya iyo Eritrea inay cusboonaysiiyaan ballanqaadkooda ku aaddan heshiiska Aljeris, isla markaana ay doortaan wadahadal iyo deris wanaag oo ah waddada ugu wanaagsan," ayuu yiri.
Waxa uu intaasi raaciyay "Xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyo daryeelka iyo wanaagga shucuubta ku nool, waxay ku xiran yihiin xoojinta kalsoonida labada dhinac, ballaarinta iskaashiga, iyo ka hortagga waxyaabaha wiiqaya amniga guud".
Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka
Itoobiya iyo Eriteriya ayaa ku heshiiyay in la dhiso guddi shan xubnood ka kooban oo xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ah si loo go'aamiyo halka ay ka tirsan yihiin dhulalka xuduudda ee lagu muransan yahay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bishii Abriil 2002, Guddiga Xuduudda Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo saaray go'aan. Sida uu qabo go'aankaas, Badme, oo ah halka lagu tilmaamay inuu ka bilowday khilaafka labada dal, ayaa noqotay dhul ka tirsan Eritrea.
Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa diiday go'aankaas waxayna diidday inay ciidamadeeda kala baxdo.
Kaddib go'aankaas, Itoobiya waxay ku baaqday wadahadallo dheeraad ah oo dhex mara labada dal, iyada oo tixraacday dhibaatooyinka ka imaan kara hirgelinta calaamadeynta xuduudda.
Eritrea ayaa si adag u diidday codsiga Itoobiya. Sidaas darteed, arrinta xuduudda ee Itoobiya iyo Eritrea waxa ay gashay xaalad loo yaqaan "nabad la'aan iyo dagaal la'aan" muddo labaatan sano ah.
Muddo sannado ah, Eritrea waxay ku adkeysanaysay in heshiiska Aljeris la fuliyo, maadaama uu yahay go'aan "kama dambeys ah oo waajib ah."
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo xilka la wareegay bishii Maajo 2018, ayaa sheegay in dib-u-heshiisiinta iyo nabadda lala gaaro Eritrea ay ka mid yihiin hawlihiisa ugu horreeya.
Guddiga Fulinta ee EPRDF ayaa shirkiisii caadiga ahaa qabtay horraantii Juun 2018, wuxuuna ku dhawaaqay in Itoobiya ay fulin doonto heshiiska Aljeris si loo helo nabad waarta oo u dhexeysa labada dal iyo shucuubta walaalaha ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Inkasta oo fulinta heshiiska Aljeris ay ahayd qodob muhiim ah oo ka mid ahaa "heshiiska nabadda iyo saaxiibtinimada" ee lagu saxiixay Asmara iyo Jeddah, haddana labada hoggaamiye ma aysan hirgelin intii uu xiriirkoodu wanaagsanaa.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamed Cali Yuusuf, ayaa mar kale ku celiyay diyaar garowga guddiga ee taageeridda labada dal iyo guud ahaan gobolka ee dadaallada lagu horumarinayo nabadda, horumarka iyo iskaashiga xuduudaha ka baxsan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa isaguna ugu baaqay labada dal inay sii wadaan ballanqaadkooda ku aaddan "aragti nabad waarta iyo ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed,"
Heshiiska ayaa gacan ka geystay abuurista "hannaan lagu calaamadeeyo xuduud" ayaa lagu yiri bayaanka, iyada oo lagu daray inuu "mar kale xaqiijiyay mabaadi'da aasaasiga ah ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee labada dal," iyadoo ay taageerayaan beesha caalamka.
"Xilligan muhiimka ah, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu mar kale adkeynayaa taageeradiisa buuxda ee Heshiiska Aljeris," ayuu yiri.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa hadalladan jeediyay iyaga oo ka cabsi qaba in labada dal ay mar kale u jiheystaan dagaal.













