Maxaan u neceb nahay baranbarada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Badideen waan xasuusannaa wixii ugu horreeyay ee aan dareennay markii ugu horreysay ee aan aragnay baranbarada. Badanaa xasuustaasi waa yaqyaqsi iyo cabsi.
Waayo-aragnimadani runtii aad bay iigu xumayd. Waxa aan markaas jiray 5 ama 6 sano. Dhalo quraarad ah ayaan jikada ka soo qaatay oo ay baranbaro ku dhegtay. Wey duuashay oo haddana qoorta ayey iiga dhagtay.
Dhaladii ayaan dhulka ku tuuray anigoo cabsanaya. Horay ayaan u arkay baranbaro lakiin arrintan oo kale kalama aanan kulmin.
Waxaan arkay walaalahay oo ku ciyaaraya shabagga baranbaro.
Sannado ayay igu qaadatay inaan ka adkaado nacaybka iyo cabsida baranbarada.
Balse hadda waxaan gartay in aanay ku jirin wax macno ah in dadku ka baqaan baranbarada.
Baranbaradu ma gudbiso cudurro sida cayayaanka kale, sida kaneecada. Maqaarkaaga kuma dhageyso awoodna uma laha in ay dhiiggaaga dhuuqdo.
Badankeen ma aynaan dareemin khatarta aad u xun ay leedahay kaneecadu taas oo nuugta isla markaana u faafisa cudurrada adduunka oo dhan.
Maxaan u neceb nahay?
Bronoy Vaidya, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi-nafsiga kana tirsan machadka cilmi-baarista deegaanka iyo kaynta, ayaa sheegay in mid ka mid ah sababaha ay dadku u neceb yihiin ay tahay in ay ku nooshahay xaalad aad u liidata iyo meelo xun.
Waxa uu yiri, "Barnbarada badanaa waxa laga helaa meelaha wasakhda ah, meelaha qashinka, musqulaha, iwm. Waxay abuurtaa dareen nacayb."
Dadkii hore ee waddamada qaar waxay ka cabsanayeen in baranbaradu ay cudurro faafin karto.
Cabsida ama nacaybka baranbarada waxa loo yaqaan Katsaridaphobia.
Ilaa 1300 oo nooc oo baranbaro ah oo dhulka laga helo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida laga soo xigtay Bronoy Vaidya, nooca baranbarada ugu badan ee laga helo guryaha waxaa loo yaqaannaa Periplaneta americana.
Waxa uu intaa ku daray, "Laakiin, waxaa jira ilaa 1,300 nooc oo baranbaro ah, 30 ka mid ah oo kaliya ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay bini'aadamka. Inta kale waxaa laga helaa meelo cidlo ah sida kaymaha."
Ku xigeenka Prof, ee qaybta Entomology, Jaamacadda Annamalai, Dr. Selvamuthukumaran Thirunavukarasu ayaa sheegay in inkasta oo dhulku uu la kulmay masiibooyinka kala duwan, balse baranbaradu ay badbaadiyay.
Dr. Selvamuthukumaran Thirunavukarasu waxa uu intaa ku daray, "Cayayaanku waxa ay dhulka yimaaddeen 350 milyan oo sanno ka hor. Sidaas awgeed, baranbarada ayaa sidoo kale dhulka dul joogay 300 ilaa 350 milyan oo sannadood."
Waa maxay doorka dabiiciga ah ee baranbarada?
Baranbarada duurjoogta ah ayaa sidoo kale muhiim ah maaddaama kaymaha ay yihiin kuwo deegaan ahaan aan laga maarmin.
Bronoy Vaidya waxa uu yiri, "Waxay cunaan wax dhintay iyo wax qurusanba. Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan wareegga nadaafadda ee deegaanka."
"Marka uu nooluhu dhinto, jirkiisu waa in uu qurmaa. Waxaa jira habab badan oo ku lug leh, sidaa daraadeed baranbarada duurjoogta ah ayaa kaalin muhiim ah ka ciyaarta deegaanka."
Cayayaanka ayaa door weyn ka ciyaara habka loo beddelo khashinka.
Dr. Selvamuthukumaran Thirunavukarasu ayaa yiri "Cayayaankani waa qayb muhiim ah oo ka mid ah silsiladda cuntada, haddii silsiladdan cuntada la gooyo, wareegga unugyada cuntada ee dhulka ayaa joogsanaya."
"Taasina waxay u horseedi kartaa cunto yari soo wajahda dhirta iyo xoolaha."
Baranbaradu miyay cudurrada u gudbisaa bani'aadamka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dadka qaar ayaa xasaasiyad ku qaba baranbarada.
Selvamuthukumaran ayaa sheegay in aysan u badneyn in ay faafiyaan cudurrada sida duumada.
"Malaariyo, dengue waa cudurro ay kaneecadu faafiso. Daacuunku waxa uu ku fidaa duqsigu. Laakiin baranbaradu waa ay ka duwan tahay oo wax cudur ah oo gaar ah kuma faafiso dadka."
Baranbaradu sida caadiga ah waxay ku kortaa una badantahay meelaha ay ka jiraan cunto iyo deegaan qoyan.
Sidaa awgeed, Selvamuthukumaran waxa uu ku adkaysanayaa in ilaalinta nadaafaddu ay lagama maarmaan tahay si loo xakameeyo baranbarada iyadoo uu ku taliyay qodobadan.
- Nadiifi suxuunta isla markaaba cuntada kadib. Tuur qashinka cuntada ee hara isla markiiba.
- Iska jir inaad qashinka ku uruuriso guriga.
- Qashinka aad isticmaashid waa in la xiro oo uusan oollin meel furan.
- Halkii aad ku hayn lahayd qashinka gudaha guriga habeenkii, dhig meel ka baxsan guriga.
- Baranbaradu waxay ka soo geli kartaa daaqadaha, albaabbada iyo meelaha bannaan, markaa waa in aad xirtaa haddii aan loo baahnayn.
- Ka digtoonow inaad ka tagto saxanka oo qoyan habeen xitaa hal habeen, maadaama baranbaradu ay ku noolaan karto xitaa wax yar oo biyo ah iyo dhadhanka cuntadaba.
Dhanka kale buufinta baranbarada waxaa loo isticmaalaa in lagu celiyo ama lagu karaantiilo tan gu nool gudaha laakiin isticmaalkani wuxuu sidoo kale khatar ku yahay nolosha aadanaha.
Sidaa darteed, Selvamuthukumaran ayaa sheegay in halkii laga isticmaali lahaa kiimikooyinka waxyeellada u leh aadanaha kadib marka baranbaradu ay guriga soo gasho, ay fiicnaan karto in la qaado tallaabooyin looga hortagayo baranbarada xilli hore.













