Muxuu yahay app-ka uu Elon Musk doonayo in uu u ekeysiiyo Twitter-ka?

elon musk

Xigashada Sawirka, Getty Images

Horraantii toddobaadkan, Elon Musk waxa uu calaamadda Twitter-ka u beddelay X, isaga oo qaaday tallaabo ku dhow yoolkiisa ah in uu ku daydo app-ka Shiinaha laga leeyahay ee loo yaaqan WeChat.

Musk waxa uu hiigsanayaa in uu isbeddel badan ku sameeyo shirkaddiisa baraha bulshada, taas oo uu ku iibsaday $44 bilyan sannadkii hore.

Musk ayaa doonaya in uu X u beddelo madal aad u ballaaran. Horay ayuu u ammaanay App-kaWeChat, oo sidoo kale loo yaqaan"wax walba app" kaas hal mel isugu wada keenay wada sheekeysiga, shukaansiga, lacag-bixinta, iyo warbaahinta bulshada.

Elon Musk ayaa waxaa uu aaminsan yahay in app sidaas oo kale hal meel isugu keeno dhammaan waxyaabahas oo uu Twitter-ka ubeddelo ay noqon doonto guul weyn.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay bartiisa X, Musk wuxuu ku dhawaaqay qorshayaal wax looga beddelayo barta Twiter-ka.

Ujeeddada ayaa ah in la kordhiyo dakhliga maaddaama Twitter uu lumiyay ku dhawaad kala bar dakhligii xayeysiinta tan iyo markii uu iibsaday Musk, taasoo shirkadda gelisay deyn culus .

Muxuu yahay app-ka WeChat?

appka we chat

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa bilaabay shirkadda weyn ee tignoolajiyadda ee Tencent 2011, WeChat hadda waxaa isticmaala ku dhawaad 1.4 bilyan oo qof oo Shiinaha ku nool.

Waa wax aad uga badan app-ka kuma koobna app fariimaha la isku dhaafsado oo kaliya ee WeChat waxay bixisaa farriimo, cod iyo muuqaal, warbaahinta bulshada, ka dalbashada cunnada, in loo isticmaalo in lacagaha lagu bixiyo, wararka ciyaaraha, wararka caalamka, iyo xitaa shukaansiga.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay hal meel isugu keentay hawlaha WhatsApp, Facebook, Apple Pay, Uber, Amazon, Tinder.

WeChat waxa ay ku dhex milmay bulshada Shiinaha ilaa ay gaadhay heer in aanay suurtogal ahayn in halkaas lagu noolaado la'aanteed.

Intii lagu jiray faafkii Corona, WeChat waxay noqotay lama huraan maaddaama Shiinuhu uu hirgeliyay xannibaadyo adag oo Covid lagu xakameynayay.

Nambarro mujinaya in qofka caafimaad qabo oo kusoo dhacaya app-ka, taas kadibna qofka usuura galineysay inuu isaga kal goosha dalka dhexdiisa.

"Mambarka caafimaadka" ee ka soo baxay app-ka ayaa looga baahnaa dhaqdhaqaaqa dalka gudihiisa.

Si kastaba ha ahaatee, hal app oo leh dhammaan waxyaabahaas ayaa leh cillado ama caqabado.

WeChat waxay isticmaashaa inta badan maskaxda taleefoonka, waxayna kor u qaadaysaa welwelka ku saabsan faafreebka dawladda, ilaalinta digitaalka, iyo faragelinta arrimaha gaarka ah ee dadweynaha.

Kantaroolka internet-ka ee Shiinaha ayaa ka dhigaya mid aad khatar u ah shakhsiyaadka inay WeChat isu mariyaan farriimo dadka mucaaradka ku ah dowlada .

Codadka diiddan waxay halis ugu jiraan in akoonnadooda la joojiyo ama la xiro.

Akoonnada isu gudbiyo farriimo mucaarad ku ah dowladda waxay halis ugu jiraan in akoonnadooda la joojiyo.

Guusha WeChat ee Shiinaha waxaa loo aaneyn karaa laba arrimood oo waaweyn.

Marka hore, dadka Shiinaha intooda badan waxay ka galaan WeChat taleefannada casriga ah halkii ay ka geli lahaayeen kombuyuutarrada desktop-ka sababtoo ah horumarka dambe ee internetka ee waddanka.

Marka labaad, inaysan kajirin sharci ilaalinaya kuwa doonaya inay la tartamaan, WeChat aya xannibto kuwa doonaya inay la tartamaan ama xannibto aaladaha doonaya inay la xafiiltamaan. Ma cadda sida Musk uu guushan ugu soo hoyin karo bartiisa.

Adeegga wax iibsiga ee WeChat , iyo gaarsiinta cunnada, kireysiga hoteelada, iyo ballansashada shineemoda iyo boggeeda maalgashiga

Fikirkan adduunka reer galbeedka ma ka dhaadhici karaa?

Khubarradu waxay soo jeedinayaan in lacagaha dijitaalka ah ay noqon karaan qaybta ugu muhiimsan ee hammiga Musk. Isku dhafka WeChat ee warbaahinta bulshada ee lacagaha dhijitaalka ah ayaa ka dhigtay lagama maarmaan gudaha Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, in fkirkan ay si buuxda ula qaatan bulshada reer galbeedka ayaa wakhti badan qaadan karto.

Qaadashada baahsan ee tignoolajiyada lacag bixinta dhijitaalka ah ee reer galbeedka maaha mid u baahsan sida Shiinaha.

Arrintan ayaa caqabad ku noqon karto qorshayaasha Musk, maaddaama ay qaadan karto waqti dheer in dunida reer galbeedka ay noqdaan bulsho aan lacag caddaan ah qaadan ama kaarka lacagta qaadaan.